Malcab.com

Malcab.com

Share

Malcab Football News: Stay on Top of the Game

Latest football news, fixtures, & discussions. Join the Malcab community! malcab.com waa hoyga ciyaaraha

Keywords: football news, Glasgow, Scotland, UK.

01/06/2024

Saadaali Kulanka Dortmund Iyo Real Madrid Ee Finalka UCL Qaarada Yurub?

20/04/2024

Players with the most Goals scored in history:

1. 🇵🇹 Cristiano Ronaldo (885)
2. 🇦🇷 Lionel Messi (826)
3. 🇦🇹 Josef Bican (805)

Players with the most Assists in history: [Opta Assists only]

1. 🇦🇷 Lionel Messi (363)
2. 🇭🇺 Ferenc Puskás (359)
3. 🇳🇱 Johan Cruyff (358)

Players with the most Dribbles Completions in history: [Since 2006-07 season by Opta]

1. 🇦🇷 Lionel Messi (2,358)
2. 🇧🇪 Eden Hazard (1,285)
3. 🇨🇵 Franck Ribéry (1,061)

Players with the most France Football Ballon d'Ors in history:

1. 🇦🇷 Lionel Messi (8)
2. 🇵🇹 Cristiano Ronaldo (5)
3. 🇳🇱 Johan Cruyff (3)

Players with the most FIFA The Best Awards in history:

1. 🇦🇷 Lionel Messi (8)
2. 🇵🇹 Cristiano Ronaldo (5)
3. 🇨🇵 Zinedine Zidane (3)

Players with the most FIFA World Cup Golden Ball Awards in history:

1. 🇦🇷 Lionel Messi (2)
2. 🇦🇷 Diego Maradona (1)
3. 🇩🇪 Oliver Kahn (1)

Players with the most European Golden Boots in history:

1. 🇦🇷 Lionel Messi (6)
2. 🇵🇹 Cristiano Ronaldo (4)
3. 🇺🇾 Luis Suárez (2)

Players with the most MOTMs in history: [Domestic Leagues + Champions League since 2009-10 season]

1. 🇦🇷 Lionel Messi (318)
2. 🇵🇹 Cristiano Ronaldo (168)
3. 🇸🇪 Zlatan Ibrahimović (116)

Players with the most IFFHS World’s Best Playmaker Awards in history:

1. 🇦🇷 Lionel Messi (5)
2. 🇪🇦 Xavi Hernández (4)
3. 🇧🇪 Kevin De Bruyne (3)

Players with the most International Player of the Tournament Awards in history:

1. 🇦🇷 Lionel Messi (7)
2. 🇺🇾 José Nasazzi (3)
3. 🇧🇷 Pelé Arantes (2)

Players with the most Major Trophies in history:

1. 🇦🇷 Lionel Messi (44)
2. 🇧🇷 Dani Alves (43)
3. 🇪🇦 Andrés Iniesta (37)

Players with the most Individual Awards in history:

1. 🇦🇷 Lionel Messi
2. 🇵🇹 Cristiano Ronaldo
3. 🇧🇷 Ronaldo Nazário

05/03/2024

Hambalyo:- Kooxda Dowlada Hoose Burco Ayaa 3-0 Uga Soo Badisay Kooxda Ciidanka Asluubta Hargeysa Sidaana Ku Qaaday Koobkii Horyaalka Horyaalada Somalilaan Garoonka Cabdalle Stadium Magaalada Berbera Gobolka Saaxil Ee Somalilaan.

Sadexda Gool Guusha Ku Hogaamiyey Kooxda Dowlada Hoose Burco Waxaa u Kala Dhaliyey Cabsifataax Naani, Cabdilaahi Jiiro Iyo Shaakir Cawaale.

Hambalyo Kooxda Dowlada Hoose Burco Waxaad Hanateen Koobkii Horyaalka Horyaalada JSL Waxaad Muujiseen Inaad Na Tusten in Burco Saaxadeedii Kubadeed Is Badalin Hadana Badiseen Dadaal Dheerna Halkan Ku Timaadeen Hambalyo.

17-Sano Ka Hor Wacdarihii Burco Dhigi Jirtay Waxay Hada Soo Laabatay 17-Sano Hambalyo Hambalyo Hambalyo Hambalyo.

