Garweyne show

Garweyne show

Share

kala soco maqaalo ku sabsan wararka sports,

08/09/2024

Funny
@

25/08/2024

🌟 Endrick ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee ajnabi ah oo gool u dhaliya Real Madrid taariikhda La Liga isaga oo jira 𝟏𝟖 sano 🤍🇧🇷

Waxa la soo galiyay daqiiqadii 86 ee ciyaarta, 10 daqiiqo ayeey ku qaadatay inuu dhaliyo gool kiisa ugu h**eeyay ee real madrid

What a Goal ⚽️

10/04/2020

Coronavirus iyo Soomaaliya: Xogta Rasmiga ee Maanta April 10, 2020!!

1. Maanta, April 10, 2020: 19 qof oo bukaan oo oo baaris lagu sameeyey waxaa Covid 19 laga helay 9 qof! Waa 50% dadkii la baarey, aan ku celiyo 50% dadkii la baarey!

2. Dadkaas laga helay waxaa ku jira wasiir ka tirsan Hirshabeelle iyo 7 sarkaal caafimaadka ka shaqeeya, 2 wasaaradda caafimaadka ah iyo 5 ka shaqeeya isbitaalada!

3. Waxaa sidoo kale la baarey oo natiijadooda la sugayaa ilaa 22 bukaan cusub, oo la keenay maalmihii tagay!

4. Maanta waxaa sidoo kale magaalada laga keenay oo Isbitaal Martiini la dhigay ilaa 9 bukaan, oo laga shakiyey, dib ayaa laga baari doonaa!

5. Maanta, dad 20 qof ka badan oo cudurkan ka Negative noqday, oo maalmo dhowr ah la hayey, waa la fasaxay, oo guryahoodii ayaa lagu celiyey!

6. Ilaa hadda 21 qof ayaa Coronavirus laga helay dalka oo dhan hal qof ayey wasaaradda xaqiijisay inuu u dhintay!

7. Qofka xanuunka looga shakiyo ee la geeyo Isbitaal Martiini maalmo badan ma joogayo oo qalabka hadda dalkeenna ayuu yaalaa, oo isla maalintaba waa la helayaa, haddii uu negative noqdo waa la fasaxayaa!

8. Inkasta oo xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu tagay wasaaradda balantuna aheyd in maanta wasaaradda caafimaadka lagu wareejiyo isbitaalka Sheekh Zaa’id hadana dib ayey u dhacday, sababta lama oga!

9. Weli waxaa jirta in dadka qaar ceeb u arkaan cudurkan, oo qarsadaan, naftooda iyo inta ay jecel yihiin khatar geliyaan, waxaa kuu xaqiijinsa in ay jiraan dad guryaha ku daahey oo isku tuur, iyo ma qabaneyno isbitaalo dheheen dhexdooda ku dhintay oo oxygen la’aan noqday!

10. Qasab ma aha in qof kasta uu cudurkan ku dhaco uu qufaco, hindhiso ama neefta ku dhegto, waxaa ay ku xiran tahay awoodda jirka iyo u adkeysiga cudurka, isaga oo qabo ayaanan laga dareemeyn, sidaas ay tahay qof kale waa qaadsiin karaa, ee keliya taxadara oo kala fogaada, raacna talada bahda caafimaadka!

11. Haddii aad balwad leedahay ama cudurro h**e ay jiraan ilaahey qadartiisa ka sokow, fadlan aad isku ilaali, waayo waad ka nugushahay qofka kale!

12. Aan la shaqeyno wasaaradda caafimaadka, fulinta guud ahaan, hey’adaha amniga iyo cid walbo oo hawshan ku shaqo leh, waa xilligii midnimada, mucaarid iyo xifaaltan waa inoo Coronavirus kadib!

