04/09/2026
Nolosha weligeed lama sheegin xilli ay wax walba fududaayeen, duniduna caqabado ka madhnayd. Jiil kasta oo dunidan soo maray wuxuu haystay cudurdaar uu sheegi karo, balse dadku waxay ku kala duwanaayeen: qaar cudurdaarkii ayay qaateen oo waxba ma aysan samayn, halka qaar kalena ay iska diideen cudurdaarka oo ay xal iyo sabab ay ku guulaystaan la yimaadeen.
Weligaa ha sugin in noloshu fududaato; adigu xoogayso naftaada, oo yeelo kartida aad noloshan adag kaga gudbi karto.
Jumce wanaagsan.
02/09/2026
Hargeisa Networking Night 3rd Official Announcement ❤️🙏🏻
📢 OFFICIAL ANNOUNCEMENT | HNN 3RD EDITION
We are pleased to officially announce the 3rd Edition of Hargeisa Networking Night (HNN), taking place on 29–30 October 2026 at Serene Sarovar Premiere Hargeisa — 5-Star Hotel.
Following two successful editions, HNN returns with an expanded two-day experience, bringing together entrepreneurs, investors, business leaders, executives and professionals for learning, investment conversations and meaningful connections.
HNN 3rd — INVESTMENT
Connecting Capital. Creating Opportunities. Building the Future.
📅 29–30 October 2026
📍 Serene Sarovar Premiere Hargeisa
🎓 Day One: Business Masterclass — 100+ Participants
🤝 Day Two: Gala & Networking Night — 300+ Participants
Registration, partnership and sponsorship opportunities are now open.
📞 Official Contact: 063 602 6666
HNN 3rd — Where Capital Meets Opportunity.
01/09/2026
Afar sano ka hor ayaan qoray:
Waxyaabaha aan nolosha ka bartay
1. Isku day la imow; ugu dambayn waad ka midho-dhalin doontaa.
2. Qof kasta ha uga sheekayn himilooyinka waaweyn ee aad leedahay; dadku mar walba ma jecla in laga horumaro.
3. Guushu waxay inta badan ku xidhan tahay dadka aad taqaanno iyo xidhiirrada wanaagsan ee aad dhisato.
4. Wax kasta oo noloshaada kusoo mara, Alle sabab ayuu uga leeyahay; cashar ka baro.
5. Wakhti badan ha ku lumin raalli-gelinta dadka kale. Wakhtigaaga ugu badan geli naftaada iyo horumarkeeda.
6. Waxa aad maanta haysato waxaad ku kasbatay wixii aad h**e u samaysay; waxa aad mustaqbalka doonayso inaad hesho waxay ku xidhan yihiin waxa aad maanta samayso.
7. Maalmaha guuldarrada, isku-buuqa iyo jahawareerka, casharro badan kala hadh.
8. Dadku ha kuu kala soocnaadaan: qaar waa saaxiibbo guud, qaar waa ehel, qaarna waa dad aad wada shaqaysaan. Dhammaantood si wanaagsan ula dhaqan, laakiin qof kasta meeshiisa garo.
9. Hantida ugu qiimaha badan ee aad leedahay waa aqoonta, xirfadaha iyo horumarka aad naftaada geliso.
10. Halka aad maanta nolosha ka taagan tahay iyo waxa aad haysato, waxaa jira kumannaan qof oo kale oo ku hamminaya. Ku mahadnaq, kana faa’iidayso.