Center 4 Athletic Talent

Center 4 Athletic Talent

Share

Upgrade city sports ( football )

Photos from Center 4 Athletic Talent's post 24/10/2025

๐Ÿ† Tartan Kubadda Cagta ee Xafiiska Maaliyadda ๐Ÿ†
Waxaa si guul ah ku soo dhammaaday tartankii kubadda cagta ee ay soo agaasimeen Qabsadeena Shaqaalaha Xafiiska Maaliyadda.
Ciyaarta k**a dambaysta ahayd waxay ahayd mid xiiso iyo tartan adag leh, waxaana ka muuqday xirfad, dadaal, iyo isfahan kooxeed heer sare ah.
๐ŸŽ–๏ธ Intii lagu guda jiray xafladdii xiritaanka, waxaa la bixiyey abaalmarino kala duwan oo la guddoonsiiyey shaqsiyaadkii muujiyey xirfad iyo dadaal gaar ah intii uu tartanku socday.
๐Ÿ… Sidoo kale, kooxdii ku guuleysatay koobka ayaa la gudoonsiiyey koobkii guusha iyo bilado sharaf leh, iyadoo ay farxad iyo sacabba la socdeen xafladda abaalmarinta.
Hambalyo dhammaan kooxihii iyo ciyaartoydii ka qeyb qaatay tartanka! ๐Ÿ‘
Guusha maanta ha noqoto dhiirigelin iyo midnimo shaqo oo sii joogta. ๐Ÿ’ชโšฝ

12/05/2025

WAR-QORAALEEDl ka soo baxay federation kubada Cagta dowlada.

*Bogaadin, Xasuusin & Digniin*

Xidhiidhku Kubadda Cagta DDS, wuxu bogaadinayaa oo uu ku faraxsan yahay billaabashada Tartanka xiisaaha badan ee Gobollada, Maamul Magooloyinka iyo Labada jaamacadood, idamka Eebbe waxanu rajaynaynaa inuu innoogu dhamaado si lamid ah bar billowga wanaagsan ee uu innoogu furmay.

Xidhiidhka Kubadda Cagta Dowladda Deegaanka Soomalida wuxuu xasuusinayaa dhammaan Howl wadeenada bahda Kubadda Cagta ee kaqayb galaya Tartankan maanta inoo furmay inay dhowraan wixii shuruuc iyo sharuuda ahaa ee an ku wada ballanay, iyaga oo waliba saxiixay hashiis qoraal ah oo ay ku muujinayeen inaay masuuliyaddeedu qaadi doonaan haddii ay la gole yimaadaan wixii kabadan ciyaartooydii an tirodooda xaddidnay.

Sidoo kale waxaa uga digaaynaa dhammaan masuuliyiinta Harmuudka u ah kooxaha inay jabiyaan amma ay dhayalsadaan hashiiskii ay sixiixeen.

Wabilaahi Towfiiq.

11/05/2025

๐ŸŽ™๏ธThierry Henry:
โ€œMa aragteen maanta waxa dhacay? Ogaada hadaba, kooxdii fiicnayd ayaa badisay. Barcelona waxay labo gool looga hormaray ciyaarta, goโ€™aamo badan oo muhiim ahna iyaga looma dhigin. Miyay cabteen? Miyay niyad jabeen? Maya!

Waxay u ciyaareen sidii kubadda cagta dhab ahaan loo ciyaaro. Barca waxay mar kale cadaysay in tayada dhabta ah aysan jirin wax joojin kara. Waa ciyaar iyo cashar isku mar. Halyeeyada sidaan u ciyaara waa in la amaanaa.โ€

Legend Thierry Henry โ€“ waa yaab! Like ku dhaaf๐Ÿ‘

Photos from Center 4 Athletic Talent's post 30/04/2025

Lamine Yamal vs Inter:

โšฝ๏ธ1 gool
๐Ÿ”„61 baas
๐Ÿ“ˆ75% basaska uu saxay
๐Ÿš€6 laad
๐Ÿฅ…2 jeer birta ayuu ku dhuftey
๐Ÿ”‘2 baas oo fure ah
โšก๏ธ6/10 gambis uu guuleystay
โš”๏ธ8/14 dagaal (duels) uu guuleystay

MA AHAN CAADI in uu sidan u fiicnaado isagoo 17 jir ah. Kani waa cajiib! ๐Ÿ”ฅ

Photos from Center 4 Athletic Talent's post 30/04/2025

Cristiano Ronaldo markuu jiray 17 sano: wuxuu sameeyey 19 ciyaarood, 5 gool, iyo 4 caawin.

Lionel Messi markuu jiray 17 sano: wuxuu lahaa 9 ciyaarood, 1 gool, iyo 0 caawin.

Lamine Yamal markuu yahay 17 sano: wuxuu marayaa 100 ciyaarood, 22 gool, iyo 33 caawin.
L19 Cajiib

30/04/2025

Qeybtii h**e ee ciyaarta oo si xiiso leh ku soo dhammaatay!๐Ÿ’ฅ๐Ÿšจ

๐Ÿ”ดBarcelona 2-2 Inter๐Ÿ”ต

Photos from Center 4 Athletic Talent's post 29/04/2025

Xaflada xidhitaanka tartanka
Sawirada ciyaarta finally tartanka dhalinta Cuslaatay ee xafada 1aad ( 01)

29/04/2025

Kalmad Mahadcelin iyo Bogaadin ah
Guddoomiyaha Garsoorka Kubadda Cagta Deegaanka: Mohamed Abdirahman Dakhare

Waxaan si weyn u bogaadinayaa una mahadcelinayaa dhalinyarada xaafadda 01 oo muddo saddex bilood gudahood ah qabtay tartamo heer sare ah, kuwaas oo si hufan oo habaysan ay u maamulay. Tartamadaas waxay ahaayeen kuwa mudan in lagu faano, loona riyaaqo dadaalka iyo kartida dhalinyarada qabanqaabada sameysay.

