Page arimaha jacaylka

Page arimaha jacaylka

Share

Jacayl

21/07/2020

WAA TEE SALADTUL JINAASADII UGU DADKA BADNAYD ABID AY KA SOO QAYB GALAAN ?

Waxay ahayd nin la yidhi wuu sinaystaa khamradana wuu cabbaa !

Waxa la sheegaa in uu zuldaan SULAYMAAN AL QANUUNI oo ka mid ahaa salaadiintii cusmaaniyada uu si argagax le u soo baraarugay kadub markuu riya xun ku riyooday .
Wuxu markiiba u yeedhay mid ka mida ilaaladiisii u dhaweyd oo ku amray inuu diyaariyo farskisa, si uu dadka xaaladohooda ula socdo iyagoo iska qarinaya una sheegaya inay saacidayaan (kaalmaynayaan )
Weyna bexeen isaga iyo ilaaliyihiisii mar ay marayeen badhtamaha suuqa ayey arkeen mayd meel wadada iska yaala oo aan cidnaba u soodhawaanayn.
Wuxu weydiiyey maydkanimaydkani waa ayo ?
Waxay ugu jawaabeen waa nin sinaysta khamrigana cabba, caruurna ma laha ehelna ma laha aan xaaskiisa ka ahayn dadkuna ma doonayaan inay aaskiisa ka qayb galaan .
Markasuu cadhooday suldaankii oo yidhi miyaanu umada nabi maxamed ka mid ahayn isagoo weli is qarinaya.
Markasuu maydkii qaaday oo geeyey gurigii xaaskiisu joogtay.
Markay aragtay bay oohin ilmada isku celin weysay markasuu la yaabay oo weydiiyey maxaad la ooyeysaa? Ninkaagu ma khamriguu cabi jiray mana siyaysan jiray?
Markaasay ku tidhi ninkaygu wuxu ahaa nin cibaado oo ilaahay xagiisa u go'ay lkn wax ubad ah nalakuma irsaaqin.
Wuxuna mar walba ilaah ka rajaynjiray awlaad iyo duriyad saalix ah.
si uu ilaah caruur noogu hibeeyodarteed Wuxu soo iibsan jiray khamra badan guriguu la imanjiray markasuu suuliga ku shubi jiray isago igu leh macaasidaan iyo danbiga ayaan dhalinyarada muslinka ah ka fududeeyey oo helimayaan khamro .
Wuxuna aadi jiray meelaha ay dadka jidhkooda ka ganacsada joogaan isagoo haweenkaa u qaybinaya lacagtay maanta heli lahahaayeen oo dhan wax badal ahna aan waydiisanayn isagoo shuruud uga dhigaya inay guryohooda ku laabtaan si macsidu u yaraato intaasoo dhan wuxu u samaynayaa si ilaah caruur uguhibeeyo.
Waxay tidhi waxan ku odhanjiray dadku muuqaalka saray eegaan haday meelaha kugu arkaan hadhow hadaad dhimatona wax ku aasa iyo wax kugu tukada midna heli maysid.
Markasuu intuu qoslo igu odhan jiray aniga suldaanka iyo culimada muslimiintoo dhan baa igu tukanaya.
Markasaa suldaankii iska ooyay ilaa ilmadu gadhkiisa buuxisan.
Kadibna wuxuu yidhi isagoo iska qaadaya maradu wajiga ku qarinayey walahi anigu waxan ahay suladaan sulayman waxuu sheegayna waa runtii.
Walaahi maydkan Anigaa maydhaya anigaa aasayan.
Wuxuna markiiba amray umada muslimiinta ah oo dhan inay u soo baxaan si loogu tukado
Oo lagu aaso qubuurta salaadiinta Sidaasayna kunoqotay jinaasadii ugu dadka tirada badnayd .
Qisadan waxa ku jira kun cibra-qaadasho ay ugu horayso inaanad dadka ku xakumin markiiba muuqaalkooda sare adoo aan hubsan waxa u qarsoon.
KU SALI NABIGA
صلي الله عليه وسلم
HADII AAD KAHESHAY DHE OO LA WADAAG WALAALAHA MUSLINKA AH

10/06/2020

Gabadha Uusan Wiligis iloobi Doonin Ninka Raga Ah .👉

Si Walbo Uu Gabdho Badan Ula Sheekesto Ama Uu Xariiro Ula Sameyo Ama Xataa Uu U Guursado Gabdho Badan Ninka Raga Ah Waxaa Jirto Gabar Uusan Wiligis iloobi Doonin .

