20/04/2023
Waxaa maanta soo afjarmi doona haduu Rabbi ogolaado koobkii soo socday bishii Ramadan. Ciyaartu waxay noqon doontaa 4:20 galabnimo.
Ciyaartooyda afarta koox ee isugu yimaada semi finalka ee aan ugu talagalnay inaan abaalmarino haday soo gaadhaan iyagoon calaamad qaadan waxaa kusoo hadhay 3 ciyaartooy kaliya. Sadexduba waxay ka socdaan Xafiiska Adeegbixinta. Hadii aysan calaamad qaadanin ciyaarta maanta ee finalka, waxay mutaysan doonaan abaalmarin wanaagsan.
16/04/2023
Haduu Alle idmo waxaa galabta bilaabmi doonaa Wareega sideeda.
Xogaha aad sawiradan hoose ka heli karto waxaa kamid ah:
1- isku aad iyo wakhtiyada ay kala ciyaari doonaan 8da koox ee soo baxday ilaa ciyaarta k**a danbaysta ah (Finalka).
2- liiska ciyaartooy da yaryarka ah ee aan wax calaamad ah qaadanin ee usoo gudbay wareegan sideeda kooxood.
3- ciyaartooyda u goolal badan. Iyo
4- xogta sidii loo soo wada ciyaaray 3dii wareeg iyo natiijooyin keedii oo dhamaystiran.
07/04/2023
Waxaa maanta dhamaaday wareegi 2aad ee group stage ka.
Macluumaad kooban:
1- 3 kooxood baan haba yaraatee lahayn wax rajo ah oo ay kaga soo baxaan group stage ka, halka dhamaan kooxaha kale ay suuro gal tahay inay soo gudbaan.
2- 16 ka kulan ee soo dhamaaday waxaa la dhaliyay goolal dhan 71 goolood, sadex kamid ah ayaa ahaa own gool. 46 ciyaartooy ayaa goolal dhaliyay, halka 12 kamid ahi ay dhaliyeen 2 gool iyo kabadan.
3- 16 kaas kulan waxaa calaamad qaatay 54 ciyaartooy, 8 kamid ahi waxay qaateen mid 2 jaale, halka 4 ciyaartooy ay qaateen calaamadda casaanka.
4- waxaa koobka ganaax ahaan looga saaray sadex ciyaartooy oo anshax xumo aflagaado ama gacan qaad ah la timid.
Xogahaas oo faahfaahsan ka dhugo labada sawir ee hoose.
Sawirka 1aad: natiijadii lagu kala badiyay dhamaan kulamadii dhacay, kulamada soo socda iyo wakhtigooda, isku aadka iyo waliba kala saraynta dhibcaha ee kooxaha group walba.
Sawirka 2aad: tirada ciyaartooyda calaamadaha qaatay iyo shaxda ciyaartooyda ugu goolasha badan.
29/03/2023
Wareegii 1aad ee group stage ka ayaa barri soo idlaan doona haduu Alle idmo. Sida loo kala sareeyo group walba iyo ciyaartooyda u goolal badan ba xogtooda waxaad ka heli kartaa sawiradan hoose.
25/03/2023
Natiijada kulamadii dhacay shalay iyo maanta iyo ciyaartooyda ugoolal badan warbixintooda ayaad ka heli kartaa sawirkan hoose.
24/03/2023
Liiska ciyaartooyda ukala ciyaaraya kooxaha iskood isku soo dhisay iyagoo xeerinaya isku dhafka iyo isdhexgalkii loogu soo jeediyay horay.
Wixii khalad ah ama banaan een wali lasoo gudbisanin dib baanu kasoo galinaynaa.
23/03/2023
Waxaa galabta furitaankii koobka Ramadanka wada ciyaaray Tata FC iyo Khadar SPP FC, halkaas oo ay guushu ku raacday Tata FC.
Balse, guushii anshaxa ayaa umuuqata in lagaga roonaaday Tata FC, maadaama ay laba ciyaartooy calaamada jaalaha ka qaateen.
Yuusuf oo ahaa weeararka Tata FC ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan, 4 goal na shabaga ka taabsiiyay kooxda Khadar SPP, halka Ciyaartooyga C/lahi Giraanya uu isna laba goolood ku hubsaday shabaga kooxda Tata FC.
Faahfaahin dheeri ah waxaad ka heli sawirka hoose.
23/03/2023
Jadwalka isku aad kooxaha iyo taariikhaha ay kala ciyaarayaan ka dheeho sawirkan hoose.
F.G: suuqyare iyo maqfiro waa magacyo kooxeed marka magac kale lasoo baxa fadlan.
Ogaysiis: koox kamid ah kooxihii rabay inay koobka ka qayb qaataan ayay ku adkaatay inay shuruucda soo dabaqaan, sidaas darteed cidii rabta inay kooxdaas booskeeda buuxiso ha lasoo xidhiidho gudida koobka iyagoo liiskooda si sharciga waafaqsan usoo dhistay. Inta aysan ciyaarta 1aad dhamaanin.
Waxaan inta aysan ciyaarta 1aad dhicin soo gudbin doonaa liiska kooxwalba ciyaartooydooda oo wali sixidu ku socoto. Mahadsanid.
20/03/2023
Ogaysiis
Waxaan ogaysiinaynaa cid walboo danaynaysa inay ka qayb qaadato tartanka Ramadan Cup inay raacaan xogta ku xusan warqadan hoose, khaasatan warqada wargelinta ee 1aad. Mahadsanid.
20/11/2021
Ogaysiis.
Fadlan kooxdii rabta inay wakhti ka qabsato saacadaha ciyaaraha ee garoonka caafi ha lasoo xidhiidho numberada hoos ku qoran.
0912185333
Ama si online ah ba uga qabso boggan adigoo riixaya bottom ka ay ku qoran tahay “Book Now”.
Mahadsanidin.