Aragtida ciyaaraha

Aragtida ciyaaraha

Share

Hadafkeena ugu h**eeya waa inaan kusoo gaadhsiino warbixinada iyo wararka ciyaaraha

Photos from Aragtida ciyaaraha's post 29/07/2026

Godey: Waxaa Maanta Magaalada Godey Soogaadhay Xubno kasocda Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta Aduunka (FIFA)

Xubnahan oo ujeedada socdaalkoodu yahay inay qiimayn kusameeyaan Garoonka Kubada Cagta ee laga hirgaliyay Magaalada Godey islamarkaana Xaqiijiyaan inuu waafaqsanyahay heerka (Standard) Caalamiga ah ee FIFA, ayaa waxaa Magaalada Godey kusoo dhaweeyay Masuuliyiin uu kamidyahay wasiir kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Inj. Cabdi Ciid Daahiye iyo Masuuliyiinta Maamulka Magaalada Godey.

Garoonkan oo loo dhisay hab casri ah, ayaa lagu wadaa inuu buuxiyo Shuruudaha garoonada caalamiga ah islamarkaana uu martigaliyo ciyaaraha heer Deegaan iyo Heer Dal waxaana lafilayaa in Xiriirka kubada Cagta ee FIFA uu natiijada qiimaynta shaacindoono todobaadada soosocda, kadib marka la dhamaystiro qiimaynta lagu samaynayo garoonka.

Xukuumada Deegaanka Soomaalida, ayaa Isbadalkii kadib qorshe uqaadatay Horumarinta iyo casriyaynta Magaalooyinka iyadoo mudnaanta lasiinayo Dhalinyarada iyo Horumarinta Ciyaaraha kala duwan.

Photos from Aragtida ciyaaraha's post 27/07/2026

Kooxda booliska deegaanka ayaa iska xaadiriyey wareega sideed dhamaadka kadib kolkay gool 2-1 kaga badiyeen kooxda shewa robit ee deganka amxaarada

Photos from Aragtida ciyaaraha's post 27/07/2026

🇪🇹⚽️ Xerada Xulashada Xulka Qaranka Itoobiya ee U-17 iyo U-20 ayaa bilaabatay.

Guud ahaan 81 ciyaartoy ayaa ka qayb qaadanaya xerada, iyadoo la diyaarinayo xulalka Itoobiya ee ka qayb geli doona isreeb-reebka CECAFA ee AFCON U-17 iyo U-20.

🔹 U-20: 41 ciyaartoy
🔹 U-17: 40 ciyaartoy

🤔 Laakiin su’aashu waxay tahay: maxay dhalinyarada tayada leh ee Deegaanka Soomaalida uga soo muuqan waayeen xulashadan? Dhalinyarada Deegaanku waxay leeyihiin ciyaartoy karti leh oo mudan in la siiyo fursad iyo matalaad. 🇪🇹⚽️ ~ wararka Hope sports DDS

25/07/2026

25/7/2026
Sabti
Isku duwaha ciyaaraha gobolka jarar mudane c fatax mursal iyo hawl wadeenada shirkada gacanta ku haysa ayaa saaka kormeer iyo indho indhayn ku tagay garoonka kubada cagta m.m.dhagaxbuur oo maraya heer gabo gabo ah
Garoonkan oo mid casri ah ayaa dhawaan xadhiga laga jari doonaaa

Garoonkan ayaa ah mid baahi wayn loo qabay waxaan la filayaa inuu wax wayn ka badali doonoo tartanada iyo guud ahaan ciyaaraha deegaanka

Dhalinyarada gobolka iyo mamulka magaalada ayaa si wayn iyaguna u gu faraxsan iguna riyaaqay masraxan aadka u quruxdabadan inay mar uun laguha galiyaaa

Waxaan ugu mahad celinaynaa xukuumada hirgalinta garoonkan

Magacee ayaad jeclaan lahayd inoo loobixiyo garoonka DHAGAXBUUR ~ Ciyaaraha gobolka jarar

24/07/2026

Mubaarak ayaa noqday xidiga ugu goolasha badan tartanka ETHIOPIAN CLUP CHAMPIONSHIP wuxuuna yeeshay 7 gool Aragtida ciyaaraha

24/07/2026

Kooxda buurta ee deganka ka socotay ayaa laga reebay tartanka kooxda shewa robit ee deganka amxaarada ayaa gool ku laag ku reebtay

Kooxda Shewa robit iyo kooxda booliska deegaanka ayaa isku aadi doona

24/07/2026

HAMBALYO KOOXDA CIDANKA POLICE-KA DEEGAANKA SOMALIDA

Kooxda Somali Police ayaa si awood leh ugu gudubtay wareegga 16-ka ee tartanka Ethiopian Club Championship

Somali Police 6️⃣ 🆚 1️⃣ Bembis (Benishangul)

Hambalyo kooxda Cidanka Police-ka Deegaanka

23/07/2026

🚨 Somali Division One oo Soo Socota! 🇸🇴⚽

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa qorsheynaya bilaabista Horyaalka Heerka Labaad (Division One).

Labada kooxood ee ugu sarreeya ayaa si toos ah ugu soo bixi doona Somali National League 2026/2027. ~ wararka Deeq aariyo


22/07/2026

koobkii aduunka 2026 iyo tirada dadkii daawanayey ee soo xaadiray dhamaan garoomada oo isugayn tiradoodu ay noqotay 6,810,966 oo qof ( lix milyan, sideed-boqol iyo toban kun, sagaal-boqol lixdan iyo lix)


22/07/2026

Vinicius Jr iyo isbadalka ka muuqda wajigiisa kadib qalliin uu isku sameeyay taageerayaasha kubada cagta ayaa garan la' inuu isaga yahay iyo inkale" maxaa ku qabtay arrintan! sidookale kolka la is barbardhigo sida uu eega yahay iyo sidiisii h**e keebaa roon!? 😂

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Jijiga