Si Kastaba Kooxda Dowlada Hoose Burco Ayaa 3-0 Uga Soo Badisay Kooxda Ciidanka Asluubta Hargeysa Sidaana Ku Qaaday Koobkii Horyaalka Horyaalada Somalilaan Garoonka Cabdalle Stadium Magaalada Berbera Gobolka Saaxil Ee Somalilaan.

24-Shacbaan-1445 Salaasa By Tayo Qaran AL-AhmåDi.

05/10/2023

Kaydka Malcab.com:- Waydiinta Kaydka Malcab Waxaad Sheegtaa Kulankaasi Kooxaha Ciyaarayey, Natiijada Ay Ku Soo Dhamaatay Ciyaartaasi, Dhexdhexaadiyaha Kulankaasi, Xilli Ciyaareedkii Ay Ahayd Iyo Magacyada Sadexdan Ciyaartoy Ee Sawirka Kaaga Muuqda.

20-Rabiicul Awel-1445 Khamiis By Tayo Qaran AL-AhmaDi.

02/10/2023

Shaacin:- Mahdi Maxamed Xasan Loona Garan Ogyahay Mahdi Jawaase Ayaa Shaaciyey inuu u Sharaxan Yahay Gudoomiyinimada XKCSL Oo Doorashadii Soo Dhowdahay Insha Allah.

Musharax Mahdi Jawaase Ayaa Malcab.com La Wadaagay Musharaxnimadiisa Xilka Gudoomiye Ee XKCSL Iyo Qorshayaasha Uga Diyaarsan Hadii uu Jagadan Ku Guulaysto.

Arinkan Shaacinta Musharaxnimo Mahdi Jawaase Ayaa Ku Soo Beegmaysa Xilli Ay Isa Soo Tarayaan Musharaxiinta Iyaguna Hankoodu Yahay Ku Guulaysiga Jagada Gudoomiye Kuwaasi Oo Dhawaan Shaacin Doona Iyaguna.

18-Rabiicul Awel-1445 Salaasa By Tayo Qaran AL-AhmaDi.

02/08/2023

Ku Soo Dhawaada Barnaamijka La Kulanka Ciyaartoyga Iyo Sahal Xuseen Diiriye?

15-Muxaram-1445 Arbaca By Tayo Qaran AL-AhmaDi.

26/07/2023

Qaar Ka Mida Macalimiinta, Kabtanada, Gudoomiyaasha Iyo Bahda Saxaafada Ee Ciyaaraha SL Ayaa Dhanbaal Tacsi ah u Direy Qoyska, Bahda Ciyaaraha Iyo Jamhuuriyada Somalilaan Ee Ka Geeriyooday Alle Ha u Raxmadee Walaalkeen Khaalid Beegsi.

08-Muxaram-1445 Arbaca By Tayo Qaran AL-AhmaDi.

25/07/2023

Tacsi:- Geeridu Waa Xaq Waana Xukun Noole Kastaa Dhiman Doono Goor ay Ahaataba Alle Ha u Raxmado Marxuum Adeero Xuseen Cali Muuse 🥺🥺🥺🥺🥺🥺🥺

Bahda Malcab.com Waxay Tacsida La Qaybsanayaa Walaalkeen Cabdikhaaliq Xuseen Oo Ka Tirsan Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Aabihii Xuseen Cali Muuse Geeriyooday Samir iyo Iimaan Saadiqa Alle Ha idinka Siiyo Aamiin 🤲🤲🤲🤲🤲

Marxuum Adeero Xuseen Cali Muuse Wuxuu Saaka Salaadii Subax Ku Geeriyooday Dakhtarka Weyn Hargeysa Oo Todobaadba u Jiifay Xanuun Hayey Alle Janooyinkiisa Ha Ugu Deeqo Aamiin.

Alle Ayaa Naga Kaa Jeclaaday Reer Xuseen Cali Ayaan La Qaybsanayaa Murugada Tacsida Waxaan Leeyahay "llow u dambi dhaaf, una naxariiso, caafi Allow una caffi, Wanaajina Meesha uu Dagayo, una waasici meesha uu Galayo kuna dhaq allow biyo, baraf iyo qabow, kana nadiifi dambiyada sida looga nadiifiyo marada cad wasakhda, uguna badal allow daartiisa daar ka khayr badan iyo ehel ehelkiisa ka khayr badan iyo xaas xaaskiisa ka khayr badan, galina janno, kana badbaadi cadaabka qabriga iyo cadaabka naarta" Aamiin 🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🥺🥺🥺🥺🥺

07-Muxaram-1445 Salaasa By Tayo Qaran AL-AhmåDi.

