18/07/2020
RASMI: Liiska xiddigaha Kooxda Barcelona ay habeen dambe kala hortagayso Alaves oo la shaaciyey… (Labo xiddig muhiim ah oo ganaax ku maqan)
(Barcelona) 18 Luulyo 2020. Waxaa goordhow la shaaciyey liiska xiddigaha ay Kooxda Barcelona habeen dambe kala hortagayso naadiga Alaves, waxaana ganaax kaga maqan labo xiddig oo muhiim ah.
Messi ayaa hoggaaminaya liiska kooxda Barcelona ee booqanaya Alaves, waxaana liiskan ku soo baxay Fati, iyadoo labada xiddig ee muhiimka ah ee Pique & Rakitic ay ganaax ku seegi doonaan kulankan.
Tababare Quique Setien ayaa magacaabay 16-ka ciayaryahan ee kooxda Barcelona kuwaasoo uu ula safri doono Alaves kulankooda ugu dambeeya ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan 2019/20.
Liiska kooxda Barcelona ay kala hortagayso habeen dambe kooxda Alaves oo dhammaystiran:-
Goolhayeyaasha: Ter Stegen, Neto, Arnau
Daafacyada: Semedo, Lenglet, Araujo, Alba, Roberto,
Khadka dhexe: Busquets, Vidal, Puig, De Jong
Weerarka: Suarez, Messi, Fati, Braithwaite
18/07/2020
Macallin Ole Gunnar Solskjaer oo si adag uga jawaab celiyey weerarkii ay kooxda Man United ku qaadeen Jose Mourinho & Frank Lampard
(Manchester) 18 Luulyo 2020. Macallinka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa si caro leh uga jawaabay celiyey weerarkii ay labada tababare ee Jose Mourinho iyo Frank Lampard ku qaadeen kooxdiisa.
Ole waxa uu si adag uga jawaab celiyey hadalladii soo baxay ee sheegayey in Kooxda Man United ay kooxaha kale kaga nasiib badan yihiin dhanka aaladda VAR, isla amrkaana ay ku faa’iideen go’aannada VAR, waxaana uu xitaa sheegay inuu ka cawdo garsoore xumo.
Waxa ay noqotay Red Devils kooxda ugu badan ee goolal laga dhaliyey ay diidday aalladda VAR kal ciyaareedkan horyaalka Premier League, sidoo kalena waa kooxda ugu badan ee gool ku laad loo dhigay.
Kulankii ugu dambeeyey ee Man United ay guusha ka gaartay Crystal Palace, kooxda uu hoggaamiyo macallin Ole waxa ay ka badbaadday in rigoore laga dhigo kaddib markii uu Victor Lindelof qalad ku galay Wilfried Zaha, sidoo sidoo kale gool uu Palace u dhaliyey Andre Ayew loo diiday garab dhaaf ama offside.
Macallinka kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa su’aan geliyey go’aannada hooseeya ee ay sameysay VAR oo ay ku faa’iidday xilli ciyaareedkan kooxda Manchester United, halka macallinkii h**e ee Man Utd oo haatan hoggaamiya Tottenham ee Jose Mourinho uu sheegay in Red Devils uu nasiibku saaciday iyagoo u tartamaya afarta sare.
Yeelkeede, macallin Solskjaer ayaa gabi ahaanba iska diiday soo jeedintaas, waxaana uu sheegay in Man Utd aysan ku faa’iidin aaladda VAR in ka badan inta ay ku faa’iideen kooxaha kale sida uu hadalka u dhigay.
Solskjaer oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yiri: “Meeqa saacadood ayaan haysannaa?, waxaan fariisan karaa halkaan saacado si aan uga hadlo arrintaan.
“Waxa ay u muuqataa inuu jiro olole, waxaana ay u eg tahay in dadku ay doonayaan inay saameyn ku yeeshaan go’aannada garsoorayaasha.
“Waxaan maqlaa dadka oo nasiib ka hadlaya, iyagoo sheeganaya inaan ka nasiib badannahay kooxaha kale, balse haddii aad eegto xaqiiqooyinka, haddii aad aad offside tahay, waxaad tahay offside, taasi waa ay caddahay.
“Aan ka hadalno nasiibka, rigooradii aan ka helnay Tottenham daqiiqadii ugu danbeysay ee nalaga diiday waxaan ku weynay labo dhibcood.
“Aan ka hadalno casaankii ay aheyd in la siiyo Oriol Romeu markii uu ku dhawaaday inuu cuuryaan ka dhigo Mason Greenwood, waxay ahayd in casaan la siiyo, malaha taas ayaa ina caawin laheyd.
