Horn News

Horn News Boggaan waxaa loo sameeyey dadka ku nool degmada Heliwaa. Si wax kasta loogula socodsiiyo.

Degmada Heliwaa  waxa ay u gacan gashay aabaha musuq maasuqa, nidaam xumada iyo kala danbeyn la'aanta.Waa degmada koolba...
24/08/2026

Degmada Heliwaa waxa ay u gacan gashay aabaha musuq maasuqa, nidaam xumada iyo kala danbeyn la'aanta.
Waa degmada koolba waardiyaha askariga saaran ilaa midka shaqada kuu qabanaya midba shaafto ku weydiinayo.
Marka aad joogto albaabka h**e ee baaritaanka ee loogu tala galay in amniga degmada laga ilaaliyo, hadda lagama qabto shaqadaas bedelkeeda dadka ayaa lugu baadaa.
Haddii aad tagto 8:00AM oo ah waqtiga rasmiga ah ee ay degmadu shaqa billaawdo, kan saaran koolba waardiyuhu wuxuu ku leeyahay wax shaqa ah k**a jirto degmada asaga oo ku taag taagaya si uu lacag kaaga qaato haddii aadan lacag siin ama aadan mid kaloo gudaha ku jira lacag u ogoleyn oo uusan asagu kaa deyn meesha waad kala wareegi kartaa lee.
Ugu yaraan $5 ayaad ku geli kartaa gudaha degmada kadib ayaa lacag kale oo dheeriya iyo middii adeegga lagaa rabaa.
Askariga banaanka joogo waxoo ku leeyahay war yaa u socotaa, haddadan wax i siiheyn kaasaan waxaa siiso ka qaadaa kisteedee.
Waa Degmo askarteedu Burusku maqasho, qacdana maqlin.

15/08/2026

Waa wax laga xumaado in ''C iyo D loo dabaaldego sidii guul weyn'', xilli aan u baahan nahay jiil aqoon ahaan dunida la tartami kara. Hambalyadu waa muhiim, laakiin waa inaan sidoo kale sare u qaadnaa heerka aan guusha u aqoonsanno.

Waxaan rajaynayaa in bulshadeennu ay hiigsato meel ka sarreysa tan; ''B laga dhigo natiijo lagu faano, A-na noqoto natiijo ay arday badan keenaan.'' Waalidiintuna carruurtooda ha ku dhiirrigeliyaan dadaal iyo waxbarasho heer sare ah.

Sidoo kale waa inaan Dowladda ku cadaadinnaa inay ''sii adkayso oo kor u qaaddo tayada imtixaanka qaranka'', si shahaadadeennu u noqoto mid si dhab ah u cabbiraysa aqoonta iyo kartida ardayga Soomaaliyeed.

15/08/2026

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026. 40,037 arday ayaa gudbay, halka 2,879 ay ku hareen, waxaana tobanka arday ee ugu sarreeya u badnaa gabdho.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay dhammaan kharashaadka jaamacadeed ka bixin doonto ardayda kaalmaha ugu sarreeya galay imtixaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa si rasmi ah xarigga uga...
15/08/2026

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee laamiga magaalada Dhuusamareeb iyo Taallada Cagaaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mashaariicdan ay muhiim u yihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda magaalada iyo isku socodka bulshada. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay maamulka Galmudug, Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Howlaha Guud kaalintooda hirgelinta mashruuca.

14/08/2026

Maxay yihiin sababaha keenay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka aamusto arrinta shirkadda weyn ee **Genel Energy PLC**, oo xafiis ku leh London, UK?

Shirkaddu waxay heshiis shidaal sahamin ah la gashay maamulka Somaliland, iyadoo boggeeda rasmiga ah iyo warbixinnadeeda sannadlaha ah si cad ugu sheegaysa inay **Somaliland** ku leedahay saamiga 51% ee Block SL10B13, isla markaana ay qorshaynayso qodista ceelka sahaminta ee Toosan-1.

Haddaba, su’aashu waxay tahay: **maxay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga aamusan tahay shirkad caalami ah oo si rasmi ah u sheeganaysa inay heshiis shidaal la gashay Somaliland, kana qorshaynayso hawlo sahamin iyo qodis dhul ay Dowladda Soomaaliya u aqoonsan tahay inuu qayb ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya?**

Ma jirtaa tallaabo sharci, diblomaasiyadeed ama rasmi ah oo Dowladda Soomaaliya ka qaaday arrintan? Haddii aysan jirin, maxaa keenay aamusnaanta?

07/01/2026

Sanadka cusub 2026 iyo Heliwaa cusub oo horumarsan!
Walaalayaal, aan kawada qayb qaadano dhismaha laamiga Al-caddaala ! 🚧

02/01/2026

Xisbiga Towfiiq ee culimada isku sheegaayey oo noqdey xisbigii ugu musuqmaasuqa badnaay.
Waa xisbi kuraasta ee ku guuleesteen siiyey dad gurigooda iska hurdaayey, oona meel cidla ah ugu tagay dadkii u dadaalay ee wax walbana u sameeyey sidee codad u heli lahaayeen.
Culimada waa ku mahadsanyihiin taas.
Caadilna waa Alle ❤️

Address

Heliwaa Street 1
Mogadishu
6321

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Horn News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category