21/03/2024
Hadii Afartooda midkooodna uusan dhaawacneyn midkee ayaad u dooran laheyd inuu kaaga ciyaaro Dambeedka midig
Rag iska celis iyo taageeranimo meel iska dhiga
BAHDA CIYAARAHA GOOL FM WAXAAD KA HELAYSA XAQIIQOYIN KU SAABSAN CIYAARAHA KUWAASO KU XIISA GALINAYA
21/03/2024
Hadii Afartooda midkooodna uusan dhaawacneyn midkee ayaad u dooran laheyd inuu kaaga ciyaaro Dambeedka midig
Rag iska celis iyo taageeranimo meel iska dhiga
21/03/2024
England ayaa loo saadaalinayaa xagaaagan iney qaadi karto koobka Euro kuna soo afjari karaan 58 sano oo koob la'aan ah
21/03/2024
Ciidii Haaland'Goolhayihii Munich iyo Kane inkaar ku dhaawacay iyagana caawa Saka ayaa kaga dhaawacmay xulka oo loo diray kooxdiisa Arsenal
Walow Ninkan markasta dhaawac uu soo gaaro hadana kulanka kale ku arkeysid waxii waday aan aragno
Gool FM
21/03/2024
Maxkamadda sare ee waddanka Brazil ayaa ku xukuntay xiddigii h**e ee kooxaha Real Madrid, Manchester City iyo AC Milan ee Robinho in jeelka loo taxaabo muddo sagaal sannadood ah kaddib markii ay ku heshay in sannadkii 2013 uu gabadh ku kufsaday waddanka Talyaaniga.
Robinho ayaa ka mid ahaa lix nin oo makhaayad lagu caweeyo ku kufsaday gabadh bishii January ee sannadkii 2013 waqtigaas oo uu laacibkani u ciyaarayey AC Milan.
Dembigan ayaa waxa laacibkan lagu helay November 2017 balse rafcaanno dhawr ah oo uu ka qaatay ayaa uu ku fashilmay oo ugu dambayntii sababaya in jeelka uu ku caweeyo.
40 jirkan ayaa toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey ku sugnaa waddankiisa oo uu ka ciyaaray ka hor intii aanu ka fadhiisanin kubadda cagta, waxaana Brazil ay u noqotay gabbood uu kaga baxsado jeelka, inkasta oo waddanka Talyaanigu uu xukun ku riday.
Xeer ilaalinta waddanka Talyaaniga ayaa ka codsatay waddanka Brazil in uu usoo gacan-geliyo Robinho oo ay iyaguna sagaal sannadood ku xukumeen, laakiin maxkamadda sare ee Brazil sagaalka xaakim ee ay ka kooban tahay waxa ay cod isku raaceen in Robinho jeelka loo taxaabo laakiin muddada sagaalka sannadood ahba uu ku qaato waddankiisa.
Robinho oo ka mid ahaa ciyaartoyda ugu wanaagsan ee Brazil ay heshay 25kii sannadood ee ugu dambeeyey, ayaa waxa uu xulka qarankiisa u saftay 100 ciyaarood oo uu u dhaliyey 28 gool, halka kooxda Real Madrid uu la qaaday horyaalka LaLiga, sidoo kalena uu dalkiisa kula guuleystay Copa America.
Robinho oo ku nool magaalada Santos oo waxyar u jirta Sao Paulo, ayaa bishii March laga qaaday baasaboorkiisa oo ay booliska Brazil ka xareeyeen si aanu dalka uga bixin.
Si kastaba ha ahaatee, xukunka Robinho ayaa waxa uu yimid iyadoo shalay damaanad lagu sii daayey Dani Alves oo isagana lagu xukumay afar sannadood iyo badh xadhig ah kaddib markii lagu helay inuu gabadh ku kufsaday magaalada Barcelona.
Waxa Dani Alves la baxsaday Neymar Jr oo uu aabbihii bixiyey lacag dhan 1 milyan oo Euro oo lagu dammiintay.
Gool fm
21/03/2024
Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa diiraddeeda u jeedisay xiddig khadka dhexe ah oo ka ciyaara horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo qiimihiisa lagu sheegay €90 milyan oo Euro, kaas oo tababare Pep Guardiola uu doonayo inuu ku xoojiyo safkiisa.
Manchester City ayaa la filayaa inay ku dhacaan isbeddello isla markaana ay ka tagaan ciyaartooyo uu ka mid yahay Kevin de Bruyne oo si weyn looga doonayo horyaalka waddanka Sucuudiga oo lacago badan ula diyaar ah.
Pep Guardiola ayaa calaamadsaday laacibka reer England ee Eberechi Eze oo khadka dhexe oo dhawr meelood ah uga ciyaara Crystal Palace, kaas oo uu u arko inuu yahay xoog iyo farsamo wanaagsan oo kooxdiisa kusoo kordhaysa haddiiba ay noqoto in De Bruyne uu go’aansado inuu ka tago Etihad Stadium.
25 jirkan ayaa xilli-ciyaareedkan u saftay kooxdiisa 22 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey lix gool iyo saddex caawimood oo uu raaciyey.
Laacibkan hibada badan oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Arsenal oo ay Gunners si fudud ku lumisay ayaa waxa Man City lagu xidhi doonaa €90 milyan oo Euro.
Eze ayaa isugeyn waxa uu kooxdiisa Crystal Palace u saftay 115 ciyaarood oo uu u dhaliyey 21 gool iyo 14 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana uu Crystal Palace kula jiraa qandaraas socon doona illaa sannadka 2027, taas oo keenaysa in kooxda reer London ay dalbato
23/02/2022
15'—Gool
30'—Caawinad
35’—Gool
Mo Salah 👑
23/02/2022
Portugalka Yar ee Felix ayaa waalaya kabtankiisa Xulka iyo kuwa kalaba ee ay wada dhasheen
23/02/2022
Waa kee difaaca dhexe ee ugu wanaagsan adduunyada waqti xaadirkan?
23/02/2022
Waa lagu bilaabay United.
Atletico Madrid 1-0 Man Utd
23/02/2022
🗣 Sergio Aguero, markan ahaa ciyaartooy , aabahey waligiis iima sheegin in aan u ciyaaray si fiican, markii aan ka fariistay, wuxuu ii sheegay in aan ahay xidigii ugu wanaagsan ee uu arkay ."