13. Ugu dambeyntii, Coronavirus ma aha dilaa halis ah, oo waa laga bogsoodaa 80% ee isdeji oo raac talada dhakhaatiirta!

Habeen Wanaagsan,
Xigasho : ,

01/02/2019

Asc jumca mubaarak walalayaal

Rabbi kor ahaaye wuxuu yidhi "I barya waan idin siine
- ادعوني استجب لكم".
Hadaba Saddex nooc buu Eebbe u bixiyaa wixii aad waydiisaty;
➊✅In Dunidda lagugu siiyo ood markiiba heshid midhihii.
➋✅In Aakhiro laguugu dib dhigo, ducadiina kuu anfacdo.
➋✅In dhibaato kugu soo socotay Rabbi kaa badbaadiyo.
Ducadda marna laguma khasaaro, ee aynu ducada badino

W/Q: Shiekh mohammed ibrahim awed

31/01/2019

Nin baa Nabiga CSW talo waydiistay, wuxuu Xabiibku ku yidhi "Ha Cadhoonin", mar kale buu yidhi ii dardaaran, 3 jeer buu Rasuulku SCW ku dardaarmay "Ha Cadhoonin". Saxiix.

Dhakhaatiirta maanta, gaar ahaan kuwa Dhimirka ku takhasusayi, waxay ogaadeen in Cadhadu ka mid tahay cuduradda aadka u ba'an oo burburiya xubnaha dareenka maskaxda. Si gaara waxay u tirtiraan xubnaha qaabilsan xusuusta, waana sababta qofku marka uu xanaaqo aanu u xusuusanin wixii uu sameeyay..."WAX BADAN BAAN MAQALNAA WAAN CADHAYSNAA OO MA XUSUUSTO WIXII AAN FALAYAY"

Cadhadu waa shay bakhtiiya
Caqliga Shumaciisa Daaran😘

Ha Cadhoon.

28/01/2019

Rabbi kor ahaaye, wuxuu yidhi "Ku saliya Rasuulka
صلى الله عليه وسلم",
waana ficil uu Eebbe iyo Malaa'igtuba sameeyaan 🌸💠🍃, wuxuu Eebbe yidhi

"إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا"

Eebbe wuxuu kaloo ku amaanay Nabiga
صلى الله عليه وسلم
Qur'aanka meelo kala duwan;💓💐💗

✅Akhlaaqda Nabigeena
صلى الله عليه وسلم
ayuu Rabbi Amaanay isagoo yidhi " Xaqiiqo ahaan waxaad ku sugan tahay Akhlaaq Saere - وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ".
✅Raxmaanku wuxuu Amaanay Carabka Rasuulka
صلى الله عليه وسلم
wuxuuna yidhi "Kuma hadlo wax hawadiisa ah -وما ينطق عن الهوى".

✅Eebbe kor ahaaye, wuxuu Amaanay Sharciga iyo Diinta uu la yimid Rasuulku
صلى الله عليه وسلم
isagoo yidhi "Waa waxyi Eebbe u waxyooday - إن هو إلا وحي يوحى"

✅Rabbi wuxuu Amaanay Asaxaabadii Rasuulka
صلى الله عليه وسلم
oo uu yidhi " Kuwiina la socdaayi waxaa tihiin kuwo ku Ad-adag gaaladda dhexdoodana isu naxariista
- والذين معه أشداء على الكفار رحماء بينهم"
✅Alle kor ahaaye, wuxuu kor yeelay Qalbiga Rasuulka
صلى الله عليه وسلم
isagoo yidhi "Qalbigiisu k**a been sheego wuxuu arkay
-ما كذب الفؤاد ما رأى"

Q: Ayaan ismacil cabdulle

24/01/2019

Eray bixinta todobaadaka
Xigasho: Madasha Hayaan.

………………………………………………………………………………
• Waaya arag
• Khabiir
• indheer garad
• Mutacallim
• Filasuuf

Mid kasta oo kamid ah ereyadan waxa ay wataan micno ka duwan kan kale.

1. Waaya arag:- waa qof in badan noolaa ama u joogay xaalad uu cilmi u leeyahay ama uu ka warqaba ugu yaraan, waa qof waayuhu wax bareen, mararka qaarna wuxuu noqon karaa qof waxbarasho nidaami ah inta soo maray haddana waayuhu wax bareen.

2. Khabiir:- ruux howl gaar ah maahir ku ah, oo aan looga daba hadlin, khabiirnimadu kuma xirna da' marar badan, oo khibraddu waxa ay ku dhirirsan tahay in uu howshaas soo qabtay.