Dhalinyaradu waxay qabteen saddex tartan oo kala duwan:

Tartankii koowaad wuxuu ka koobnaa 10 koox, kuwaasoo loo qeybiyey laba group.
Tartankii labaad wuxuu ka koobnaa 13 koox oo loo qaybiyey 3 Group
Tartanka saddexaad, oo caawa xafladdiisa la jooggo, wuxuu ka koobnaa 16 koox oo loo qeybiyey 4 group.
Dhammaan tartamadaas waxaa si qurux badan oo nidaamsan loo maamulay, iyadoo la adeegsanayo xeerar iyo shuruuc waafaqsan kuwa caalamiga ah. Waxaa laga dheehanayey kala dambeyn, wada shaqeyn iyo daacadnimo dhammaystiran.

Tartamadan oo kale waxay sare u qaadaan is-dhexgalka bulshada, caafimaadka jirka, kalsoonida nafta iyo dhiirrigelinta kartida dhalinyarada. Waxaana sidoo kale ay caddeeyeen in dhaqaalaha kooban uusan hor istaagi karin hirgelinta iyo qabsoomidda tartamo tayo leh.

Dhalinyarada abaabulka sameeyey waxay muujiyeen karti, hufnaan iyo go'aan adag. Waxay tusaale wanaagsan u yihiin dhallinyarada kale ee deegaanka, waxaana mudan in aan u hambalyeyno una abaalgudno dadaalkooda.

Ugu dambeyn, waxaan hambalyo u dirayaa kooxda Jibriga oo ku guuleysatay koobka tartanka.

Hambalyo iyo mahadsanid dhammaan dhalinyarada iyo cid kasta oo gacan ka geysatay guushan weyn.

Photos from Center 4 Athletic Talent's post 19/04/2025

Fadxi Sultaan Nasir ayaa noqday Xidiga Garoonka ( Man of the Match) ka dib markii uu kooxdiisa Basuudi oo guul ku hogaamiyey, kadib markii ay kooxda karamardha ay Hal Goal iyo Waxba kaga adkaadeen

Photos from Center 4 Athletic Talent's post 19/04/2025

Abshir dhoobo ayaa noqday xidiga Garoonka( Man of the Match) ka dib markii uu dhaliyey 5 Goal ciyaartii u dhexmartay Zukuwa iyo Shabeele Bank oo ay guushu Raacday Zukuwa ka dib markii ay 14 Goal iyo Waxba ku badiyeen sidoo kale Ahmed Macalin ayaa dhaliyey 6 goal kadib markii half ciyaaray

Photos from Center 4 Athletic Talent's post 12/04/2025

Warbixinta Ciyaaraha Maanta 12/04/25
โ€“ Group D

Maanta waxaa la ciyaaray laba ka mid ah kulamada xiisaha leh ee Group D, iyadoo kooxuhu ay soo bandhigeen ciyaar aad u sarreysa.

Ciyaarta Koowaad:
Kooxaha Amani Skin Care iyo Caare ayaa is haleelay ciyaartii ugu horreysay. Ciyaartan oo ahayd mid adag ayaa ugu dambeyntii guushu ku raacday kooxda Caare oo 1-0 ku garaacday kooxda Amani.
Xiddiga Garoonka waxaa noqday ciyaaryahanka Bidixo, kaasoo si weyn uga dhex muuqday garoonka.

Ciyaarta Labaad:
Waxaa fooda is daray kooxaha Bilaal iyo Najaashi. Kooxda Najaashi ayaa ciyaarta si buuxda u maamushay, iyadoo guul weyn ka gaadhay ciyaarta kadib markii ay 3-0 ku xasuuqeen kooxda Bilaal.
Xiddiga Garoonka ee ciyaartan wuxuu noqday Ahmedtahir (Amiirka), oo bandhig heer sare ah sameeyey

Photos from Center 4 Athletic Talent's post 10/04/2025

Warbixin: 10/04/2025
Tartanka Dhalinta Cuslaatay โ€“ Xafadda 1aad (01)
Group B
Maanta waxaa garoonka Zukuwa ka dhacay labo ciyaarood oo xiiso leh, kuwaas oo ka tirsan Group B ee tartanka dhalinta cuslaatay ee Xafadda 1aad. Labada kulanba waxay ahaayeen kuwo ay ka muuqatay dadaal, xirfad iyo tartan dhab ah oo u dhexeeya kooxaha ka qaybgalaya.
Ciyaarta Koowaad: Basuud vs Jibrig Kooxaha Basuud iyo Jibriga ayaa kulankooda si adag iskula galay, iyagoo soo bandhigay ciyaar qurux badan. Ciyaarta ayaa lagu kala baxay 1-0, waxaana guusha raacday kooxda Jibriga.
Xiddiga ciyaarta (Man of the Match) waxaa noqday Maame Abdi, kaas oo door muhiim ah ka qaatay difaaca iyo hogaaminta kooxdiisa guusha.

Ciyaarta labaad waxay dhexmartay Karamardha iyo Waadhiyaha,
Kooxda Karamardha Waxay ku adkaadeen 3 gool iyo eber (3-0), Xiddiga ciyaarta waxaa loo magacaabay Niida, oo ah goolhayaha kooxda Karamardha, kaas muujiyey bandhig cajiib ah isagoo badbaadiyey fursado badan oo kooxda Waadhiyaha ay abuurtay.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Jigjiga High Way Street
Jijiga