Xataa Haduu Xiriirkoda Dhamaado Eeyna Kala Tagaan Mar Walbo Wexey Ku Jirtaa Fikirkisa Qalbigisa iyo Xasuusihisa . Mar Walibana Wuxuu Ku Riyooda iney dib ugu soo laabato Si Uu U Xafido Si Mar Labad Eeysan Uga Fogaan. Badana Raga Ma Dareman Qiimaha Gabadhasi ilaa iyo Markey Waayan Ma Ehee .

Yey Tahay Qoftas Ninka Raga Ah Uusan iloobi Doonin Abid ?

1- Waa Mida Qiimeysa Raganimadisa Una Muujisa Ixtiram iyo Qadarin. Ma Aha Mida La Dooda ama La Tirsata .

2-Waa Mida U Muujisa Naxriis Darensisa Ineysan Ehen Jecelkisa Bis Waa Iney Mar U Matasha Hooyadis Marna Jecekisa Marna Sxbtisa Marna Wlshisa .

3-Waa Mida U Sabarta Uguna Dulqadata Marku Culeska Saaran Yahay Ama Uu Careysan Yahay .

4- Waa Mida Uu Daremayo Farxad Marku La Hadlayo Ama uu Codkeda Maqlayo Waa inuu ilooba cules walbo saaran iyo xanuun walbo haayo .

5- Waa Mida Daremeyso Murugadisa Asagon Hadlin Waa Mida La Qeybsata Xalad Walbo Uu Ku sugan Yahay Kana Caawisa Iney Murugada Ugu Badasho Farxad .

6-Waa Mida Caqliga U Sxbka Ah Taqaana Sida Eey Ula Dhaqanto, Kuna Dhiiri Galiso Inuu Horumar iyo Guulo Gaaro.

7- Waa Mida Aan aqoon Cuqdada Ee Qalbigeda Nadiifka yahay Hadu Uu Ka Raali Giliyo qalad uu ka galayna iska cafiso .

8- Waa Mida Taqan Waxa Uu Jecel yahay Iyo Waxa Uu Neceb Yahay Waxa uu ku farxo iyo waxa uu ka caroodo .
Ninka Raga Ah Hadey Horay Usoo Martay Qof Tilmaamahan Leh Uuna Xafidan Waayo Waa Hubaal Inuu Ka Shalaynayo Wiligisana Uusan Iloobi doonin.

Insha Allaah Waan ka Hadli Doona Dumarkana Nooca Raga Ah Eeysan Wiligod iloobi Doonin .🙏💝

Xigasho: Garaad Osmaan Garaad
liKe share Nagu soo biir

03/06/2020

Waxaa laga yaabaa in shaqo la'aan ku heyso, deen laguugu leeyahay, iskuulka ama jaamacad lacagtooda aadan bixin, kirada guriga, korontada iyo biyaha laguugu heesto, inaa u baahan tahay lacag si aad u hormariso naftaada, inaa shaqo raadisay oo weysay, in nolasha gurigaada ama tan qoyska ay daruuf tahay, in jeebkaaga maran-yahay oo aadan gaari raaci karin, in aadan heli karin wax aad cunto.

Macquul in aad xanuunsan tahay, waalidkaa ama walaaal kaa xanuunsan yihiin, xaaska ama seyga iyo caruurta qof kaa xanuunsan yahay. Waxaa dhici karto in qalbiga aad ka holceyso, dhibaato culus ku heysato, suurtagal inaa weysay qof aad jecleed ama lagaa xiray amaba uu kaa geeriyooday qof kugu qaali ah😭😭.