3. Indheer garad:- waa shakhsi fogaan arag leh, oo sii oddorosi kara waxa fog ee aan xilligaas si saani ah loo saadaalin karin, ficlan aqoon iyo garaad baa u saldhig ah qofka sumaddaas wadanaya, oo dadka inta ugu badan waa indhow arag, halka jookarraduna ay yihiin kuwa indheer garaddada ah.

4. Mutacallim:- qofka caadiga ah ee waxbartay, kuna socda qaab manhajiga iskuullada, jaamacadaha iyo macaahidda, inta ugu badan qofka summaddan heysta waa qof yaqaanna aqoonta teeda lasoo guuriyo, oo hal abuur badan laguma tuhmo, waxaana qoladan u badan macallimiinta iyo barafasoorrada wax na bara.

5. Filasuuf:- waa xikmad badne daraaseeyay, su'aalna iska weyddiiyay dabeecadda, uunka iyo kownka kaddibna u adeegsaday caqligiisa soona saaray aragtidiisa ama xitaa ku naqdiyay aragti h**e oo jirtay. waa dadka ugu tirada yar ee bulshooyinka, ka Soomaali ahaanna ah dabaqadda aan weli la daah rogin oo aanba bulshadeenna laga dhex baran, ha yeeshee waa duul cilmigooda uu ugu yaraan yahay mid maangal ah oo manddiqa iyo caqliga u ehel ah.

Doodda keliya ma ahayn mid ku qotonta ka warcelinta su'aalahaas iyo sharraxaadda erey bixinnadaas, sidoo kale waxyaabaha la isla soo qaaday waxaa kamid ahaa doorka aqoonyahanka ee hagaajinta bulshada, cidna meesha k**a saarin in aqoonyahanku yahay mid door muuqda ku leh hagaajinta bulshada, sidaas oo ay tahayna waxa aan la isla inkirin in doorka kutladaas ay ma maqan tahay bulshadeenna; sida ugu wanaagsan ee aqoonyahan uu bulshadiisa uga qeyb qaadan lahaa hagaajinteeda waa garashada doorkiisa, mar walba oo uu qofka aqoonyahanku aamino ama garto doorkiisa wuxuu garan ogyahay waxa ay tahay in uu hagaajiyo iyo halka ay tahay in uu ka bilaabo hagaajinta.

Xigasho:Dooddii madasha Hayaan.

24/01/2019

WAX LOO DULQAATO MAAHA!
………………………………………………………………………………
Xilligii Dowladdii MW Xassan Sheekh, waxaa golaha sharci-dejinta loo gudbiyay hindiso-sharciyeedka Iibka Qaranka ‘National Procurement Bill’. Maalintii ugu horreysay ee xeerkaasi laga dooday ayaa waxaa wax ka qoray warbaahinta Qaranka. Radio Muqdisho ayaa qodob wareedkan ciwaan uga dhigtay ‘Sharciga Iibka Qaranka oo Baarlamaaka la Hor-geeyay’.

Waxaan xasuustaa rag badan oo qaarkood ay maanta Xildhibaanno noo yihiin in ay ku qaylo-dhaamiyeen “Sharcigii dalka lagu iibin lahaa ayaa Baarlamaanka la hor-geeyay, hadaba waxaan u baahan nahay In aan ogaanno cidda la rabo in dalkaan laga iibiyo”. Mid ka mid ah raggaasi oo TV-yada ka hadlayay ayaa yiri, “Walaahi ummaddii qalbi-jab ayaa ku dhacay, waxani maaha wax loo dulqaato, qof walboow damiir leh, ha ogaado in dowladdii ay si bareer ah u caddaysay in dalkii ay iibinayso”.

Maalmo dhexdaas ayaa waxaa shir jaraa’id qabtay Wasiirka Maaliyadda, MD Bayle, Waxaa uu faahfaahiyay lacagta la soo daabici rabo, nooca ay u ekaanayso iyo cadkeedka.
Rag ayaa kacay, waxaa ayna idaacadihii la hor yimaadeen wixii fikirkooda ahaa, waxaase igula yaab badnaa Khabiir Military oo khabiir dhaqaale (Bayle) ku eedayno in uu baalmarayo xeerarka lacag daabicista, Soomaaliya aysan u baahnayn naqshadda lacageed ee uu soo bandhigay.

