Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar

Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar, Sports, .

Photos from Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar's post 25/05/2026

Gudoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar eng abdala hassan galkacyo iyo guud ahaan bahda sports-ka jaaliyadda oo kulan soo dhoween ah usameeyay laacibka kooxda dekadaha Hariidka4️⃣ gudomiyaha ayaa alle uga baryay caafimaad taam ah inuu siiyoo laacibka si uu garoomada dib ugu soo laabto

recovery

15/05/2026

Gudoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar eng abdala hassan(galkacyo) oo Hambalyo u diray bulshada Soomaaliyeed maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL

15-ka May waa maalin taariikhi ah oo lagu xasuusto halgankii, midnimadii iyo waddaniyadda dhalinyaradii Soomaaliyeed ee u istaagay xorriyadda dalka.

Dhalinyaradu waa laf-dhabarta ummadda, waxaana sharaf weyn leh geesiyaashii SYL ee horseeday gobannimada Soomaaliya waxaana dhalinta manta kula Dardaar mayaa in ay ka fakaraan aayaha maanta iyo kan mustaqbalkooda berito.

Photos from Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar's post 09/04/2026

Gudoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar eng abdala hassan(galkacyo) ayaa Hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan oo kamid noqday garsoorayaasha ka qayb galaya tartanka kubadda cagta Aduunka.

Photos from Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar's post 08/04/2026

Bahda Sports-ka oo Kulan Soo Dhaweyn ah u Qabtay Dr. Ahmed Aw Biibi (Saabir)

Bahda sports-ka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar Eng. Abdala Hassan ayaa kulan soo dhaweyn ah u qabtay Dr. Ahmed Aw Biibi (Saabir), kaas oo safar shaqo uga soo laabtay magaalada Muqdisho.

Dr. Ahmed ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha iyo bahda sports-ka dadaalka iyo waxqabadka ballaaran ee ay ka wadaan horumarinta ciyaaraha iyo xoojinta is-dhexgalka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.

Dhankiisa, Guddoomiye Eng. Abdala Hassan ayaa ku bogaadiyay Dr. Ahmed doorka muhiimka ah ee uu ka qaato arrimaha bulshada, isaga oo ku dhiirrigeliyay in uu sii wado howlaha muhiimka ah ee uu u hayo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Photos from Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar's post 01/04/2026

HAMBALYO Somali National Football Team 🇸🇴⚽

Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar , Eng Abdala Hassan (Galkacyo),
wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo guul taariikhi ah ka gaaray isreeb-reebka AFCON 2027, kadib markii ay ka adkaadeen Mauritius isla markaana u gudbeen heerka guruubyada markii ugu horreysay.

Guushan waxay muujinaysaa dadaalka, geesinimada iyo kartida ciyaartoydeenna, waxayna farxad gelisay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
👏🇸🇴

23/03/2026

Warbixin: hormarka muuqda ee Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar uu sameeyay mudo 3 bil gudahood
Mahadsanid gudimiye Abdullahi Hassan Mohamed

Photos from Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar's post 20/03/2026

🌙✨ Hambalyo Ciid Mubaarak ✨🌙

Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Jaaliyadda ku nool Masar.

Ilaahay ha inaga aqbalo camalkii wanaagsan, ee bisha ramadan ciiddaan ciiddeeda kale ha inagu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

🎉 Ciid Mubaarak 🎉

Photos from Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar's post 19/03/2026

Waxaa si rasmi ah loo soo xiray Tartanka Ramadaan Cup ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Masar, iyadoo ay si wadajir ah u soo xireen Madaxa Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Masar, Amiir Ahmed Adan iyo Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar Eng. Abdala (Galkacyo)

Munaasabadda xiritaanka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin:
Guddoomiyaha Ardayda Afrika ee Dalka Masar husein warsame hussein iyo xubno ka tirsan Safaaradda iyo qeybaha kala ee Jaaliyadda.

Tartankan Ramadaan Cup wuxuu ahaa mid si weyn u xoojiyay is-dhexgalka bulshada, isla markaana dhiirrigeliyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar, isagoo noqday madal mideysa jaaliyadda oo dhan.

Kulankii ugu dambeeyay ee finalka waxa wada ciyaaray
Ardi Liwa 🆚 Taasic
Iyado guusha 3–0 ku raacday kooxda Ardi Liwa, oo si cajiib ah u hanatay koobka.

16/03/2026

🏆 RAMADAN CUP – FINAL MATCH 🏆

Waxaa si rasmi ah loo soo xirayaa tartankii Ramadan Cup ee ay soo qabanqaabiyeen Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar
📅 Maalinta: Khamiis
⏰ Saacadda: 3:00 PM
📍 Goobta: Garoonka Wafaa Amal
https://maps.app.goo.gl/fuAFvMYCzDgre3KA8

Kulankan Final-ka ah waxaa si sharaf leh loogu casuumayaa dhamaan bulshada ku nool Masar, gaar ahaan madaxda, Aqoonyahanada, iyo dadka taageera horumarinta dhalinyarada si ay uga qeyb galaan munaasabaddan.

Ujeedadu waa:
⚽ Dhiirigelinta dhalinyarada ciyaaraha
🤝 Xoojinta is dhex-galka bulshada
🌍 Kor u qaadista xiriirka bulshada Soomaaliyeed iyo bulshada Masar

Ka soo qayb-gal wcn dhamaantiin

Photos from Xiriirka Ciyaaraha Jaaliyadda soomaalida dalka Masar's post 14/03/2026

Kulankii semi final
Tartanka Ramadan Cup ee jaaliyadda Soomaaliyeed dalka Masar

TAASIC 3-1 SUWISSRI A

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility?

Website