Somali Gallery

Call Website Contact the business

Somali Gallery Life is a gift wake up everyday and realise that Every Story and images depicted in the page are real life experiences. Based on people who are heroes of life.

20/09/2022
21/07/2022

waligaa intaad nooshahay afar waxyaabood haka tagin aniga naftayda xataa waa ii mihiim hadaba waa maxay wax yaabahaas?

1_haka tagin inaad nimcada aad haysato ku shugrido hadii taas dhici waydo waxa laga Xarimaya siyaadadeed قال تعالي لئن شكرتم لأزيدنكم

2: ha ilaawin xusuusta rabbi hadii taas dhacdo adigana rabigaa waa ku iloobaya قال تعالي فأذكروني أذكركم

3: waligaa hadayicin ducada hadii ay taas dhacdo waxa adigana hadhow danbe laguu diidi doona in lagaa aqbalo ducada mar aad u dhibaataysan tahay قال تعالي ادعوني استجب لكم

4: haka tagin istiqfaarta hadii taas dhacdo adigana waxa lagaa reebaya dadka badbaaday قال تعالي وما كان الله معذبهم وهم يستغفرون

13/04/2021

Ramadan Mubarak family and Freinds

29/03/2021

Waxaa la waydiiyay Nin ka mid ah dadkii wanaagsanaa sirta ka dambeysa bashaashnimadiisa iyo waji furfurnaantiisa ?

Waxa uu yidhi "Waxa aan ka xishoodaa in aan murugoodo iyadoo arinkayga oo dhan uu ku jiro gacanta Alle.

21/02/2021

Xikmad La Noolow

Xikmada ugu weyn ee Alle SWT inoo keenay ifka waa isaga garashadiisa iyo caabuditaankiisa, ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo raacida sunnaha Nabiga SCW.

Xikmadahu waa dhacdooyin iyo xogo balaadhan oo erayo kooban lagu soo ururiyay, kuwaas oo ay ku hoos duugan yihiin waayo-aragnimo iyo khibrad aadan goob-joog u ahayn.

Xikmadahu waxa ay kobciyaan hab-fikirka iyo ogaalka qofka, iyaga oo qofka ka dhiga in uu hayo murtiyo badan iyo dhacdooyinkii ay kusoo arooreen. Halka akhrisku uu balaadhiyo oo uu furfuro maskaxda, qofkana ka dhigo mid hodon ka ah hadalka iyo kawarranka xogaha uu akhriyay.

1: “Saaxiibtinimada ugu dhibka badani, waa ta uu ruuxu la saaxiibo naftiisa.”

2: "Marka aad aragto qof kaaga sheekeynaya xumaanta ay dadku ku sameeyeen, waxa uu kuu dirayaa farriin ah 'haka mid noqon dadkaas'."

3: "Ha isku dayin in aad ku guulaysato dood kastaba, mararka qaar in aad qalbiyada hanato ayaa ka mudan in aad dooddaha hanato."

4: "Haddii aad dadka dhinaca xun ka eegto oo aad u raadiso, waa hubaal in aad u helayso."

5: "Ha kala hadlin dadka dareenkaaga; Waayo, dadka qaar ma fahmayaan luuqadaas. Kula hadal caqliga iyo qalbiga; sababta oo ah, qof waliba ma laha qalbi kaaga oo kale ah, dadka oo idilna ma laha caqli kaaga oo kale ah."

6: "Noloshu duruus bilaash ah cidna ma barto, marka aan ku leeyahay 'waayaha ayaa wax i baray', ogow in qiimaheeda aan bixiyey."

7: "Haddii biyuhu hadlayaan waxa ay ku odhan lahaayeen dad badan, qalbiga maydha ka hor inta aydinaan jidhka maydhin."

8: "Haddii wax kasta oo aad akhrido rumaysanayso, waxba ha akhriyin."

9: "La wadaag dadka aqoontaada; waa habka lagu gaadho nolol weligeed ah."

10: "Noloshu horumar la'aan waa niyad jab; shaqo la'aanna waa caajis iyo caloolyoow; go'aan la'aanna waa doqoniimo; dedaal la'aanna waa hoosayn iyo liidasho."

