23/07/2021
https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=515987226412086&id=204906183485
This is an official page of Qardho public library, its a student hub program and its volunteering services. The Library is established 15 May
The main objective of this project is to enable Qardho students to receive books, learning materials, reviews and public speaking sessions. Qardho Public Library is the first of its kind that has been set up in Qardho district of Puntland Federal State of Somalia. This is a significant milestone for young people in this place. The Library will serve as the information hub for young people in the c
05/07/2021
Murashaxa Xildhibaan ee golaha shacabka Fadaraalka Soomaaliya, mudane Ahmed Mire Maxamuud ayaa oo dhaxag ah ugu deeqay dhismaha Matxafka iyo Maktabadda guud ee magaalada Qardho. Wuxuu ka jawaabey dhowr saac kadib shalay markii Guddigu ka codsadeen deeqdaas.
Guddiga Maktabaddu waxa uu u mahad celinayaa Musharaxa mudane Ahmed Mire Maxamuud, wuxuuna ugu baaqayaa musharaxiinta kale ee deegaanka inay ka qayb qaataaan qaaraanka Maktabadda iyo Matxafka.
04/07/2021
Guddiga dhismaha Maktabadda iyo Matxafka guud ee magaalada Qardho. Ayaa maanta la kulmay mudane Ahmed Mire Maxamuud oo ka mid ah murashaxiinta utartamaya xilka golaha shacabka ee dowladda Soomaaliya.
Guddigu waxay ugudbiyeen murashaxa baahida degmada uqabto inay hesho Matxaf iyo maktabad dadwayne, iyo sida ay muhiim u tahay inuu qof walba ka qayb qaato. Sidoo kale Guddigu waxay ugudbiyeen qoondo gaar ah oo ay ka codsadeen inuu kaga qayb qaato barnaamijkaas.
Mudane Ahmed Mire wuxuu si buuxda u ballan qaaday haddii uu ku guulaysta xilka uu doonayo iyo haddii kaleba inuu ka qayb qaadan doono dhismaha Maktabadda, sidoo kale wuxuu guddiga usheegay inuu fulin doono qoondada gaarka ah ee isaga lagu soo qoray.
28/06/2021
Qaar ka mid ah Guddiga dhismaha Maktabadda iyo Matxafka guud ee magaalada Qardho. Ayaa maanta la kulmay Abdullahi Farah Mire oo ka mid ah Guddiga ku meel gaar ka ah ee doorashooyinka Puntland, ahna murashax utartamaya mid ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddigu waxay mudanaha la wadaageen baahida bulshada degmadu uqabto inay hesho Maktabad dad-wayne, iyo wixii Guddiga uqabsoomay ilaa iyo xilligii la magacaabay. Wuxuu ballan qaaday inuu gacan wayn ka gaysan doono barnaamijkaas, uuna mar walba garab taagan yahay bahda Waxbarashada.
27/06/2021
Musharrax Xildhibaan Mudane Ismail Aw Musse ayaa caawa kulan la qaatay Dhalinyaro kamid ah guddiga u ol'oleeya Maktabadda Guud ee Qardho.
Musharraxu horey waxa uu uga mid ahaa dadkii talooyinka iyo wax-qabadyada wax ku oolka ahaa la dhinac taagnaa Guddiga, Imminkana waxa aan isla qaadanay in uu si dhoow noola shaqayn doono, oo uu hawsha Maktabadda qaybta ugu wayn uguna muhiimsan ka qaadan doono.
Waxa aan u baahannahay in uu na matalo qof ku baraarugsan muhiimadda akhriska iyo qoraalku ay u leeyihiin dhismaha dadka iyo dalka.
20/08/2020
Naqshadda dhismaha matxafka iyo maktabadda guud ee magaalada Qardho. Mustaqbalka dhow in ay hirgasho waannu rajeyn.
Eng; Mokhtar A. Khaalid ayaa naqshadeeyey.
25/02/2020
Ardayda jaamacadda bariga afrika qaybta magaalada Qardho, ayaa xalay ku wareejiyey Guddiga dhismaha M.M Deeq lacageed oo ay ugu talagaleen in ay kaga qayb qaataan dhismaha matxafka iyo maktabadda guud ee magaalada Qardho.