“Aan ka hadalno markii ay aheyd Mark Noble in casaan la siiyo, iyadoo ay guuldarro naga soo gaartay West Ham, laakiin waxaan ka hadlaynaa go’aannada sax ah ee la sameeyay, markii Man United gool laga dhaliyay ee dib loo saxay.
“Si kastaba ha ahaatee, aniga ayay ahayd inaan cabasho ka muujiyo go’aannada qaldan ee ay nagula kaceen garsoorayaasha” ayuu macallin Ole oo carreysan hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.
18/07/2020
Tababare Zidane oo walwal hor leh ku abuuray kooxda Real Madrid labo maalin kaddib markii uu u qaaday koobka horyaalka La Liga
(Madrid) 18 Luulyo 2020. Sida wararku ay sheegayaan Tababare Zidane ayaa walwal hor leh ku abuuray kooxda kubadda cagta Real Madrid, inkastoo labo maalmood ka hor uu u gacan geliyey koobka horyaalka La Liga.
Macallin Zinedine Zidane ayaa iska diiday inuu xaqiijiyo inuu sii ahaan doono Tababaraha kooxda Real Madrid ee kal ciyaareedka soo aaddan, iyadoo xitaa weli la la xiriirinayo Kooxda Juventus.
Waxaa Zidane si xoog leh loola xiriirinayey inuu bedel u noqonayo Max Allegri intii u dhaxeysay 2018 iyo 2019, kaddib markii uu ka tagay Real Madrid xilli ay qaadeen koobkoodii saddexaad oo xiriir ah ee Champions League.
Zidane ayaa ugu dambeyn ku laabtay garoonka Santiago Bernabeu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana ay shalay u dabaal-degeen hanashada horyaalka La Liga, kaasoo ahaa koobkoodii 34-aad ee horyaalka La Liga oo ay Los Blancos kor u qaaddo.
Dhinaca kale Juventus ayaa macallinkeeda u magacaabatay Maurizio Sarri, laakiin waxaa laga yaabaa inay u laabtaan Zizou kaasoo sheegay inuusan ogeyn haddii uu tababare ka sii ahaan doono kooxda Real Madrid, waana hadal ka nixiyey Los Blancos.
isagoo ku guda jira shirkiisa jaraa’id waxa uu yiri Zidane: “Cidna ma oga waxa dhici doona, qandaraas ayaan ku jiraa, waan jeclahay inaan halkaan sii joogo, laakiin marnaba ma ogaan kartid waxa dhici doona mustaqbalka marka aad ka shaqeyneyso kubadda cagta”
“Maalinba maalinta xigta waxaa dhici kara isbedel marka aad isboortigaan dhex joogto, mana garanayo waxa dhici doona mustaqbalka” ayuu hadalkiisa ku daray hoggaamiyaha reer France.
48-sano jirkaan ayaa labo koob oo horyaalka Serie A ah la qaaday Juventus intii u dhaxeysay 1996 iyo 2001, isagoo sidoo kale la gaaray final-ka Champions League, waxaana Zidane la la xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo magaalada Turin bishii April, markii la sheegay inay isku dheceen maamulka Real Madrid.
14/03/2019
Wareega 8 dhamaadka ee tartanka UEFA CHAMPIONS LEAGUE waxaa isugu soo harey 4koox oo England ah (Man utd, Man city, Liverpool iyo Totenham), 1koox oo Talyani ah(Juventus), 1 Spanish ah(Barcelona), 1 Portugal ah(Porto) iyo 1 Holand kasoo jeedo (Ajax).
Mala is dhihi karaa, way soo noqotay Awoodii kooxaha Premier League, sanadkaanse mid ka mid ah kooxahaas ma qaadi doontaa CHAMPIONS LEAGUE-ga?!
21/01/2019
Waxaan aaminsanahay Maurizio Sarri”
Difaaca reer Brazil iyo kooxda Chelsea ee David Luiz ayaa ka hadlay macalinka haatan Blues ee Maurizio Sarri, oo dhawaanahan la kulmay dhaleecooyin badan sababa la xiriira hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedka kooxda.
Chelsea ayaa sabtidii kala kulantay guuldaro 2-1 kooxda Arenal kulankii ahaa London derby ee horyaalka Premier League.
Hadaba David Luiz ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay waxaa soo xigatay shabakada Sky Sports wuxuuna yiri:
“Maurizio Sarri ma uusan faraxsaneen kadib ciyaarta, anagana sidoo kale, qof walba wuxuu ka murugeysnaa guuldaradii Arsenal, sababtoo ah ma aanan ciyaarin kulan wanaagsan, mana aanan u soo muuqan sidii caadiga ahayd ee nalagu yaqiinay”.
