01/05/2025
Golaha wasiirada SSC-Khaatumo ayaa shirkoodii khaamiis laha ahaa ee maanta waxay ay Ku Go’aamiyeen in wixii hada laga bilaabo magaca saxda ah ee maamulku noqdo DAWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO ee Somalia,golaha ayaana faray Dhammaan haay’adaha kala duwan ee dawladda in ay isticmaalaan magaca cusub ee dawlad goboleedka SSC-Khaatumo.
Tan ayaa timi socdaalkii Raysal Wasaaraha Xukuumada DFS ku yimi deegaanada SSC-Khaatumo, taasoo si buuxda loogu dhawaaqay Dawlad goboleedka SSC-Khaatumo.