02/09/2025
Kooxda Manchester City si toos ah uma shaacin la wareegista goolhaye Donnarumma, balse warqadihii waa la kala saxiixday, inkastoo dhanka England suuqii xirmay, haddana wax saameyn ah kuma yeelan doonto arrinkaan. Ederson ayaa isna u wareegi doono kooxda Fenerbahce, waxeyna heestaan illaa iyo 12th September oo ah xiliga dhanka Turkey uu ka xirmi doono suuqa kala gadashada ciyaartooyda yurub ka ciyaarto.
Kooxda Manchester United waxeey la soo wareegtay goolhaye Senne Lammens oo la fili doono goolhayaha koowaad ee kooxda inuu noqon doono. Ugu dambeyntii, Sancho ayaa si ammaah ugu wareegay kooxda Aston Villa. Freedom
Liverpool waa u suuroobi weysay ineey la soo wareegaan daafaca kooxda Crystal Palace, Marc Guehi, sababtana waa in la isku fahmi waayay qiimaha. Waxaa kaloo faraha Ka baxay video goodbye ah oo eey Palace u sameysay Guehi, iyagoo Ku hami weynaa in qiimaha eey Ku rabeen la siin doono. Fashiluu
Kala wareegyada kale ee dhacay dhanka horyaalka Talyaaniga kuwii ugu muhiimsanaa waa sidaan:
Rabiot AC Milan
Vardy Cremonese
Zhegrova
Openda Juventus
Zaniolo
Gueye Udinese
Akanji Inter Milan