31/01/2026
Full-Time
Halkan waa page ka saxda ee xirirka kubadda cagta degmada berdale.
31/01/2026
Full-Time
31/01/2026
Kulanka Manta
Midnimo Fc🆚️Sos Fc
🏟Samow Stadium
⏰️4:30
24/01/2026
Filo goor dhow, Insha’Allah, tartan isboorti oo aad u xiiso badan kaas oo ka furmi Doona Degmada Berdaale ee G/baay
Tartankan ayaa ah mid ka tarjumaya horumarka, midnimada iyo soo kabashada bulshada, isagoo si gaar ah u muujinaya kaalinta ay ciyaaruhu ka qaataan nabadda, wadajirka dhalinyarada iyo ka fogaanshaha falalka wax u dhimaya mustaqbalkooda.
Waxaa si mug leh u taabigalin doona mid kamid ah ganacsatada Degmada Berdaale oo kusugan magaalada Garoowe, tan oo caddeyn u ah isku xirnaanta bulshada, waddaniyadda ganacsatada, iyo doorka ay ku leeyihiin dhiirrigelinta horumarka dhalinyarada iyo isboortiga.
Degmada Berdaale maanta waxay si dhab ah cagta u saartay waddadii guusha iyo horumarka, iyadoo ka tallaabsaneysa caqabado h**e, una jihaysan mustaqbal ifaya oo ku dhisan nabad, karti dhalinyaro iyo horumar waara. Tartan noocan oo kale ah ma aha oo keliya ciyaar, balse waa fariin nabadeed, midnimo iyo rajo cusub oo loo dirayo bulshada.
Mahadnaq gaar ah waxaa mudan Maamulka Degmada Berdaale, dadaalkooda hagar la’aanta ah ee ku aaddan horumarinta isboortiga iyo xasilloonida. Sidoo kale, waxaa bogaadin iyo ixtiraam mudan shaqsiyaadka iyo ganacsatada dhiirrigelinaya sports-ka iyo nabadda, kuwaas oo door muuqda ka qaadanaya dhisidda jiil firfircoon, isku duuban, kana qeyb qaata horumarinta deegaankooda.
Berdaale maanta waa tusaale ifaya—berrina waxay noqon doontaa astaan guul, horumar iyo rajada dhalinyarada. 💪
22/01/2026
Bismillah
Marka h**e ilahay ayaa mahad iska leh
Waxaa si sharaf leh inogu soo dhamaday tartankii u dhaxeyay Kooxaha ka dhisan Ee gobalka Bay Tartankina Waxa ku guleystay
HAMBALIYO HAMBALIYO 🏆⚽️
21/01/2026
Kulanka Manta
18/01/2026
Kulanka Manta
Santos Fc🆚️Amaana Fc
🏆Sama Final
🏟Samow Stadium
⏰️4:30 PM