Si walba iyo daruuf kasta oo aad wajaheyso waxaa uga baxeysaa in Alle uga mahadceliso xaalad kastaba, inaa ka fogaato wax kasta oo xumeen kara xariirka kaala dhaxeeyo Alle, in aad Alle ka barido dambi dhaaf, habeenkii soo kac saqda dhexe ee Alle bari, salaada Tuko, Isniin iyo Khamiis Soon, hana ka quusan rajadaada.

Dad badan oo guuleestay ayaa la weydiiyay xagee u marteen guusha? Waxay ku jawaabeen "waxaan hadiyad Alle nooga timid ka dhiganay daruuf kasta oo na soo martay waana uga mahadcelinay, cashir iyo waano ayey noo noqotay, kadib waxaan u laabanay Alle waxaana barinay irsaaq xalaal ah, nolal qurux badan waxaana wanaajinay xariirka Alle, kuwa dadka caawiya ayaa noqonay, si Alle noo caawiyo"

Haddii aad intaas sameyso insha Allaah waad guuleysan doontaa. Alle waa mid cafis badan, gacan furan oo adoomadiisa irsaaqa una dambi dhaafa, culees kasta Alle waa u fududahay inuu kaa dulqaado ee u bandhigo amuurahaada. Fadlan hadaad ka hesho like share

Hussein Abdulle Mohamed

11/05/2020

Si degdeg ah ayaan hurdo uga Toosay !

Waxan arkay iftiin iga yaabiyey Waxan is idhi iftiinka qolka
ayaa maanta wareersan oo nooc kale ah, Waxaan arkay in ay saacaddy tahay 3:30am gelin dambe ee habeenimo Laakiin waa yaabay waa maxay iftiinkan waaba habeene ?-

Waxan naxay markaan arkay gacanteyda oo kala badh
derbiga gidaarka ku dhex jirta,Waan kala soo booday anoo
ka argagaxsan oo waan ku eegay Mar kale ayaan
derbigii bal ku celi is idhi, saa wayba gashay mar labaad oo dalaq tiri,Bismillaaah, side wax u
jiraan ?

Waxan maqlay hadal cod dheer ah !!!
Waan fadhiistay dhinacyadaanna eegay, hadana codkii waan waayey, waxayna ishaydu qabatay walaalkey oo lu hurda Sariirtiisii waan ka istaagay anoo cab-cabsanaya, toosi baan is idhi walaalkay waan la hadlay laakiin ilamaba hadlayo, bismillaah waa maxay waxani !

Waxan aaday qolkii hooyadey, aabbe ayan i idhi kici maba ila hadlayo isna !Waan yaabbanahay, waxan rabay in qof mar uun mar ila hadlo oo
aan weydiiyo sida wax yihiin laakiin maba la ii jawaabayo!
Hooyo ayaan xaggeeda u dhaqaaqay
si aan u kiciyo, laakiin intaanan gaadhin bay si aan caadi ahayn u sooboodday, oo toostay laakiin
ilamahadlayso Bisinka ayey ku celcelisay iyadoo aa I arkaynin aabbe ayey kicisay iyadoo leh war ka toos ! war ka toos meesha, oo kaalay aan carruurta soo eegnee Aabbena isagoo la
yaabban ayuu ku yidhi" Naa naga seexo maahan waqtigeede waa saq dhexee, waagiiba waa dhawyahee balaayo ma jirto inshaa allaahuye !!

Laakiin markii ay ku celcelisay ayuu kacay isagoo dhibsanaya oo aad u hurdaysan wayna is raaceen, anigu markaa waxan billaabay inaan ku
qayliyo hooyooy !! aabboow !! miyeydnaan i arkaynin laakiin maba la ila hadlayo. Hooyo ayaan marada ku dhegey bal si ay ii maqasho laakiin maba dareemayso in wax ku dheggenyihiin ! Waan iska daba socdey ilaa qolka jiifka, qolkii bay galeen, Laydhkii ka shideen laakiin aniga laydhka ay shidayeen wax iftiin ah iima kordhin waayo markii h**e ayeyba maalin ii ahayd, markaa
aad baan u naxay markaan arkay waxyaabahaas aan caadiga ahayn oo dhacaya.

