Raul Aariz 24 News

Raul Aariz 24 News

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Raul Aariz 24 News, Sports Event, Raulaariz. wordpress. com, Mogadishu.

[email protected]/about/welcome" rel="ugc" target="_blank">https://www.facebook.com/pg/[email protected]/about/welcome page kan waa page keyga Qaaska ah waxaana iskaleh bahda sportska halkan igala socda share gareya like saara mahadsanidiin

08/09/2022

Rasmi : Manchester United ayaa lagu garaacay Old Trafford kulankoodii furitaanka Group E ee Europa League, iyadoo Real Sociedad oo marti aheyd ay ku badisay natiijo 1-0 ah.

Rigoore uu keenay Martinez islamarkaana uu dhaliyay Mendez ayay Sociedad ku garaacday Man United iyagoo soo gabagabeeyay afar guul oo isku xigta oo ay Man United gaartay.

- Aragtidaada Man United Maxaa ka Qaldamay -

- Raul Aariz -

08/09/2022

Rasmi : Boqoradii Ingariiska soo maamuleysay muddo kudhaw 70 sannadood ah Elizebeth ayaa geeriyootay iyadoo da’deeda ay aheyd 96 sanno jir.

Waxaa warkaan goor dhaw xaqiijiyay maamulka boqortooyada oo sheegay in boqoradii ugu waqtiga dheereyd UK inay ku geeriyootay sariirteeda ka dib xanuun soo wajahay.

Wiilkeeda curudka ah Charles ayaa haatan noqonaya boqorka cusub ee UK iyo 14 dal ee ka tirsan dalalka barwaaqo sooranka.

Kulamadii isbuuca 7aad ee horyaalka Premier League ee ku balansan in la ciyaaro maalmaha Sabtida, Axada iyo Isniinta ayaa halis ugu jira in la baajiyo madaama UK ay galeyso maalmo boroordiiq ah.

Maamulka Premier League weli war rasmi ah k**a soo saarin laakiin waxay ka tacsiyadeeyeen geeriga boqorada Elizebeth, iyadoo la filayo inay war kale soo saari doonaan.

Waxay bogooda Twitter ku soo qoreen: “Horyaalka Premier League wuxuu ka murugeysan yahay inay maqleen geerida boqorada Elizabeth-ta labaad. Waxaan tacsi u direynaa qoyska boqortooyada iyo qof walba oo dunida ku nool oo ma murugoonaya geerida boqorada.

- Raul Aariz 24 News -

05/09/2022

Rasmi : Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa shaaciyey astaamihii uu ku soo xushay saxeexyadii uu sameeyey xagaagan.

Erik ten Hag ayaa yidhi: “waxa aan ku doortay ee uu ku salleeyey xulashada: "Marka h**e, ciyaartoyda aanu la saxeexanay waa kuwo u ciyaara xulalka qaramadooda oo heercaalami ah. Marka labaad, waxay bandhig fiican kasoo sameeyeen Champions League.

“Marka saddexaad, waxay leeyihiin xirfad shaqsiyeed waxaanay awood u leeyihiin in ay ciyaaraan kubbad xamaasaddeedu sarrayso, sidaas ayaanu ciyaartoyda aanu soo iibsanay kusoo xulanay.”

- Aqriste Aragtidaada Mala Qabta Mise -

- Raul Aariz 24 News -

05/09/2022

Rasmi : Roy Keane oo ka hadlayay Sky Sports oo uu falanqeeye ka ahaa ayaa ku sifeeyey Tababaraha kooxda Arsenal in uu yahay ‘mid guul-darraystay’ isla markaana ay khaati ka Taagan yihiin cudur-daarka Arsenal.

“Arteta waa la waraystay ciyaaarta kaddib, isaga ayaa kalidii guul-darraystay waxayna ahayd in uu xoogaa hambalyo ah siiyo Naadiga Manchester United laakiin ma samaynin.

“Mar kasta oo uu guul-darrayso, waxa uu sheegaa wax aanay si fiican u samaynin ama garsooreyaasha ayuu eedeeyaa, jooji cudur-daarrada.”

- Roy Keane Hadal Gambasho mayaqaano -

- Raul Aariz 24 News -

04/09/2022

Rasmi : Tan iyo markii uu saftay kulankiisi ugu h**eysay ee horyaalka Premier League, ma jiro Xiddig ka caawin badan Ciyaar open play’ga ciyaar furan Bruno Fernandes 23 Caawin ayuu Sameyay.

Dhanka kale Red Devils ayaan wali guuldarro la kulmin kabtankooda cusub Inta uu yahay Bruno Fernandes.

Miyuu jira xiddig aad uga muhimsan isbadalka Manchester United marka loo eego Bruno ?

- Aragtidada Nala Wadag - Raul Aariz 24 News

- Raul Aariz -

04/09/2022

Rasmi : Arsenal FC ayaa laga badiyay kulamo badan oo horyaalka Premier League ah oo ay wajahday Manchester United (26) waana in ka badan koox kasta oo kale taariikhda tartankan.

- Arsenal Waa koox Dhibane U ah Man United -

Asxbey Pageka ii Camira - Raul Aariz 24 News

- Raul Aariz -

04/09/2022

Rasmi : Weeraryahanka reer England ayaa dhaliyey laba gool mid kalena caawiyey, balse waxa xiddignimada kula tartamay laacibka ay isku kooxda yihiin ee Christian Eriksen oo ku dhegsanaa.

Labadan ciyaartoy oo ahaa kuwa qiimaynta ugu badan ka helay ciyaarta ayaa uu mid walba helay darajada 8, mana jirin ciyaartoy kale oo la mid ahaa.

Telefishanka Sky Sports ee ciyaarta baahinayay ayaa xiddiga garoonka siiyey Christian Eriksen, waxaana go’aankaas ku raacay telefishanno kale oo caan ah iyo warbaahinta Ingiriiska ee kala duwan, laakiin Premier League ayaa kasoo horjeedsaday oo siiyey Rashford.

- Aqriste Aragtidaada Nala Wadaag Waa Dood Furan Yaa Uqalmay Man of the Match -

- Raul Aariz 24 News - Fallow Us More -

- Raul Aariz -

04/09/2022

Rasmi : Manchester United ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League, ka dib markii laga badiyay labadii kulan ee ugu h**eysay xilli ciyaareedkan.

Kaliya waa kooxdii seddexaad ee taariikhda Premier League ku guuleysata afar isku xigta ka dib markii laga badiyay labadii kulan ee furitaanka hal xilli, ka dib Tottenham 2011-12 iyo Arsenal 2018-19.

Afartii kulan ee Manchester United ay badisay ayaa ah guushoodii ugu dheereyd ee Premier League tan iyo markii ay badiyeen shan xiriir ah bilihii March iyo April 2021 markaas oo uu hogaaminayay Ole Gunnar Solskjaer.

- Raul Aariz -

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Raulaariz. Wordpress. Com
Mogadishu