Xikmadaha ma jeceshahay?

Xikmadee ka heshay tobankan xikmadood.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Maxamed Deeq

21/02/2021

Talooyin Qiimo Badan.

1- Ku bilow maalintaada Salaadda subax iyo ducooyinka aroorta si aad u hesho horumar iyo badbaado.

2- Wad Istiqfaarta waxay tirtirtaa dunuubtee

3- Ha joojin ducada waa xariga badbaadadee

4- Xusuusnow waxaad tiraahdo Malaa'ig baa qoraysee.

5. Niyaddaada wanaaji xataa hadday meel xun kaala daganayso.

6- Faruhu waxay ku qurxoon yihiin in lagu tasbiixsado

7- Haddii uu kugu bato welwelka iyo fakarku waxaad tiraahdaa "Allaah mooyee Illaah kale ma jiro"

8- Ku gado lacagtaada ducada danyarta iyo jaceylka masaakiinta.

9- Sujuud khusuuc leh oo aad ku dheeraato ayaa kaaga fiican daaraha quruxsan ee dunida.

10- Ka fakar intaadan oran, waxaa jirta oraah meel xun kaa tuurtee.

11- Iska ilaali habaarka kan dulman iyo illinta kaan waxba awoodin.

12- Intaadan wargeysyada akhriyin akhri Kitaabka Alle.
13- Sabab u noqo toosnaanta reerkaaga.

14- Naftaada Daacada Alle ku sandullee, naftu xumaantay amartaaye

15- Dhunko calaacalaha labadii ku dhalay aad liibaantide.

16- Dharkaaga duugoobay, masaakiinta waa u cuseyb ee ku sadaqeyso.

17- Ha caroon, noloshu intaad filayso way ka gaabantahaye.

18- Waxaa kula jira kan ugu awood badan uguna deeqtoon waa Allaah kor ahaaye.

19- Albaabka aqbalaada Alle yeysan kaa xirin macsidaadu.

20- Wax aad dhibta u kaalmaysato waxaa ugu fiican Salaadda.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Talooyinkii: Sheekh Caa'id Alqarni.

15/01/2021

Talooyinkan Kooban Qaado Waad Faa'iidiye.

1- Isku Day Habeenkii Intaanad Seexan Inaad Dadka Wada Cafido Waxaad, Noolaan Nolol Deganaansho Leh.

2- Isku Day Inaad Raali Ku Noqoto Wixii Alle Kuu Qadaray, Waxaad Ku Noolaan Farxad.

3- Isku Day Inaad Ku Celceliso Mahadnaqa Ilaahay, Waxaad Seexan Soona, Toosi Adoo Muusoonaya oo faraxsan.

4- Markaad U Noolaato Inaad Farxad Iyo Rayn Rayn Ku Abuurto Quluubta Dadka, Adigana Ilaahay Ayaa Kula Kulminaya Cid Mar Kasta Ku Farax Galisa "Wanaaga Wanaag Ayuunbaa Abaalkiisa Ah Ama Wanaaga Wanaag Ayuunbaa Lagaga Abaal Gudaa"

5- Noqo qof dhaqan iyo dabeecad wanaagsan u saaxiiba,qalbiyada dadka ayaa kuusoo hiloobiye.

6- Qof wanaagsan noqo, noloshu ha kuu noqoto mid wanaagsane.

7- Ka Dhig Indhahaaga Sida Kuwa Shinida oo Kale Waayo Waxay Arkaan Ubaxa Iyo Dhirta Quruxda Badan Mana Fuusho Geed Aanay Waxba Ka Dheefayn...

8- Ha Ka Dhigin Indhahaaga Sida Kuwa Duqsiga Oo Kale Waayo Waxay Arkaan Qurunka Iyo Wasakhda!!!