Tii ugu darnayd ayaa ahayd booqashadii RW itoobiya, Caabbi Axmed uu Muqisho ku yimid. Shirkii Jaraa’id ee ay MW Farmaajo wada-qabteen ayay war-saxaafadeed 16 qodob ka koobani ka soo saareen kulankoodii. Mid ka mid ah qodobada oo dhigayay in Maalgasho loo helo afar Dekadood oo Soomaaliya ku taalla iyo iskaashi dhaqaale oo labada dal dhex mara ayaa aad looga baroortay.

Qaar haatan masuuliyiin ah iyo dad badan oo kale ayaa maalmo dhan baraha bulshada la taagnaa “Dalkii waa la gatay, Afar dekadood ayaa Itoobiya loo hibeeyay, heshiis baa la galay, heshiiska waa in Baarlamaanka la hor keenaa, RW Itoobiya labis bah-dil nagu ah ayuu nagu soo booqday, labada dal baa la isku darayaa iyo….. IQK”

Dhacdooyinka aan kor ku xusay iyo kuwo kaleba, waa ay leeyihiin dhaliilo badan balse cidda wax dhaleecaynaysaa iyo habka ay warbaahinteenna u abbaaraysa ma tahay mid wax dhisaysa? Dad caadifaysan, aanan fahamad qoto dheer ka haysan dhacdada, nacayb shakhsiyadeed iyo mid beeleedba la ciirciira, anshxa iyo masuuliyad xirfadeedba ka sabool ah, ma noqon karaan hal-doorro warkoodu mudan yahay in la buunbuuniyo.

Macluusha maskaxeed ee na haysaa ayaa ka daran macluusha ay abaaraha caadiga ah sababaan.

23/01/2019

Haddii marka aad joogto Isbitaallada iyo Bangiyada ee safka lagu jiro, aad jeceshahay in dadka kale lagaa hormariyo; markii aad joogto Iskuulka, Jaamacadda iyo Xafladahana aad Kursi u qabato saaxiibkaa soo daahay, waxaad qeyb ka tahay musuqa dalka ka jira, waayo waxaad ka shaqeyneysaa in naftaada ama saaxiibkaa laga hormariyo qof kasoo h**eeyay.

Haddii aad qaadato mushaar aadan shaqadiisa qaban; haddii aad si fiican u shaqeyso marka uu maamulahaadu kula joogo, balse marka uu maqanyahay aad iska baashaaleyso; hadii aad ka mushaar badantahay dadka aad la shaqeyso oo aadan dheereyn aqoon, karti iyo khibrad, waxaad qeyb ka tahay musuqa dalka la degay.

Haddii marka aad maqaayad ku wada jirtaan saaxiibkaa, ee uu isagu Lacagta idinka dhiibayo aad cunto wax badan, balse markii aad adigu Lacagta bixineyso aad cuneyso wax yar si uusan qarashku kuugu badan, waxaad qeyb ka tahay musuqa dalka ka jira, waayo wax aadan naftaada la jecleyn ayaad u quurtay saaxiibkaa.

Haddii tartannada Internetka iyo Feysbuugga loogu qabto Jaamacadaha, shirkadaha, ururrada, carruurta iyo shakhsiyaadka kale, aad u codeyso mid aad taqaanno ama uu kuusoo diray saaxiibkaa adiga oo aan ku dooran wax gaar ah oo uu dheeryahay tartamayaasha kale, waxaad qeyb ka tahay musuqmaasuqa dalka ka jira, waayo waxaad gacan ka geysatay in uu soo baxo mid aan mudneyn in uu guuleysto.

Haddii reerkaadu kaala laan-dheereysanyahay Soomaalida kale, gabdhihiinnu ay kaala qaalisanyihiin hablaha kale, siyaasiyiintiinnuna ay kala kaala fiicanyihiin kuwa kale, waxaad kamid tahay tiirarka ay ku taagantahay qabyaaladda dalkeena iyo dadkeenna la degtay.

