Galgaduud wabset

Galgaduud wabset

Share

Halkaan baad ugu imaanaysaa wararkii ugu dambeeyay galmudug

02/05/2026
02/05/2026

Mucjisooynka aduunka

19/02/2026

Dhaabata haysato bulshada dagamada guriceel

Calaamadaha Fashilka

A) Maamul Xumo

Go’aamo aan qorsheysneyn.
Shaqo-qoris ku saleysan qaraabo iyo eex.
Isku dubarid la’aan hay’adaha degmada.

B) Musuqmaasuq iyo Hufnaan La’aan
Lacago mashaariic loogu talagalay oo aan la arkin halka ay mareen.
Heshiisyo qarsoodi ah oo aan loo soo bandhigin shacabka.
Warbixin xisaabeed oo aan la soo bandhigin.

C) Dayacaad Adeegyada Bulshada
Wadooyin burbursan oo aan la dayactirin.
Nadaafad darro joogto ah.
Biyo yari iyo adeeg caafimaad oo liita.

D) Amni Xumo
Kordhinta falalka tuugada iyo rabshadaha.
Jawaab degdeg ah oo ka iman weyday maamulka marka ay dhacaan dhibaatooyin.

2. Saamaynta Fashilka

Fashilka hoggaamiyaha wuxuu sababay:
Kalsooni darro bulsho.
Hoos u dhac dhaqaale.
Qax iyo barakac dad deegaanka ka hayaama.
Dhalinyaro shaqo la’aan iyo niyad jab.

3. Sababaha Keenay Fashilka
Aqoon iyo khibrad la’aan maamul.
La-talin la’aan iyo go’aan qaadasho kali-talisnimo.
Dan gaar ah oo laga hormariyey tan guud.
La xisaabtan la’aan.

4. Talooyin iyo Xal
Si looga hortago fashil mustaqbalka:
In la sameeyo hufnaan maaliyadeed oo cad.
In bulshada lagu daro go’aan qaadashada.
In la qabto kormeer joogto ah.
In la dhiirrigeliyo hoggaan daacad ah oo aqoon leh.
In la sameeyo isla xisaabtan sharci ah.

5. Gunaanad
Hoggaamiyaha fashilmay wuxuu dhaawacaa sumcadda maamulka iyo mustaqbalka bulshada. Hoggaamintu ma aha kursi sharaf, balse waa mas’uuliyad lagu ilaalinayo danaha dadka.
Bulsho kasta oo doonaysa horumar waa inay doorataa hoggaan leh:

Daacadnimo
Kartida maamul
Caddaalad
Aragti fog

Maalin walbo waxaan ku arkaa wadooyinka muqdisho dhalinyaro iskaga soo hayaamay doogaakii ay ku dhasheen ku horeen waxna ku barteen su aal walbo oo aan waydiisyo si isku mid ah ayay iigu jwaabayaan waxa ugu horeeyo oo ay ka cabanayaana waa hogaanka dagmada

Umada allah ma halaago ilaa ay gacmahooda isku haaagaan mooyee war umada meesha laga haysto waa wax iska cad oo aan caad saarnayn ee inta isku tashi iyo isku duubni muujisaan iska qaada heeryada idin dulsaaran

وَمَا أَصَابَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَن كَثِيرٍ

(Ash-Shura - 30)
Wixii idinku dhaca oo musiiba ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen Gacmihiinu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan.

Waxaan u tacsiyanyaa shirkadaha badar iyo hormuud oo isku duuban dhibaatada baaxada leh oo uu gaarsiiyay dabka ka kacay booyad shidaal iyo kaalin shidaal waxaan allab u waydiinayaa badal qayr qabo

Qalinkii Saacid Cali Geeddi Sunni gudoomiyaha mustaqbalka dhow ee dagmada guriceel dagmo walbo dadkiisaa dhisto ee dad duurka ka soo hayaamay in ay deegaankaada kuu dhisaan haka sugin igu dooro

Daacadnimo
Kartida maamul
Caddaalad
Aragti fog
Saacid Cali Geedi

17/01/2026

Fallow and share

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Mogadishu
615396066