Waxaa ina heysata dhibaato weyn, waxaan si wanaagsan kaga bilaaweynaa weerarka, dhanka goolka, difaaca, ilaa iyo khadka dhexe, laakiin waxay dhibaato ka jirtaa dhanka dhameystirka weerarka, waxaana muhiim ah in si dhaqsi ah lagu xaliyo”.
“Isbedelka joogtada ah uma wanaagsana kooxda, sidaas darteed waxaan ku kalsoonahay istaraatiijiyadda macalinkeena hadda ee Maurizio Sarri, waana inaan horumar sameynaa”.
Waxaan ku qasbanahay inaan wax walba u sameyno sida ugu fiican ee suurtagalka ah, taasi waa waxa waajiibka ah ee nalaga doonayo inaan sameyno”.
“Waxa uu haatan sameeyay Maurizio Sarri waa waxaan la rumeysan Karin, in ciyaartoyda ay fahmaan qaab ciyaareedkiisa, kadib markii ay ahaayeen xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kuwo ciyaarayay kubada ka duwan, waa kuwa tartamaya, waxayna fadhiyaan booska 4-aad, taasina waa mid cajiib ah, Manchester City iyo Liverpool waxay u baahdeen waqti ku filan”.
22/12/2017
Saadaali Ciyaarta glbta dhaceysa
Jubbaland vs Puntlnd
19/12/2017
Waad mahadsantihiin dhamaan asxaabta ku taxan somali sports news
14/10/2017
'POCHETTINO WAS MISTAKEN' - GUARDIOLA DENIES DISRESPECTING TOTTENHAM IN 'KANE TEAM' ROW
The Manchester City coach launched an impassioned defence of himself after his Spurs counterpart said his comment was disrespectful
Manchester City manager Pep Guardiola strongly refuted Mauricio Pochettino's allegation that he disrespected Tottenham by calling them "the Harry Kane team".
Guardiola made the comment in the aftermath of City retaining their position at the top of the Premier League by winning 1-0 away to champions Chelsea, in the final fixture before the international break.
When assessing the strength of City's title rivals, the former Barcelona boss said: "We're in September. Chelsea won 13 games in a row last season. We have [Manchester] United and the Harry Kane team, who scores every game two or three goals."
26/09/2017
Muxuu Zidane ka yiri kulanka Dortmund?
Marka laga yimaado in ololahan si dhib badan ugu bilowday hadana Zinedine Zidane niyad sami ayuu muujiye kulanka caawa ee ay Champions League-ga la leeyihiin Borussia Dortmund – waxa uu ku adkeysanayaa in hoos aysan u dhicin kalsoonidii kooxda.
Advertisement
Kooxda difaacaneysa tartanka Europe iyo La Liga waxa ay 7 dhibcood ka hooseysaa La Liga Barcelona balse guushii ay ka gaareen Alaves ayaa dhabbahaha u xaari karta in ay soo kabsadaan.
“Wanaag ayaannu dareemeynaa,” ayuu Zidane ku sheegay shirkii jaraa’id ee ka horreeyey kulanka.
“Kaddib guushii wacneyd ee toddobaadkan waxaan sugeynaa in aan markale dheeo Champions League-ga.”
Tababbaraha reer waxa uu qiray in aysan axwaasho ku fududaan doonin Dortmund laakiin waxaa ka go’an dhiniciisa Kubadd fiican in ay dheelaan.
“Wey dhib badan tahay in aad garoonkuu doobo ha ahaadee aad ku dheesho, ayuu yiri.
“Waligeyn kuma aynaan badib Dortmund waana caqabad in aad ku badiso.
“Waxaan dooneynaa in aan dheelno Kubadd wacan oo ay ahaado ciyaar wanaagsan.”
26/09/2017
SAWIRRO XUL AH: Chelsea oo ku jirta diyaar garow ka hor kulankeeda Atletico Madrid
Chelsea ayaa u safreysa Spain si ay u noqoto kooxdii ugu horreysay ee ka timaada bannaanka oo ku ciyaarta garoonka cusub ee Atletico Madrid Wanda Metropolitano marka ay habeen dambe isku qabtaan Champions League.
Advertisement
Blues ayaa kulankii furitaanka nus darsan goolal ah uga soo adkaatay Qarabag halka Atletico ay bar baro goolal la’aan ah la soo gashay AS Roma.
Hazard iyo Morata ayay u badan tahay inay ku soo bilowdaan kulanka habeen dambe.
Diego Costa k**a hor imaan karo kooxdiisii h**e ee Chelsea maadaama uu suuqa ganaax ka saaran yahay Atletico Madrid ilaa suuqa Janaayo.
DAAWO SAWIRRO:
26/09/2017
dhamaan sheekooyinka kubada cagta kala soco SOMALI SPORTS NEWS