29/07/2026
๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐ซ
28-kii Luulyo 2026, Mudane Danjire Cali Cabdi Awaare , Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar, ayaa si rasmi ah Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ugu qaabilay wafdiga Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed (SBF), oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Xiriirka, Kooshin Cabdisalaam Diriye, iyo Xoghayaha Guud, waxaana weheliyey Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee 18-jirrada (U-18), macallimiinta, iyo waalidiinta ciyaartoyda. Danjiruhu wuxuu si diirran u soo dhaweeyey dhammaan wafdiga, isagoo sidoo kalena ku soo wareejiyey xarunta safaaradda.
Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed, Kooshin Cabdisalaam Diriye, iyo Xoghayaha Guud ayaa uga mahadceliyey Danjiraha soo dhoweynta qiimaha badan iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliyeed u hayso horumarinta kubadda koleyga. Sidoo kale, ciyaartoyda, macallimiinta, iyo waalidiinta ayaa muujiyey mahadnaq iyo qadarin ay u hayaan soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.
Intii ay booqashadu socotay, ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee 18-jirrada (U-18) ayaa Mudane Danjire Cali Cabdi Awaare guddoonsiiyey maaliyadda rasmiga ah ee Xulka Qaranka Soomaaliya, taas oo ay ku saxiixnaayeen dhammaan ciyaartoydu. Hadiyaddan ayaa ahayd astaan muujinaysa qaddarinta iyo mahadnaqa ay ciyaartoydu u hayaan Danjiraha iyo taageerada uu u muujiyey xulka intii ay ku sugnaayeen dalka Masar.
Booqashadani waxay farriin dhiirrigelin leh u ahayd ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee 18-jirrada, taas oo muujinaysa inay ku ciyaarayaan magaca iyo calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyagoo garab ka helaya Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed. Ciyaar kasta oo ay ku ciyaareen dalka Masar waxay u matalayeen dalkooda si sharaf, karaamo iyo waddaniyad leh.
Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed wuxuu mar kale uga mahadcelinayaa Mudane Danjire Cali Cabdi Awaare iyo dhammaan shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Masar soo dhoweyntooda diirran iyo taageeradooda joogtada ah. Xiriirku wuxuu sii wadi doonaa dadaalladiisa ku aaddan horumarinta kubadda koleyga iyo kor u qaadista magaca iyo calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya meel kasta oo ay xulalka qaranku ka qayb galaan.
27/07/2026
๐ Kulanka: Soomaaliya ๐ธ๐ด vs Kenya ๐ฐ๐ช
๐๏ธ Taariikhda: 27 July 2026
๐ Waqtiga: 6:00 Fiidnimo
Waa Habeen kale oo Ciyaartoyda xulka qarankeena ee Kubadda Kolayga ay ku muujinayaan kartidooda iyo horumarka ay sameeyeen kaddib guushii qiimaha lahayd ee ay ka gaareen Tanzania waxa ayna kulan kale oo saaxiibtinimo la qaadan doonan Xidigaha Xulka Kubadda Koleyga ee Dalka Kenya.
Hal Calan, Hal Qaran iyo Hal Riyo. ๐ธ๐ด
26/07/2026
BILOWGA GUULAHA CUSUB: Somalia 79 Tanzania 71
Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ka dhacday ciyaar saaxiibtinimo oo xiiso badneyd taas oo dhexmartay xulalka kubadda koleyga ee Soomaaliya iyo Tanzania
Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay ciyaar tayo sare leh iyadoo ku guuleysatay 79โ71 taas oo muujisay in kubadda koleyga Soomaaliyeed ay qaadayso waddadii horumarka.
Guushan ma aha oo kaliya labo dhibcood oo ciyaar lagu helay balse waa fariin cad oo muujinaysa in dadaal, qorshe iyo hoggaan hufan ay dib u soo nooleyn karaan rajadii kubadda koleyga Soomaaliyeed.
Waxaa muuqata in hoggaanka cusub ee Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed ee uu hogaaminaayo Mudane Kooshin Cabdisalaan Diiriye uu ku tallaabsaday isbeddel la dareemi karo isagoo xoogga saaray diyaarinta ciyaartoyda, kordhinta tartamada iyo dib u dhiska sumcadda ciyaaraha Soomaaliya ee caalamka.
Ciyaartoyda Soomaaliyeed waxay muujiyeen geesinimo, isku-duubni iyo karti iyagoo caddeeyay in calanka buluugga ahi uu mar walba mudan yahay in sharaf lagu matalo
Guushan waxay dhiirrigelin u tahay jiilka cusub ee ciyaartoyda waxayna sare u qaadaysaa rajada taageerayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
Guushu waxay raacdaa kuwa dadaala,Soomaaliya se caawa waxay caddeysay inay diyaar u tahay guulo waaweyn
26/07/2026
TABABARKU WUU SOCDAA
Xulka Qaranka somalia da'da U-18 ah ayaa maalin kasta ku jira tababar adag, iyagoo u diyaargaroobaya kulankooda soo socda ee ay la ciyaari doonaan Tanzania.
In kasta oo kooxdayada laga hor istaagay ka qaybgalka isreebreebka Zone V ee Masar โ arrin aan hadda si rasmi ah u gudbinnay FIBA โ haddana wiilashu ma ay quusan. Waxay ku adkaysteen tababar, edeb, iyo niyad qaran.
Kubadda koleyga Soomaaliyeed way soo noqonaysaa โ mustaqbalkuna waa kuwan wiilasha.
26/07/2026
Safaaradda JFS ee dalka Masar waxay guul u rajaynaysaa ciyaartoyda Soomaaliyeed ee dhigooda Tanzania kula ciyaari doona Caawa 8:00 fiidnimo,Magaalada Qaahira
Safaaraddu waxay ku dhiirigalinaysaa dhammaan Jaaliyadda iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar inay si buuxda u garab istaagaan una muujiyaan taageeradooda Xulka Dalkeenna ku matalaya ciyaaraha U18.
In aan tagno garoonka waxay dhiirrigelin weyn u tahay ciyaartoydeenna.
Taariikh: Axad, 26 Luulyo 2026
Waqtiga: 8:00 Fiidnimo
Goobta: Cairo International Stadium โ Hall 3
SOOMAALIYA HA GUULAYSATO ๐ธ๐ด
26/07/2026
SOMALIA VS TANZANIA
Xidigaha Kubadda Koleyga ee Qarankeena Soomaaliya ee da'dooda ka hooseeso 18sano ayaa caawa kulan saaxiibtinimo waxay ay ku wajahayaan dhiggooda Tanzania kulankaan oo muhiim u ah diyaar-garowga qarankeena ee tartamada caalamiga ah.
Ciyaartan ayaa sidoo kale fursad u ah ciyaartoyda da'da yar ee Dalkeena si ay u muujiyaan hibadooda, korna ugu qaadaan magaca iyo sharafta calankeena Soomaaliya.
Waxaan u rajeynaynaa guul iyo ciyaar wanaagsan wiilasheena matalaya calanka buluugga ah. ๐ธ๐ด
23/07/2026
Ciyaartoyda Xulka Qaranka Kubadda Koleyga Soomaaliya ee U-18 ayaa ku jira diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee Tartanka Isreebreebka AfroBasket Africa U-18.
Diyaar-garowga waxaa si dhow ula socda Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed, Mudane Koshin Cabdisalaam Diriye, oo dhiirrigelinaya ciyaartoyda si ay Soomaaliya ugu metelaan si sharaf leh.