25/07/2023

SIRTU WAA DHIDIDKEE” Bad-Baadi Dadka Adna is Badbaadi. 🤌 Waxaa Qorey Cabdiraxmaan Cawke.

Kubbadan Qaaradda Madaw “AFRICA” Lagu Ciyaaro Ma aha Mid Si Badqab iyo Nabadgalyo leh Loo Ciyaaro Way dhib-badantay Dhaawac waynina Wuu Ku jiraa. 😳

Walaalkaa, Saxiibkaa iyo Mid ku Door-biday inuu kula Ciyaaro, Kula Joogo, Kula Kaftamo amaba Kula Saaxiibo waad isku Dilaysaan iskuna Jiidhaysaan Si kasta Wax ha u Dhaceene. 👀

Dhawaanahan waxa innagu Soo Batay Garoonmada Yar-Yar ee Rooga Cagaarani Yaallo, Waxa lagu Ciyaaraa Ciyaar Fudud isla Markaana Xaraarad Macaan “Futsal”. Ciyaartan iyo Qaabka Loogu Ciyaaro Garoonmadan Waxa Laga Fahmay Khalad Wayn, Waa Garoon Yar oo dherer ahaan 50m ah, Ballaadhna waa u 25m, Waxa lagu Ciyaara 1nin oo Gool-wade ah, 6 iyo 6 qof oo ah inta Gudaha Ku jirta, Si guud waa 12-14qof, Qofka kaasoo Horjeedaa 2dii daqiiqo ee kasta 1mar ayaad iska hor imanaysaan, Si wayn ayaa looga Daawadaa loogana Ciyaara Guud ahaan Gobollada Dalka. Iyadoo ay Sidaasi tahay, Waxa Wax Lala Yaabo ah in Had iyo Jeer Bartilmaameed laga Dhigto oo Jidh-dil iyo Dhaawac loogu Gaysto Wiil Hibo”Talent” Eebe u siiyay Xirfadda Dheelista Kubbada, Qaabka iyo Farsamada uu ku Ciyaarayo ay Dhallinyarada iyo Dadka Daawanaayaba si Wacan u Raali-galinayso “Unfortunately”😭.

Dadkan Qaaraddu Waxa Kacsan Xarraadda Dhiigooda, Maskax ahaanna Xaalkoodu Ma degana, Waa Mid laga jiidhay, Mid isku Buuqsan iyo Mid lasoo Lug-gooyay oo aan Faham Badan Ka Haysan Waxa la Ciyaarayo iyo Meeshan Lagu socdo isla Markaana Sidii Askariga Amar Lagusoo Siiyay in Difaac iyo iska Caabin Dagaal Lagalaayo, Ninkan Marka H**eba Sidiisa ayuu Tashuush ugu Furanyahay, Lamaan Yaabin oo Waxaanu ku Barbaarnay Meel Subax Walba indhahooda ay Ku kala Qaadayaan Dagaallo, Buuq iyo Rabshado Joogto ah, Haddii 4ta Aqal ee Kaa Soo Horjeedaa ay Nabadqab Kuwada Toosaan Meelo Kale iyo Xaafado Kale oo aan Kaa Fogayn ayaa Dhib, Dhac iyo Xassarado Lagaaga Soo Sheegayaa Sabab Kasta Haku Dhaceene. “Layaab” 🙀

Waqtiyada Qaar Jidadka Waxaad Ku Arkaysaa Dhallinyaro Aqoon iyo Cilmi Barasho u Soconaaya oo Haddana 2-3 qof oo Raali iska ah Aanad Arkahaynin, Mid Waliba ka Kale ayuu Cadho iyo Ciil u hayaa, Waxay isku Hayaan Ma garanaysid, Maaha Rag Ka Yimid Goobo Colaadeed iyo Faramo Dagaal oo Hub isu Sita, Sidaas Markay Tahay Wuxuu Dibanaha u Cunayaa inuu Qudh ka jaro ama Naafeeyo Wiil ay isku Diin, isku Dhaqan iyo isku Dal yihiin. 😼

Lagama Warqabo Inta Badan Dadkan Waxa isku Diray laakiin Waxa loo Aaneeyay uun BUSSAARAD iyo BAAHI, iyo isku Buuqa Xassaradahan uu Kusoo Barbaaray, Illaahow Waanu kaa Magan Galnay. 🤲

