23/08/2026
⚽🇸🇴🇩🇪 SOMALI WEEK SUMMER CUP
SEMI-FINALS
Shalay oo taariikhdu ahayd 22.08.2026, magaalada Bonn waxaa ka dhacay kulan adag oo xiiso badan, kaas oo ay isaga hor yimaadeen kooxaha Som Worms, oo ka socota gobolka Rheinland-Pfalz, iyo Som Hagen, oo ka socota gobolka Nordrhein-Westfalen (NRW).
Kulankaas waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa macallimiin, madax iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan bahda ciyaaraha Soomaalida Jarmalka, kuwaas oo ka kala yimid gobollo kala duwan oo dalka Jarmalka ah.
🤝 CIYAARUHU WAA MIDNIMO, WADAJIR IYO IS-DHEXGAL
Aad ayaan ugu faraxsanahay in dadaalkii aan muddada gelinaynay horumarinta iyo hirgelinta ciyaaraha Soomaalida Jarmalka uu maanta marayo heer wanaagsan.
Ujeeddada ugu weyn ee ciyaarahan ma aha oo keliya tartan iyo guul, balse waa in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Jarmalka la isu keeno, gaar ahaan dhalinyarada, lana xoojiyo midnimada, walaaltinimada, is-dhexgalka iyo is-barashada jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool gobollada dalka Jarmalka.
Alxamdulillaah, tartanka oo ay guud ahaan kasoo qaybgaleen 32 kooxood ayaa hadda soo gaaray heerka Semi-Finals-ka.
Afarta kooxood ee usoo gudbay Semi-Finals-ka waa:
Som Hamburg
Som Aschaffenburg — Bayern
Som Mainz — Rheinland-Pfalz
Som Hagen — NRW
ISKU AADKA SEMI-FINALS-KA
Som Mainz 🆚 Som Aschaffenburg
Som Hagen 🆚 Som Hamburg
Waxaan guul iyo ciyaar wanaagsan u rajaynayaa dhammaan afarta kooxood ee soo gaaray Semi-Finals-ka.
Sidoo kale, waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa dhammaan 32-kii kooxood ee kasoo qaybgalay tartankan. Koox kasta, ciyaaryahan kasta, macallin kasta, masuul kasta iyo dhammaan taageerayaashii qaybta ka qaatay waxay door muhiim ah ku leeyihiin horumarka ciyaaraha Soomaalida Jarmalka.
Waxaan rajaynayaa in ciyaarahani sii noqdaan buundo isku xirta Soomaalida ku nool guud ahaan dalka Jarmalka, jiilasha soo korayana ay ka helaan meel ay ku muujiyaan kartidooda, ku dhistaan saaxiibtinimo, kuna xoojiyaan wadajirka bulshada.
Ciyaaruhu waa Midnimo 🤝
Ciyaaruhu waa Wadajir ❤️
Ciyaaruhu waa Is-dhexgal 🇸🇴🇩🇪
🏆⚽ Guul dhammaan kooxaha Semi-Finals-ka!