Bag Abeeso

Bag Abeeso

Share

Sportska Waa Is Dhexgalka bulshada

Photos from Bag Abeeso's post 12/07/2026

Hambalyo iyo Bogaadin 🎓👏

Waxaan farxadda la wadaagaynaa Yuusuf Maxamed Cabdullahi (UK) oo soo gaba-gabeeyay heerka koowaad ee jaamacadda (Bachelor's Degree).

Guushan waxay ka dhalatay dadaal, adkaysi iyo karti, waana tallaabo muhiim ah oo u horseedi doonta fursado iyo guulo kale.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu cilmigiisa ku anfaco, u barakeeyo mustaqbalkiisa, kuna guuleeyo himilooyinka uu hiigsanayo.

Hambalyo Yuusuf! Waxaan kuu rajaynaynaa guulo waaweyn iyo horumar joogto ah. 🎉🎓

Photos from Bag Abeeso's post 07/07/2026

Waxaan farxadda la qeybsaneynaa walaalkeen Hussein Geedi Wasuge, oo si guul leh u soo gabagabeeyey heerka 1-aad ee jaamacadda.

Waxaan ugu hambalyeynaynaa dadaalka iyo guusha uu gaaray, waxaana Alle uga baryeynaa inuu u fududeeyo marxaladaha xiga ee waxbarashadiisa, kana dhigo kuwo guul iyo horumar ku dhammaada.

Hambalyo Hussein Geedi Wasuge! Waxaan kuu rajaynaynaa guulo isdaba joog ah iyo mustaqbal ifaya. 🎓🎊👏

01/07/2026

😢
Waxaa Saakay Hospital Digfeer Ee Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday (Yaasiin Gureey) Oo Maalmahaan Xanuun Ugu Juray Hospitalka Waxaa Dhamaan Tacsi U Direynaa Ree Qaasim Mohamed Caraale Oo Maanta Ka Baxay Waxaan Leenahay Alle Ha U Naxariisto Samir Iyo Iimaan Alle Ha Inaga Wada Siiyo😢😢🤲🤲

12/06/2026

😢
Waxaa Caawa Degmada Buulo burte ku Geeriyooday Oo Xanuun Kusoo Booday U Geeriyooday Waxaa Dhamaan Tacsi U Direynaa Ree Xasan Diiroow Qaasatan Familyga Ree Farax Hasan Diiroow Oo Caawa Ka Baxay Aabahood Waxaan Leenahay Alle Ha U Naxariisto Samir Iyo Iimaan Alle Ha Inaga Wada Siiyo😢😢🤲🤲

10/06/2026

Ku Soo Dhawoow Dhulkaga Hooyo Garsore

Waxaan garab taaganahay Garsoore Omar Abdulkadir Cartan, waxaana ku faaneynaa dadaalkiisa iyo heerka uu ka gaaray garsoorka caalamiga ah. Caqabad kasta oo timaadda ma dhimi karto qiimaha iyo sumcadda uu bulshada iyo dalka ku leeyahay.

Waxaan u rajeyneynaa guul, samir iyo in fursadaha waaweyn ee soo socda uu si mudan uga faa'iideysto.

09/06/2026

💍 Hambalyo Guur Wacan Mudane Fahad Gurey 💙⚽
Caawa waxaa aqal galay wiil ay wada jecel yihiin dhalinyarada iyo bahda isboortiga ee xaafadda, laacib lagu yaqaan karti, anshax iyo dadaal.
Waxaan Alle uga baryeynaa Mudane Fahad Gurey iyo marwadiisa inuu ka dhigo reer ku dhisan jacayl, is-afgarad, barako iyo ubad khayr qaba.
Guurkiinnu ha noqdo mid waara, gurigiinnana ha noqdo hoy farxad iyo barwaaqo. Hambalyo boqol jeer! 🤲💐❤️

Photos from Bag Abeeso's post 08/06/2026

, Alle ayey mahad oo dhami u sugnaatay, oo si nabad ah innoogu soo gabagabeeyey League-gii xamaasadda badnaa!

​Bag-Abeeso League oo Soo Gabagaboobay: Team Caalami oo noqday champions! 🏆🎉
​Waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday tartankii xiisaha iyo xamaasadda lahaa ee Bag-Abeeso League, iyadoo ciyaartii k**a-dambaysta ahayd ee tartanka la ciyaaray galabta.

​Natiijada Ciyaarta Final-ka:
• ​⚽ Team Caalami 3️⃣ - 3️⃣ Team Lions
• ​🎯 (Rigoorayaal / Penalties):Team Caalami 4️⃣ - 3️⃣ Team Lions
​Waxaana sidaas Champions ku noqday, oo koobka sare u qaaday Team Caalami! 🏆🏅🎉

​Hambalyo Team Caalami! Horyaalka Bag-Abeeso League waad u qalantaan guushaan weyn. Waad dadaasheen, waadna guuleysateen! 👏🔥

​Sidoo kale, waxaan u hambalyeyneynaa Team Lions oo dadaal weyn muujiyey, soona bandhigay ciyaar aad u qurux badan oo isku xiran.

​Mahadcelinta Marti-sharafta:
Waxaan si xushmad leh ugu mahadcelineynaa marti-sharaftii nagala soo qeyb gashay xiritaanka horyaalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
Guddoomiyaha Sports-ka Deg/buloburte
Hassan Abdulle (Baanja)
Taliyaha Ururka 8aad, Guutada 18aad, Qaybta 27aad Abdullahi Hersi
Taliyaha Ururka 52aad, Guutada 5aad, Qaybta 27aad Ahmed Farah Abdulle (Buuniye)
Maareeyaha Airport Ka Degmada Buuloburte Abdirahman Salaad (Naftoole)
​Iyo dhammaan marti-sharaftii kale ee nagala soo qeybgashay, kuwaas oo tartanka ka dhigay mid qiimo badan.

​Xaafadda Bag-Abeeso mar walba waxa ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarka isboortiga ee Degmada Buuloburde!

Super hambalyo mar kale Team Caalami! 🏆✨

08/06/2026

Qeyb ka mid ah Bulshada Deg/buulaburte, taageerayaasha iyo ciyaartoyda oo saadaalin ka bixiyay kulanka adag, ee galabtay ka dhici doono garoonka Godka ee xaafadda Bag-Abeeso.

Kulankaan ayaa wuxuu k**a danbeys u yahay league xiisaha badnaay ee ka socday xaafadda Bag-Abeeso.

Daawade Teamkee ayaad u Rajeyneysaa Hanashada Koobka? Saadaalintaado waa Muhiiim !

Kasoo Qeyb Gal wanaagsan Insh allah.

📷

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Bulo Burte
Mogadishu
3663