Waqtigan Dhallinyaradani Bahda Ciyaarahan Way ku Hoos Dhuumanayaan ee Maaha kuwo Si Sax ah Ugu Barbaaray Barashada Dhammaan Shuruucda iyo Ciyaarista Kubbadda Cagta, Sababtoo ah Marka Lagu Leeyahay Waa Ciyaartoy Maskaxadaada Waxa Kusoo Dhacaysa Qof Jidh ahaan iyo Maskax ahaanba u Caafimaadqaba, Mana Aaminaysid waa Qof Kula Dagaallamaya Sidiiyoo Faran La joogo, Wiilashan Waxa La Xumaaday uun Xifaaltanka Walaalkii ama Saaxiibkii, illaa uu Gaadhay Heer ay Dil, Dhaawac iyo Dhacba isu Gaystaan, iskusoo Wada Duuboo Kuwan Lama Odhan Karo, Sabab too ah CIYAAR Macnaheedu waa Madadaalo “Entertainment”, ee Maaha Madal ama Goob Lagu Dagaallamo, Lagu Caytamo ama Laysku Jidh-dilo, inta Ogaalkay ah Waa Meel Qofku Hiwaayaddiisa iyo Hibadiisa Kusoo Bandhigo iyadoon la Khasbaynin, isla-markaana Caafimaadqabka Jidhkiisa iyo Maskaxdiisa ku ilaashado. ☝️

Waa Meel Qofka Dhallinyarada ahi uu Kaga Fogaado Balwadaha iyo Rabshadaha, Waa Meel Dad is-dhexgal iyo Dad is-barasho Nabdoon Laga Helo, 👐.

Guud ahaan Da’yarteena iyo Bahdan Hada Ku Abstirsata Ciyaartoygu Badankooda Waxa Add u Kacsan Caadifadooda, iyo Heerka Dareenka Maskaxdooda, Sida inta Badan Dhacda Waxaad Arkaysaa Dhallinyaro Garoon Kuwada Ciyaaraysa oo Haddana Sidii 2 Dawladood oo Xuduud Isku-Haysta Lagu kala Dhex-jiro. 😳

Waxaad Arkaysaa Dhallinyaro Loosoo Xulanaayo Tar-tammo Ciyaaro ah Oo Ninba Ninka uu ka Rabshad iyo Dagaal iyo Qof-dilis Badanyahay Lasoo Xulanaayo, Ma Jihaadbaa la galayaa Mise Jabhad ayaa Lala Dagaallamayaa?, 😾

Waxa laga Soo Dhaadhiciyay in Sidan Lagu Kala Guulaysanaayo iyadoo Ujeedkii Laga Fogaaday. Kuwan lama Odhan Karo Waa Ciyaartoy, Lama odhan karo waa Ciyaar iyo Tartan, Malahayga Waynu Khalad Fahamnee Dadkaygoow Adduunyadu Qaabkan Uma Dheelsho. 👆

Sidaan kor ku Xussay Dhawaanahan Waxa innagu Soo Battay Garoonmada Gaa-Gaaban ee Gaarka Loo leeyahay, Kubbada Lagu Ciyaaraa Way ka Duwantahay Tan lagu Ciyaaro Garoonmada Waawayn, Tartanmada lagu Qabtaana wuu Ka Duwanyahay Kuwa kale. Sida Aad Kawarqabtaan Waxa Loogu Talo Galay Dadkii Ka Nastay Dheelista Kubbada Cagta ee Da’ ahaan Uga Koray Ku Ciyaarista Garoonkii Waynaa, Si ay u Sii Wataan Mihnaddoodii, ee Looguma Talo-galin in Laysku Jiidh-jiidho, ama Lagu Dagaallamo Waayo Daqiiqad Kasta Waxaad iska Hor imanaysaan Qofkii Kaa soo Hor-jeeday.