Guddigu wuxuu uga mahadcelin kaalintooda, sidoo kale wuxuu ugu baaqayaa qaybaha kale ee bulshada in ay ka qayb qaadataan.
Allaa mahadleh.
Fadlan ka qayb qaado dhismaha maktabadda iyo matxafka guud ee magaalada Qardho.
30/12/2019
" المكتبة والمتحف التاريخي" في مدينة قرضو
"رحلة تبدأ من الذات وتنتهي الى الذات"
تُعد القراءة من المهارات المهمة المُكتسبة التي يتم من خلالها تحقيق المتعة والنجاح في الحياة ، فهي مفتاح وشعلة مشتركة، ومحرك فعال ، بل هي جزء من حياة الإنسان، وحجر أساسي لغذاء الروح ، وبالقراءة تتطور العلوم وتزدهر الأمم، فهي ضرورة من ضرورات الحياة، كما أنّها قد لاقت أهمية كبيرة في الإسلام، وذلك لأنّ بها يرتقي العقل ويتفكر في خلق الله.
عقدت اللجنة الاستشارية لمكتبة مدينة قرضو -التاريخية - اجتماعًا ثقافيا واستشياريا مع بعض قادة المجتمع وخبراء في القراءة وتخطيط المكتبات العامة والمتاحف الأثرية ، ومن بينهم الأكاديميون والطبقة المثقفة ورواد الشبيبة في محافظة " كركار" وبلدية قرضوا ، كما ناقش النخب خلال مؤتمرهم هذا ، أهمية المكتبة وفوئدها المستقبلية بعيدة كانت أم قربية ، ومن ثم طرقت اللجنة أيضا تعزيز خطة جديدة ، وكيفة بداية مشروع إنشاء المكتبة والمتحف الترايخي -التراثي- في المدينة من جديد.
بقلم استاد: محمود على ادن هوري
26/12/2019
Gudigga u Qareemida Maktabada iyo Matxafka Magaalada Qardho ayaa xalay kulan la qaatay Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda Gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Ciise Yasin Boss, Agaasimaha Madaxtooyada Qardho Cali Ahmed Saciid ( Ali Abees ) iyo qaar ka midda Dhalinyarada Aqoonyahanka ee Gobolka Karkaar oo uu ka mid yahay Faarax Cali Yuusuf oo ka yimid dhawaan dalka dibadiisa.
Labada dhinac oo kulan dheer qaatay ayaa ka wadda-hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa qorshayaasha ay gudiggu dhigeen ee la xiriira u qareemidda sidii loo dhisi lahaa xarunta Maktabadda iyo Matxafka oo dhawaan Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Deni uu dhagax dhigay.
08/12/2019
Wakaaladda xooga korantada umadda( WXKU) ee ayaa dhismaha matxafka iyo maktabadda guud ee magaalada Qardho ugu deeqday lacag dhan $500.
Guddiga dhismaha maktabadda iyo matacafku wuxuu umahadcelin agaasimaha wakaaladda mudane Siciid Axmed Faarax iyo dhammaan shaqaaleheedaba.
Guddigu wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa dhammaan sharikaadka iyo ganacsatada kaleba in ay ka qayb qaataan qaaraanka lagu dhisayo maktabadda.
Mahadsanidiin.
30/10/2019
Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdullahi Deni ayaa GALABTA si rasmi ah udhagax dhigay dhismaha matxafka iyo maktabadda guud ee magaalada Qardho.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in matxafku uu yahay meelaha lagu kaydiyo taariikhda umadda, iyo meesha laga fiirsho ilbaxnimada umaddaas. Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu qiray in wax akhrisku yahay wax yaabaha umaduhu ku horumareen.
Wuxuu balan qaaday in dowladdu kaalin teeda qaadan doonto, si dhowna ay ula socon doonaan hirgelinta dhismahaan.
Wuxuu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qayb qaataan dhismahaas oo qaab isxilqaanka ah lagu dhisi doono.