14/10/2026
7 MILYAN OO QOF AYAAN GAARNAY 28-KII MAALMOOD EE UGU DAMBEEYEY! β€οΈ
28-kii maalmood ee ugu dambeeyey ee aan ka shaqaynaynay qabanqaabada habeenka weyn ee Hargeisa Networking Night, waxaan gaarnay in ka badan 7 milyan oo qof.
Diidmo kasta iyo βMAYAβ kasta oo naloo sheegay waxay naga dhigeen kuwo aan is dhiibin, balse sii adkaysta, dadaalkoodana sii laba jibbaara.
Mararka qaar, dad aan rajo weyn ka qabnay, kalsooni badanna ku qabnay, ayaa isku dayey inay na niyad-jabiyaan. Hase yeeshee, caqabad kasta waxay noo noqotay cashar, diidmo kastana waxay nagu abuurtay dhiirrigelin cusub.
Hal cashar oo weyn ayaan ka bartay muddadii aan ka shaqaynayey Hargeisa Networking Night:
Waa inay jiraan dad aan weligood waxba kugu soo kordhin doonin, haddii ay awoodaanna isku dayi doona inay caqabad ku noqdaan dadaalkaaga iyo horumarkaaga.
Laakiin waxaan sidoo kale bartay in aanay muhiim ahayn inta jeer ee lagu diido, balse ay muhiim tahay inta jeer ee aad dib u istaagto oo aad sii waddo dadaalkaaga.
Diidmo kasta dhammaad ma aha; mararka qaar waa bilowga guushaada.
Dedaalku wuu socdaa, himiladuna way ka weyn tahay caqabadaha! β€οΈ
Hargeisa Networking Night β 3rd Edition.