Siyaabo Badan oo loo Ciyaaro Kubbada Garoonka Wayn Waa Ka Mamnuuc, Agabka lagu Ciyaarayaana Wuu Ka Duwanyahay. Markay sidaas tahay,

“MIYAYNAAN KHALAD WAYN KA FAHMIH KU CIYAARISTA GAROONMADDAN YARYAR EE CIYAARTAN “FUTSALKA”?”. 😿

HAA, Waxaad Arkaysaa Kuwo Aad is Odhanayso Maskaxdaa Qufulan iyo Kuwo aan Caruurnimo Soo Marin, Malaa Waxaanay Jaanisba u Helin Lodkii ay Kula Ciyaari lahaayeen Garoonkii Waynaa ee Xaalladda adagi Taallay iyo Xaafad Xaafadkii. 😂

Waxaad Arkaysaa Qaar Ciyaartoydan Ciyaarta ah oo Garoonka yar ee “FUTSAL”ka u Yimaada Aar-goosi, oo isku Qufulaaya Saaxiibkood ama Mid uu Jaanis Ku Raadinaayayba. Laga Yaabaa inay Yihiin Asxaab ay Waqti Soo Wada-qaateen, Waxa laga yaabaa in uu Ku Jidh-dilaayo Guul ama Libin uu H**e uga hayo. Wuxuu ku Fikirayaa waa Meel Kooban Oo Kaa Baxsanmaayee Halkan Ku Galaafo oo ku Dhaawac. 😭

Saaxiibayaalow Meeshan Kuma Hayno Sharci innagu Kala Hagaya, oo Waa Meherad Nin U Furtay Ganacsi, Wuxuu Kugu Yidhi Sidaad Rabto Ugu Galgalo Kaliya Aniga Qofkiiyoow $2 oo Khasab ah ayaan Kaaga Baahanahay, idinkoo iswata Ama Isballansadey Hadana Ma jirto Wax idinkala Xadaynaya ama Garsoor Qofka Qof ku Khaldama Garoonka Ka Saaraya. 😫

Ganacsaduhu Meeshan Sidan Layskugu Jiidhaayo Muu Keenin Qof Dhakhtar ah oo Wax yarna Allah Haka Dhigee u Qaban Karaya Qof Dhib Gaadhay. Dhallinyaradan Dheelaysana kuma Jiro Qof Bartay Gar-gaarka Deg-degga ah“First Aid”, waa meel Jaantaa Rogantay ah. 🤭

Waxaad Arkaysaa Qof Waxyar loo Qaban Karaayo oo Qudh-baxay ama Naafo Noqday, Waxaad Arkaysaa Qof Dhaawac Fududi So Gaadhay isla Markaana Gaadiid la’aan iyo Qalab la’aan Dhiig Bax ku yimid. 😳

Dhallinyaro Laynakala Bad-baadin waayee Makala Bad-baadnaa? 🤗

HAA, HAA, HAA, HAA, HAA, HAA.

Saaxiibayaal/Walaalayaal Qof walowba Haddaad Garanwayday Waad 1kii Saac Waxa Kaa Baxa Aduun $2 ah, isla-markaana Waqti Wuu Kaa Lumayaa in Naftaada Ku Raali gali Bal Masuuliyad isa-saar Oo inta Garashadaada yari Ku Siiso, Ma Haboona inaad DAALSHO waxna DILSHEE “SIRTU W DHIDIDKEE” Bad-Baadi Dadka Adna is Badbaadi. 🤌

07-Muxaram-1445 Salaasa By Tayo Qatan AL-AhmaDi.

24/07/2023

Gudoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubadda cagta Mudane Khadar Jilaal isaga oo ku hadlaya afka magaciisa Ka Xidhiidhka Kubadda Cagta Iyo Ka Sportskaba Somaliland Waxaa uu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Dhamaan Qoyskii Qarabadii Iyo Bahdii Sportska Uu Ka Baxay Walaalkeen Khaalid Beegsi.

Wuxuu Ahaa Ciyaartoy Koobsaday Akhlaaq Wanaag Ixtiraam Iyo Afgaabni Taas Oo Aan Ka marag kacayno inuu Ahaa Addoon Wanaagsan Geeridiisinu taabatay quluubtayada iyo qalbiyadayada😭😭

Alle Ha Unaxariisto Janadii Fardawsana Ha Ugu Bushaareeyo dhamaanteena aynu uducayno.

06-Muxaram-1445 Isniin By Tayo Qaran AL-AhmaDi.

20/07/2023

War Cusub:- Xidhiidhka Cusub Ee Baaskiiladaha Ayaa Waxaa Loo Magacaabay Gudoomiye Cusub Waana Mustafe Cabdiraxmaan Xaddi "Diyaaro"

Gudoomiye Mustafe Diyaaro Ayaa Sidoo Kale ah Gudoomiyaha Olympikada Qaran JSL.

02-Muxaram-1445 Khamiis By Tayo Qaran AL-AhmaDi.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Glasgow?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


150 Street
Glasgow