WAR DEG-DEG AH: πΊπΈπͺπΊ Madaxweynaha Trump ayaa soo jeediyay in laga bilaabo 1-da Juun lagu soo rogo canshuur dhan 50% Midowga Yurub.
Diini Fx Academy
Kusoo dhawoow Diini Fx Academy
Hoyga barshada forex iyo crypto
16/05/2025
πΊπΈ Suuqyada Mareykanka ayaa ku socda kobac todobaadle oo xooggan inkasta oo ganacsigu yahay mid aan degganayn. Heshiis ku-meel-gaar ah oo Mareykanka iyo Shiinaha ku yareeyeen canshuuraha iyo xog dhaqaale oo daciif ah ayaa sare u qaaday rajada in Fed-ku hoos u dhigo dulsaarka. Saamiyada tiknoolajiyadda ayaa isugu jiray kuwo kacay iyo kuwo hoos u dhacay.
13/05/2025
Fiiri; Dhaqaalaha Soomaaliya ee sannadkii waxaa lagu qiyaasaa $13.8 bilyan kaliya. Hadda waa (Maalgashiga, alaabaha, shaqooyinka, lacagaha, soodajinta, dhoofinta iyo wax walba oo dhaqdhaqaaq ka dhaca)
$600 bilyan ee Sucuudigu ku maalgalinayo Maraykanka waa innaga GDP-geenna 50 sanno! π³
Suuqyadii GAP ayay ku furmeen aad u wayn. Gold -1% ayuu hoos u dhacay sidoo kale DXY kor ayay u boodday..
Forex
GBP/USD: -0.14% β
EUR/USD: -0.21% β
USD/JPY: +0.38% β
GBP/JPY: +0.26% β
EUR/JPY: +0.18% β
DXY (US Dollar Index): +0.19% β
JPY Basket: -0.80% β
Dahab & Crypto:
XAU/USD (Gold): -1.22% β
BTC/USDT: -0.68% β
Saamiyada:
S&P 500: +1.26% β
08/05/2025
WAR DEG-DEG AH: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay heshiis ganacsi oo cusub oo uu la galay Boqortooyada Midowday (UK).
06/05/2025
Gold, JPY, USD iyo CHF kor ayaan ka filayaa, haddii xaaladdu sii adkaato.
Warar badan oo xaalad ka soo daraysa ayaan arkayaa, balse wali lama caddayn karo, waagu ha inoo baryo Eebbe idamkii.
Lacagaha NZD iyo AUD waa risky assets oo xaaladda oo faraha ka baxda way daciifayaan.
For now berri subax ayaan wx wlba qiimayn doonnaa, habeen wacan.
Tartiibtiinna, qolada rabta inay Asian Session arkaan, aad isu ilaasha. Take care!
05/05/2025
Saamiyada shirkadaha filimaanta sameeya ayaa hoos u dhacay, kadib markii uu Trump xalayto ku dhawaaqay in uu cashuuri doono filimaanta iyo musasalaadka shisheeye ee Maraykanka lagu daawado.
05/05/2025
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo May 4, 2025, uu saaray 100% canshuur (tariff) dhammaan filimada laga soo saaro meel ka baxsan Mareykanka. Trump wuxuu sheegay in tallaabadan lagu difaacayo warshadaha filimada Mareykanka oo uu tilmaamay inay si xawli ah u hoos u dhacayaan, sababtoo ah dalal kale oo bixiya dhiirrigelin si ay u soo jiitaan shirkadaha filimada iyo filim sameeyayaasha.
Trump wuxuu ku tilmaamay tallaabooyinka caalamiga ah ee lagu taageerayo filimada shisheeye inay yihiin dadaal is-afgarad ah oo halis ku ah amniga qaranka Mareykanka, isagoo sheegay in filimada shisheeye ay qayb ka yihiin farriimo iyo borobagaando ka dhan ah Mareykanka. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu amar siiyay Wakiilka Ganacsiga Mareykanka (U.S. Trade Representative) si loo hirgeliyo siyaasaddan.
Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay saameyn weyn ku yeelato warshadaha filimada caalamka iyo xiriirka ganacsi ee Mareykanka la leeyahay dalalka kale.
04/05/2025
Trump: "Shidaalka, ukunta, daynta guryaha way soo jabeen... suuqa shaqadu waa mid adag... balaayiin doollar ayaan cashuuraha soo dajinta ka samaynay.... waa waqti ay shacabku sugayeen... FED waa inuu dhimaa dulsaarka!"
03/05/2025
Warren Buffet oo kamid ah hantiilayaasha caalamka ugu waawayn, ahna maalgashade iyo ganacsade loo tixgaliyo in uu yahay cabqari, ayaa sheegay in shacabku hantidooda aanay kaliya u dayn Doollar ee ay gataan lacagaha kale ee wadammada kale.
02/05/2025
πΊπΈ Dhaqaalaha Mareykanka ayaa shaqooyin cusub oo gaaraya 177,000 ku daray bishii Abriil, taasoo ka badan intii la filayay.
Sidoo kale Heerka shaqo laβaanta Mareykanka ayaa weli ah 4.2%.
Click here to claim your Sponsored Listing.