Waxan arkay qof aniga ii eg oo sariirtaydii ka muuqda, haaaaaaaa
wallaahi waa aniga, saa anigii baa hoos isu eegay bismillaah wallaahi 2 qof ayaan noqday, waxan is idhi waa kuma qofka meeshaada jiifa ee kuu eeg adigii waa ku kane, welwel kii h**e ka badan baa la igu soo tuuray, bismillaahi raxmaani raxiim ayaan si qaulo ah ku idhi !!

Waxan billaabay inaan korkayga dhirbaaxo bal si aan hurdadan riyada ah uga tooso laakiin waxba ma aanan ka ka kicin oo isla
sidaydii un baan iska ahay , Acuudu billaaaah. Aabbe ayaa hooyo ku yidhi Naa inaga keen waa kuwaas caruurtu jiifaane oo balaayo ma
jirtee, laakiin hooyo kuma qancin oo qofkii meeshayda jiifay bay inay toosiso billawday, iyadoo leh maxamed, maxamed! War ka kac maxamed,..

laakiin maba lala hadlayo, bismillaah war qofku muxuu ahaa isku kay ekaysiiyey ma jinni baa ayan is waydiiyey?? Way ku celcelisay waxanse mar qudha arkay aabbahay oo ilmadu ka daadanayso, waa aabbahaygii calool adaygga badnaa oo aanan weligay indhiisa aanan oohin ku arag!!oohin iyo buuq baa meeshii oo dhan qabsaday, walaalkay baa qayladii ku toosay oo yidhi war maxaa jira, war waa maxay, maxaa dhacay? Hooyadey ayaa tidhi iyadoo qaylinaysa: walaalkaa wuu dhintay maxamed wa dhintay, iyadoo marada ilmada iskaga tirtiraysa.

Buuqii iyo sawaxankii ayaa kor u kacay, hooyo ayaan u tegey oo ku iri:Hooyo ma aanan dhiman, hooyo waa i kane ha ooyin, maxaad la ooyeysaa sownigan kula jooga oo kula hadlaya, wallaahi waa i kan hooyo , i soo eeg hal mar
hooyo, kaas meeshayda jiifa aniga maaha, aniguba sidaad u aragtiin baan u arkaa, waa balaayo kale hooyo ! Laakiin yaaba mar qudha i soo Eegaaya ? Markaas baan qaylo iyo ooyin isku daray, war waa i kaneey, war waawareey war
waan joogaayeey, i soo eegay Laakiin khalaas lagama yaabo in ruux keliya i dareemo !.

Waan iska fadhiistay anoo leh ilaahooow, rabbiyooow hurdadan baas iyo riyadan aan ku jiro iga kici oocaadi iga dhig. Intii sidaan aan ahayn un baan si lama filaan ah uun maqlay cod meel fog ka imaanaya oo tartiib-tartiibusoo siyaadaya ilaa aan maqlay aayaddan
qur’aanka: ﻟﻘﺪ ﻛﻨﺖ ﻓﻲ ﻏﻔﻠﺔ ﻣﻦ ﻫﺬﺍ ﻓﻜﺸﻔﻨﺎ ﻋﻨﻚ ﻏﻄﺎﺀﻙ ﻓﺒﺼﺮﻙ
ﺍﻟﻴﻮﻡ ﺣﺪﻳﺪ oo micnaheedu ahaa: (Gaflo ama
moogannimo ayaad ku jirtee waan kaa faydnay daboolkii ku saarraa, araggaaguna maanta waa sida xadiidka).

Anoo weli sii dhegeysanaya qur’aankii ayumbaa 2 qof ila boodday laakiin dadba uma eka , bismillaah waan argagaxay, waxan billaabay inaan ku qayliyo war i daaya , war isii daaya, maxaa igu kiin dhejiyey,maxaad tihiin oo maxaad iga rabtiin?
Waxay yidhaahdeen, waxaan nahay ilaaladada ilaa qabriga. Waxan idhi anigu ma dhiman, anigu waan noolahay, maxaad qabri ii geynaysaan, i sii daaya, war isii daaya, ma i qasbaysiin ! Aniga
waad i aragtaan inaan caadi ahay oo aan idin la hadlayo, oo aan idin arkayo, oo dareenkaygu dhanyahay !!

