Xafad_Ciisa ሀፈትኢሳ football clubs ድሬዳዋ

Xafad_Ciisa ሀፈትኢሳ football clubs ድሬዳዋ football

Garoonka kubadda cagta ee Dir-Dhaba waxaa ciyaar saaxiibtinimo oo xamaasad iyo walaaltinimo ku dheehan tahay ku dhex mar...
21/08/2026

Garoonka kubadda cagta ee Dir-Dhaba waxaa ciyaar saaxiibtinimo oo xamaasad iyo walaaltinimo ku dheehan tahay ku dhex martay Kooxda Barwaqo iyo Kooxda Djibouti Telecom.

Ciyaartan ayaa ahayd mid lagu xoojinayey xiriirka, walaaltinimada iyo isdhexgalka bulshada ee labada dal ee Itoobiya iyo Jabuuti. Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar qurux badan oo ay ka muuqatay tartan, ixtiraam iyo isfaham wanaagsan.

Ugu dambayntii, ciyaarta ayaa guushu raacday Kooxda Djibouti Telecom, oo natiijo 2–1 ah kaga adkaatay Kooxda Barwaqo.

👏 Hambalyo labada kooxood, gaar ahaan sida ay u muujiyeen walaaltinimada iyo ciyaar-wanaagga. Guushu waa qayb ka mid ah ciyaarta, balse walaaltinimadu waa waxa ugu weyn. ⚽️🤝

Ciyaar Xiiso Leh ⚽🔥Garoonka Kubadda Cagta ee Dir-Dhaba waxaa berri, Jimce 21-ka Agoosto 2026, ka dhacaysa ciyaar xiiso i...
20/08/2026

Ciyaar Xiiso Leh ⚽🔥

Garoonka Kubadda Cagta ee Dir-Dhaba waxaa berri, Jimce 21-ka Agoosto 2026, ka dhacaysa ciyaar xiiso iyo xamaasad badan leh oo dhex maraysa labada kooxood ee Barwaqo FC iyo Djibouti Telecom. 💙⚽🔥

Waxaan dhammaan shacabka magaalada Dir-Dhaba ku sharaafnay inay kasoo qayb galaan ciyaarta, garoonkana u soo xaadiraan. 🙌🏽⚽

Qof kasta oo jecel kubadda cagta, taageerayaasha iyo dhalinyarada magaalada waxaan si gaar ah ugu shaarfanay inay ciyaartan kasoo qayb galaan, si aan u wada abuurno jawi qurux badan oo kubadeed. 🏟️⚽❤️

🗓️ Jimce, 21 Agoosto 2026
⏰ Saacadda: 4:00 galabnimo
📍 Garoonka Kubadda Cagta ee Dir-Dhaba

🚨 RASMI: Eddie Howe ayaa ka tagay Newcastle United! ⚪️⚫️💔Safarkii Eddie Howe ee Newcastle United ayaa si rasmi ah u soo ...
30/07/2026

🚨 RASMI: Eddie Howe ayaa ka tagay Newcastle United! ⚪️⚫️💔

Safarkii Eddie Howe ee Newcastle United ayaa si rasmi ah u soo idlaaday.

Howe wuxuu kooxda ka soo saaray waqti adag, isagoo u beddelay koox u tartanta heerka ugu sarreeya, kuna hoggaamiyay guulo taariikhi ah iyo koob ay muddo dheer sugayeen taageerayaashu.

Hadda waxaa la filayaa in Matthias Jaissle uu la wareego xilka tababarenimo.

💬 Maxay kula tahay go’aankan? Yaa ku habboon inuu noqdo tababaraha cusub ee Newcastle United?

29/07/2026

🚨🇬🇭 Ciyaaryahanka Ghana 🇬🇭 Mohammed Fuseini ayaa la kulmay dhac ka dhacay Brussels dhammaadkii usbuuca.

Garabka Ghana ayaa la weeraray kadib markii ay koox ka kooban shan nin si lama filaan ah ugu soo gaareen. Burcadda ayaa ka qaadatay boorsadiisa, laba iPhone iyo saacad.

Booliska ayaa wali wada baaritaan, waxaana horey loo xiray laba tuhmane oo la xiriira dhacdada.

Nasiib wanaag, Fuseini ayaa dhammeystay baaritaanno caafimaad oo isbitaalka ah, waxaana uu dib ugu laabtay tababarka kooxda Union Saint-Gilloise Isniintii, isagoo sii wada diiradda saaran kubadda cagta.

Waxaan u rajaynaynaa xiddiga rajada u ah Black Stars caafimaad degdeg ah iyo soo laabasho nabdoon garoomada. 🙏🏾

🚨 WAR CUSUB: Real Madrid ayaa xiriir la sameysay Manchester City si ay ula soo wareegto Rodri, iyadoo oggolaanshaha Flor...
29/07/2026

🚨 WAR CUSUB: Real Madrid ayaa xiriir la sameysay Manchester City si ay ula soo wareegto Rodri, iyadoo oggolaanshaha Florentino Pérez la helay! 💣

Madaxweynaha Real Madrid ayaa beddelay fikirkiisa, wuxuuna ogolaaday in la bilaabo xiriir rasmi ah oo u dhexeeya labada kooxood kadib markii ay la xiriireen wakiillada ciyaaryahanka.

Rodri wuxuu ku riyoonayaa inuu ku biiro Real Madrid, waxaana muddo dheer la sheegayay inuu riixayay arrintan. Hadda go’aanka wuxuu ku jiraa gacanta kooxaha, iyadoo wadahadallo la filayo inay bilaabmaan.

Real Madrid ayaa Manchester City u sheegtay inay diyaar u tahay inay bixiso in ka badan €50 milyan si Rodri loogu keeno Madrid, laakiin City ayaa laga yaabaa inay dalbato lacag ka badan taas.

Manchester City wali k**a aysan jawaabin, maadaama ay filayaan in kooxo kale ay kusoo biiraan tartanka, laakiin Rodri ayaa mudnaanta siinaya Real Madrid.

⚪🔥 Heshiisku wuu sii dhowaanayaa.

📰 Isha: Fabrizio Romano

🚨 WAR CUSUB:Arsenal ayaa horumar ka samaynaysa wadahadallada ku saabsan saxiixa Bruno Guimarães! 🔴⚪️Kooxda Arsenal ayaa ...
29/07/2026

🚨 WAR CUSUB:

Arsenal ayaa horumar ka samaynaysa wadahadallada ku saabsan saxiixa Bruno Guimarães! 🔴⚪️

Kooxda Arsenal ayaa dadaal ugu jirta inay heshiis la gaarto Newcastle United, iyadoo lacagta heshiiska la filayo inay ka badnaato £75 milyan. 🇧🇷💰

Wadahadallada labada dhinac ayaa socda, waxaana Arsenal doonaysa inay soo afjarto heshiiska xiddiga khadka dhexe.

📰 Isha: JacobsBen

🚨 WAR CUSUB:Liverpool ayaa la filayaa inay wadahadallo rasmi ah la furto PSG si ay uga wada xaajooto suurtagalnimada hes...
29/07/2026

🚨 WAR CUSUB:

Liverpool ayaa la filayaa inay wadahadallo rasmi ah la furto PSG si ay uga wada xaajooto suurtagalnimada heshiiska Bradley Barcola. 🔴

Kadib wadahadallo hordhac ah oo ay la yeesheen wakiillada ciyaaryahanka, Liverpool waxay diyaarisay dalabkeedii ugu horreeyay, waxayna qorsheynaysaa inay si rasmi ah ugu gudbiso PSG dalab ay ku muujinayso xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga Faransiiska.

📰 Isha: Sky Sports News

@

📢 OGAYSIIS MUHIIM AHKu soo dhowaada bogga rasmiga ah ee Kooxda Kubadda Cagta Xafad Ciise.Sida aad mar walba noogula soco...
29/07/2026

📢 OGAYSIIS MUHIIM AH

Ku soo dhowaada bogga rasmiga ah ee Kooxda Kubadda Cagta Xafad Ciise.

Sida aad mar walba noogula socoteen boggan, waxaan idiin soo gudbin jirnay dhammaan wararka, natiijooyinka, jadwallada, sawirrada iyo xog kasta oo la xiriirta kooxda intii uu socday Tartanka Heerka Koowaad ee Dire dhaba

Maadaama tartankii xilli ciyaareedkan soo gabagaboobay, waxaan jecelnahay inaan taageerayaashayada sharafta leh ku wargelinno in boggani uusan hakad gelayn. Inta laga gaarayo bilowga tartanka xiga, waxaan sii wadi doonnaa inaan idinla wadaagno warar iyo xogo kala duwan.

Waxyaabaha aan idiin soo gudbin doonno waxaa ka mid noqon doona:
⚽ Wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee gudaha iyo caalamka.
📰 Wararka ugu dambeeya ee kubadda cagta.
🔵 Wararka iyo qorshayaasha Kooxda Xafad Ciise.
📸 Sawirro, xusuuso iyo muuqaallo la xiriira kooxda.
🎙️ Fariimo iyo ogeysiisyo rasmi ah oo ka imanaya maamulka kooxda.

Waxaan idiinka mahadcelinaynaa taageeradiinna joogtada ah, kalsoonida aad nagu qabtaan iyo garab istaaggiinna. Fadlan sii wad inaad nala socotaan, la wadaagtaan qoraalladayada, kana qayb qaadataan horumarka bogga.

Xafad Ciise mar walba waa hal qoys. Guusha kooxda waa guusha taageerayaasheeda. 💙🤍⚽

Qeyba commentiga fikirkaga inogu reeb. 👇

💙🤍 HAMBALYO MEHER BARAKAYSAN 🤍💙Bahda Kooxda Xafad Ciise oo ay ka kooban yihiin maamulka, tababarayaasha, ciyaartoyda iyo...
26/07/2026

💙🤍 HAMBALYO MEHER BARAKAYSAN 🤍💙

Bahda Kooxda Xafad Ciise oo ay ka kooban yihiin maamulka, tababarayaasha, ciyaartoyda iyo dhammaan taageerayaasha waxay hambalyo kal iyo laab ah u dirayaan walaalkeen Hassen Musa geesi munaasabadda qiimaha badan ee meherkiisa.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu meherkiinna ka yeelo mid barakeysan, kana dhigo bilow nolol ku dhisan iimaan, jacayl, is-qaddarin iyo is-afgarad. Ilaahay ha idinka yeelo lammaane is garab taagan xilliga wanaagsan iyo kan adagba, hana idinku mannaysto caafimaad, barwaaqo, farxad joogto ah iyo ubad wanagsaan oo anfaca diinta, dalkooda iyo waalidkood.

Maanta waa maalin farxad u ah qoysaskiinna, ehelkiinna, asxaabtiinna iyo dhammaan bahda Kooxda Xafad Ciise. Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guur guuleysta oo ku dhisan kalgacal iyo naxariis.

Hambalyo meher wacan!
Alle ha idin barakeeyo, ha idiin dhammeystiro kheyr, qalbiyadiinnana ha isu soo dhaweeyo. Aamiin Yaa Rabbal Caalamiin. 💐❤️

— Bahda Kooxda Xafad Ciise
Maamulka • Tababarayaasha • Ciyaartoyda • Taageerayaasha

09/07/2026

Markii garsoore Omar Abdulkadir Artan loo muujiyey ixtiraam-darro, waxaa garab istaagay dad badan oo ka Kala ah Afrika iyo Soomaali meel kasta joogta.

Dhanka kale, Itoobiya 🇪🇹 , gaar ahaan Dowladda Deegaanka Soomaalida, waxay muujiyeen kalsooni iyo qadarin ay u hayaan garsooraha Soomaaliyeed. Waxaa si sharaf iyo xushmad leh loogu casuumay inuu dhex-dhexaadiyo ciyaarta k**a dambaysta ah ee tartanka gobollada Dowladda Deegaanka Soomaalida, taas oo astaan u ah kalsoonida iyo ixtiraamka loo hayo xirfaddiisa.

Sharaf Soomaaliyeed meel kasta ha ka muuqato. Garsooraha laguma qiimeeyo dhalashadiisa ama midabkiisa, balse waxaa lagu qiimeeyaa kartidiisa, cadaaladdiisa iyo hufnaantiisa.

Soomaalidu way kugu faantaa Omar Artan, Ethiopia 🇪🇹 Iyo Africa way garab taagan tahay. 🇸🇴🌍⚽

Address

School Xafad Ciisa
Dire Dawa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafad_Ciisa ሀፈትኢሳ football clubs ድሬዳዋ posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share