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Amir Khadar Suldan Adan

24/12/2020

Caa’isha alle haka raali noqdee ayaa ku tidhi nabigenii Muxamed ﷺ: Rasuulkii Ilaahayow ii ducee Wuxuu yidhi: Rasulku ﷺ isagoo u ducaynaya Caa’isha "Ilahoow, cafi oo ka-dhaaf Caasha dembiyadeedii h**e, iyo danbigeedii danbaba" Ilaahoow, cafi oo ka-dhaaf Caasha danbiyadeda sirta ah iyo kuwa muuqdaba "

Caa’isha alle haka raali noqdee Way qososhay,
Aad ayayna u faraxday farxada daraadeed ilaa ay isku tuurtay dhabtii Rasulkaﷺ madaxedii ayay saarday laaabtii Rasuulka ﷺ

Wuxuu ku yidhi: Rasulkuﷺ caaishay may ku farxad galisay ducadayda aan ku duceeyay?
Waxay tidhi: - sedee ayaana ugu qanacsanayn oona ugu faraxsanaayn ducadaada xabiibii ?
Wuxuu yidhi: Rasulkuﷺ Ilaahay baan ku dhaartaye, waa mid aan ummaddayda ugu duceeyo salaad kasta oon tukado scw 💛🌻

Rasuulku ﷺ aad ayuu inoo jeclaa scw aan ku salino xabiibkeenii scw.

21/12/2020

Laga Yaabaa 8-dan qodob in Aanad H**e u Ogayn-

💎
Subaxa Jimcaha- Ka hor inta aanu soo muuqan kaaha qorraxdu, dhammaan makhluuqa oo dhami way aamusaan iyaga oo isu diyaarinaya Afuufidda "Suur-ta" iyo in Qiyaamuhu dhaco, marka laga reebo Bani-aadamka oo isagu qaflad ku jira.

💎

Marka uu ibnu aadamku geeriyoodo, timihiisu waxay sii wadaan koritaanka muddo dhawr bilood ah.

💎

Marka uu qofku muusig dhagaysanayo, jinka kuwiisa xun iyo shayaadiintuba waxay ku soo xaadiraan hareerihiisa, iyagoo boodboodaya oo jaasaya.

Hadii qofkaasi la tusi lahaa muuqaalkaas iyo waxa hareerihiisa ka socdana, naxdin ayuu u dhiman lahaa.

💎

Isaga oo Bani'aadamku dhintay ayuu haddana dhaqdhaqaaq ka socdaa qaybta bidix ee maskaxdiisa muddo 7 daqiiqo ah.

Maskaxdiisu waxay isku dayaysaa in ay dib usoo celiso xasuusihii h**e iyo dhammaan wixii uu qofkani soo maray.

"Udgoonaheenu (SCW) wuxuu yidhi "Marka uu Malakul Mawtku nafta ka siibayo, qofka waxa la horkeenaa camalkiisii ha xumaado ama ha samaado eh".

💎

Marka aad huruddo, waxa laga yaaba in aad ku dul seexato gacantaada amase meel jidhkaaga kale kamid ah kaddibna uu istaago qulqulka dhiigu, markaas maskaxdu waxay ku tusinaysaa riyoyin cabsi badan si aad hurdada uga kacdo oo aysan gacantaasi naafo u noqonnin.

💎

Waxa laga yaabaa in aad saqda dhexe sabab la'aan u kacdo 2 ama 3 jeer.

Waxa laga yaaba in RABBI ku jecel yahay oo uu rabo in aad barido wakhti uu samada koowaad ku soo dhawaaday.

💎

Waxa la shega in Malakul Mawtku uu maalintii ku soo fiiriyo 360 jeer isaga oo Rabbigiis amar uga sugaya in uu nafta kaa qabto.

Ka ducayso oo ku dedaal in uusan ku qaban adoo macaasi faraha kula jira.

💎

Salliga rasuulku waxa uu qaadaa murugada, werwerka iyo culayska nafta, wakhti rasuulka lagu salliyana waxa ugu khayr badan habeenka jimcuhu soo galayo.
Miyaysan kugu filnayn in adiga rabbi kugu salliyo 10 jeer.

اللهم صلى على سيدنا ونبينا محمد وعلى آله وصحبه وسلم.

W/Q: Mohamud Abdi Salaad.

Address

21
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Gallery posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Gallery:

Shortcuts

Share

Category