Waxay ku jawaabeen iyagoo dhoolla
caddaynaya: Yaab baad leedihiin ibni aadamow waxad mooddey in ay geeridu tahay dhammaadka nolosha oo ma ogidin in intaad dunida joogtiin aad ku nooshihiin riyo gaaban oo aad ka baxaysaan riyadaas gaaban markaad
dhimataan!. Way i sii wadeen xaggii
qabuuraha ayey ii sii jiideen, Intii la i sii wadey ayaan dariiqa ku arkay dad ooyaaya, kuwo qoslaaya iyo kuwo qaylinaya, qof kastana 2 dan i
wadda oo kale ayaa wadda !Labadii i waddey ayaan ku idhi oo dadkaasna maxay yihiin? Waxay yidhaahdeen dadkaas qof walba wuu yaqaannaa
meesha loo wado, waxaana ka mida kuwo baadi ku joogey dunida

Intii ay hadalka wadeen ayaan ka dhex galay aniga oo welwelsan oo ku idhi : Yacni naartaa la geynayaa miyaa? Waxay yidhaahdeen HAA.Hadalkii bayna sii wateen oo
yidhaahdeen: kuwa qoslayana jannadaa loo wadaa. Si degdeg ah ayaan su’aal ugu celiyey:
Anna xaggaala ii wadaa?Waxay yidhaahdeen: adigu
waad iska fiicnaan jirtey laakiin marmar ayaa sheydaanku ku heli jirey. Hadalkii baan ka kala
gooyey: Yacniiiii ma naartaa la ii wadaa? Waxay iigu jawaab celiyeen Naxariitsa alle waa waasac safarkuna aad buu u dhirir
badanyahay ! Waan jeestay oo
dhinacyadayda eegay, waxaanna arkay ehelkaygii, aabbahey adeerkay, walaalahay qaraabadeydii oo dhan oo sida naxash,waxan ku
idhi : war ii duceeya, war ii duceeya waa lay qabtay maantee, yaaba ila hadlayaba waxay u qaybsanaayeen kuwo ooyaya, kuwo tiiraanyeysan

Walaalkay baan ku idhi iska jir oo
ka digtoonow adduunyada iyo fitnadeeda yeysan ku sirin waxan jeclaystaa in ay i maqlaan ciil badanaa yaasei maqlaya, labadan I wadda wax aan ahayn ima maqlayaan. Labadii malak waxay
ii jiideen xaggii qabriga waxayna i dhex geliyeen jasadkeygii aan maanta dhan la yaabbanaa siduu iigu ekyahayWaxan u jeeday aabbay oo korkayga ciid ku soo shubaya , iyo walaalahay oo igu soo guraya ciid fara badan, iyo dadkii oo dhan oo badeello la wada booday, bismillaah,allow i samata bixi maanta.

Waxaan aad u jeclaystay inaan maanta iyaga la joogo adduunyada, si aan u tawbad keeno, salaadda u
badiyo, oo aanan afkayga duco iyo allabari uga qaadin, welibana aanan dad dambe la sheekaysan, Waan iska qayliyey war dadoooooooow, hurdada xun ka kaca oo yaan adduunyo idin sirin idinkaa maanta jaanis haystee, aniga waa ii jeeddiinmeesha aad i dhigteen iyo halka aad iiga tegeysiin, oo aanan mar dambe is arkeyn.

Waxan jeclaysanayey inay i maqlaan yaase i maqlaya albaab baa noo kala xidhmay ?

ADIGU MA I MAQASHAY ?
HADDAAD I MAQASHAY XAALADDAYDA SII
GUDBI HADDAAD RABTO!..

29/04/2020

Maxaa markii la is guursado todobo loo dhahaa oo loo galaa todobo maalmood, xageyna ka timid markii h**e?

Haweeney ayaa hada ka hor ka tuugsan jirtay masaajid hortiisa. Dhawr mar oo ay sidaa samaysay ka dib waxa arkay imamkii masajidka, wuxuuna dhahay adiga qof wanaagsan ayaad ahayd, wiilkaagana wuxuu ka mid ahaa dadka masaajidka ku tukan jiray ee maxaa sidaan u sameynaysaa?