Musuqa iyo qabyaaladda aad aamisansantahay in ay sabab u yihin dib-u-dhaceenna, ee aad ku eedeyneyso siyaasiyiinta iyo ganacsatada ha u raadinin meel kale, ee ka fiiri naftaada iyo gurigaada. Hubi in adiga iyo qoyskaagu aad ka caafimaad qabtaan cudurkaan, inta aad adigu xanuunsantahayna ha sugin in dadkeenna iyo dalkeennu hagaagaan, waayo qaran horumaray wuxuu ka sameysmaa qof iyo qoys nadiif ah.

Q: ustad hussien sabrie

23/01/2019

Mid ciyaalka xaafadda ah ayaa waxaa gaari Caasi ah oo uu saarnaa lasoo raacday gabar buuran oo ay xurguf h**e kala dhaxeysay. Isaga oo gabadha ku dhega-hadlaya ayuu wuxuu Kirishbooyga ku yiri: “Gaarigaan Maroodiguna ma raacaa saaxiib?" Kirishbooygii oo aan weli sheekada fahmin ayay inta qososhay, waxay tiri: "Haa baraadar, Caasigaan waa sida Doontii Nabi Nuux, oo waxaa hadda wada saaran dad, Maroodi iyo Dameer oo ay isaga ula jeeddo!"

Qoraa Seeriye (B) ah oo balaayo iska dhigayo ayaa Bernard Shaw oo ahaa Riwaad-sameeye iyo qoraa caan ahaa wuxuu ku yiri: "Dhanka Qoraannimada aniga ayaa kaaga mustaqbal fiican, waayo adigu waxaad wax u qortaa in aad lacag ka hesho, aniguna waxaan wax u qoraa in aan magac iyo maamuus ka helo". Bernard Shaw ayaa ugu jawaabay, "Waa runtaa, oo qof kaste wuxuu raadinayaa wixii ka maqan!"

Bishaar Bardi oo ahaa Gabyaa' Indhool ah ayaa mid faduulinayay wuxuu ku yiri: "Bishaarow qofkii uu Alle Indhaha ka qaado, wuxuu ugu bedelaa wax kale, ee adiga muxuu kuugu beddelay?" Bishaar ayaa ugu jawaabay "Wuxuu iigu beddelay in aanan arkin adiga oo kale!”

Mid ayaa Mutanabbi oo ahaa Gabyaa farta ka xiran wuxuu ku yiri “Ninyohow markaan kor kaa arkay Haweeney ayaan ku moodayay? Mutanabbi ayaa ugu jawaabay “Aniguba markaan ku arkay nin ayaan kuu maleynayay!”

Haweeney dameero ilaashaneysa ayaa wiil yar wuxuu ku yiri “Subax wanaagsan dameeraha hooyadoodey” Maammadii ayaa ugu jawaabtay “Wacan oo wanaagsan Wiilkeygiyoow!”

Oday Indhool ah ayaa gabar uu soo guursaday waxay ku tiri: “Aboowe, quruxdeyda haddaad arki laheed, waad iska ooyi laheed". K**a waaline, wuxuu ku yiri: “Waabsiga iga daay Abbaayo, haddaad qurux badantahay Ragga Indhaha leh ayaa mar h**e kugu yaaci lahaaye!”

Raisulwasaarihii Ingiriiska, Winston Churchill oo ahaa nin buuran ayaa isaga oo la kaftamaya Bernard Shaw oo ahaa nin caato ah wuxuu ku yiri: “Qofkii ku arkaa wuxuu u maleynayaa in ay Ingiriiska ka jiraan abaar iyo nafaqo-darro xooggan.” Bernard Shaw ayaa ugu jawaabay “Qofkii adiga ku arkaana wuxuu ogaanayaa sababta nafaqo-darrada keentay!"

Mid ayaa Juxe ku yiri “Juxoow waan ku garan waayay markaan meel fog kaa arkay, balse mar dambe oo aan dameerkaaga aqoonsaday ayaan ku ogaaday in aad adiga tahay” Juxe ayaa ugu jawaabay “Waa runtaa, oo dameeruhu way is yaqaannaan!!”

Saaxiib, adiga oo aan xanaaqin oo qoslaya, oo aanan ka guban hadalka, si reer magaalnimo meel isaga saar dadka doonaya in ay kugu dhibco badsadaan, iyadoon lagaa dareemin.

Q: Hussien sabrie

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu