05/04/2026
Pakistan ayaa ku wargalisey Iiraan ineysan mardambe weerarin Boqortooyada Sucuudiga, maadama ay halis ugu jirto iney dhaqangaliso heshiiskii difaaca wadajirka ahaaa ee dhexmaray Pakistan iyo Sucuudiga.
Sida uu sheegay Suxufiga reer Pakistan ee Absar Alam, Pakistan waxay xaqiijisey in difaaca Sucuudiga iyo Ilaalinta labada masaajid ee barakeysan ay yihiin qayb muhiima oo kamid ah waajibka saaran ciidanka Pakistaniyiinta.
Pakistan waa dalka kaliya ee islaama ee Ciidamadiisu ay ku gaashaman yihiin hubka sida daran wax u gumaada ee nukliyeerka.
05/04/2026
WAR DEG-DEG AH‼️🚨
Iran ayaa baahisay muuqaalka duuliyihii Maraykanka ahaa ee ay gacanta ku dhigeen, taas oo xaqiijisay walaacii ugu weynaa ee ay qabtay Washington. Telefishinka qaranka Iran ayaa baahiyay sawirrada xubin ka tirsan shaqaalaha diyaaradda F-15E Strike Eagle, taas oo la soo riday horraantii toddobaadkan; mid ka mid ah askartii saarnaa ayaa la soo badbaadiyay, halka sarkaalkii u qaabilsanaa hannaanka hubka (WSO) ay xabsiga dhigeen Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iran.
Sawirrada ayaa muujinaya askariga oo nool balse ku jira gacanta cadawga, taas oo ka dhigaysa "la-hayste dagaal" oo istaraatiiji ah. Donald Trump ayaa hadda wajahaya dhibaato weyn oo dhanka maxaabiista ah, taas oo xaddidaysa xulashadiisa milatari ka dib markii uu ugu hanjabay Iran inuu beegsan doono xarumaha korontada dalkaas.