Waxay tiri sidaad ogtahay wiilkayga wuxuu ahaa keligiiisa oo walaalo ma uusan lahayn, ninkaygana mar h**e ayuu dhintay. Wiilkayga wuxuu aaday safar oo siddeed bil ayuu iga maqanyahay, wuxuuna iiga tagay lacag yar, waan u yar yareysan jiray ilaa ay iga dhamaatay, sidaa ayaana ugu qasbanaaday in aan tuugsado.

Imaamkii wuxuu waydiiyay wiilkaaga waxbo kuuma soo diro miyaa? Waxay tiri wiilkayga warqad uu sawir ku dhagan yahay ayuu isoo diraa ana darbigaan ku dhagsadaa, imaamikii wuxu dhahay na keen bal gurigaaga an tagnee. Way isa soo raaceen, markay tageen gurigii wuxuuba arkay imaamkii lacag jeeg ah oo darbiyada isaga dhagsan.

Waa siddeed jeeg oo midkiiba ku qoran tahay kun dollar. Wuu yaabay imaamkii, jeegagii ayuuna bangiga geeyay oo u soo bixiyay, wuxuuna yiri lacagtaan oo dhan adigaa iska leh ee ha tuugsan mar danbe.

Waan ogahay sababta aad u akhriseen sheekadan inay tahay si aad u ogaataan todobada la galo marka la is guursado meesha ay ka timid laakiin aniga xataa ma ogi.
Dad waxaa tihiin in la gaado maahee aan wax akhrin karin.😅😅 like comment share lama kala xanaaqan

16/04/2020

waa qiso murugaleh fadlan ku caawi wixii talo ah Iyo tusaale ah

Magacaygu waa “ Nafisa Maxamed” waxaan ahay 25 jir , waxaan 8 sano xiriir jacayl na dhex marayey wiil layiraahdo “Ayuub axmed” Run ahaantii isma lahayn “Ayuub” baad kala tagaysaan , Ayuub Balan baan wada dhiganey wuu iiga baxay.

Ayuub Qosykiisa waxay ahaayeen Dad iska danyar ah “Ayuub waxaan ka caawin jirey Lacagta jaamacada, wuxuuna ahaa wiil Dadaal badan, Majecli Qof wax aan siiyey inaan sheegto Balse Siduu ii galay Ayaan u adkaysan waayey Ayuub wuxuuna ahaa wiil Dadaal badan,

Ayuub jaamacada wey u dhamaatay Balantiina waa lagaaray waqtigeedii, Balse Ayuub wuxuu ii sheegay inuu sanad Baranayo suuqa sarifka Lacaga Qalaad ee Forex Sanadkaas xitaa waan kaabay oo wixii kharash ahaa waan ka bixiyey.

Ayuub suuqii wuu fahmay oo Lacag wuu ka helay, waxaan ka dareemay inuu iga sii fogaanayo , wllhi waan niyad jabay, Balse nasiib wanaag waan iska adakystay Anoo Balanta dhowraya
Axdi Beena Lama Galo wacad Lama ilaawo😭Ruuxii ku aamina Laga indho saabto😭.

Ayuub Asagoon waxba ii sheegin Ayuu xalay Aroosay , Arooskiisa Facebookga ka Arkay waan u Qaadan waayey, Runtii waxaan sameeyaan Garan waayey,Telphonekiisa wacay wuxuu iigu jawaabay "Abyo Wax walbo Calaf weeeye.

Qalbiga Aad ii xanuuney Dhuuniga (cuntadii) waan ka go'ay walahi talo ayaan caawa rabaa meeshii aan Xalat jiifsaday ayaan weli Jiifaa waxna Dhuuntayda k**a dagin.

Waxaana kaa codsanayaa inaad Fariintayda Gaarsiiso walaalaha kale si ay iila taliyaan ! Qof walabana Taladiisa wan Akhrisanayaa walaal.

Fadlan sii Gudbi Oo share gareey walalo. Page like Saar

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Mogadishu
WADANI