Chelsea Somalia FANS

Chelsea Somalia FANS

Share

this page is authorized only chelsea Somalia fans

31/08/2023

Chelsea vs Wimbledon

11/02/2020

Chelsea Oo Faa’idadii Ugu Badneyd Ka Sameysay Suuqa Kala Iibsiga labadi xaga ee ugu dambeeyay

Chelsea ayaa faa’idadii ugu badneyd ka sameysay suuqa kala iibsiga marka loo eego dhamaan kooxaha dunida labadii suuq kala iibsi ee ugu danbeysay, sida lagu sheegay daraasad cusub oo soo baxday.

Madaama xagaagii h**e ay xayiraad ka saarneyd suuqa kala iibsiga, Chelsea ayaa qarashgareysay kaliya 45 milyan euro oo ay heshiiskii amaahda ee Mateo Kovacic ugu bedeleen mid joogta ah.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa 205 milyan euro ka sameysay ciyaartoyda ay iska iibisay oo ay ku jirto heshiiskii 100ka milyan euro ee ay Eden Hazard uga iibiyeen Real Madrid.

28/03/2019

DEG DEG: Solskjaer oo si Rasmi ah loogu magacaabay Tababaraha Man United

Manchester United ayaa ku meel gaarnimada ka saartay Solskjaer iyadoona xilka si rasmi ah ugu aamintay macalinka reer Norway.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa laga adkaan waayay 10-kulan uu Premier League ku hogaamiyay Red Devils iyadoo uu hal kulan oo qura bar baro galay, taa oo keentay in xilka si rasmi ah loogu dhiibo.

Kooxda ka arrmisa Old Trafford ayaa heshiis saddex sano ah la gaartay Solskjaer kaa oo xilka ka dhaxlay Jose Mourinho.

Waxaa meesha ka baxay wararkii xanta ahaa ee shegayay in macalinka Tottenham Mauricio Pochettino loo dhiibi doono xilka Man United.

“Tani waa shaqada aan had iyo jeer ku riyoon jiray aad ayaan ugu faraxsanahay inaan helo fursada aan waqti dheer ku hogaamiyay kooxda,”. Solskjaer ayaa sidaa yiri.

28/09/2018

Eden Hazard Oo Ka Jawaabay Wararka Xanta Ah Ee Sheegaya Inuu Ogolaaday Heshiiska Cusub Ee Kooxdiisa.

Eden Hazard ayaa raaxo ku dareemaya ka hoos ciyaaridda tababaraha cusub ee kooxda Maurizio Sarri, balse k**a farxin jamaahiirta kooxdiisa kadib markii wax laga weydiiyay wararka xanta ah ee ku saabsan inuu ogolaaday heshiis cusub.

Kabtanka xulka Belgium wuxuu garoonka Stamford Bridge ku heystaa laba sanadood oo heshiis ah, sida uu ku bilowday fasal ciyaareedkaan ayaa dhalisay hadal heyn ku saabsan inuu iska iloobi doono wararka xanta ah ee la xiriirinaya Real Madrid.

Hazard oo laba cad ka dhigay Liverpool kulankii wareega saddexaad ee Carabao Cup maadaama uu ka dhaliyay goolka guusha kaas oo ahaa mid ilqabad leh isla markaana uu ku muteystay amaan aan caadi aheyn ayaa ka jawaabay su’aalaha mustaqbalkiisa.

“Ma saxiixin wax heshiis ah” ayuu yiri Eden Hazard oo ku faraxsanaa goolka uu kooxdiisa ku saaciday kulankii Liverpool.

16/08/2018

Chelsea oo si layab leh ugu dhaqaaqeysa inay lasoo saxiixato agaasimaha ciyaaraha kooxda Roma Monchi
Kooxda Chelsea ayaa raadineysa adeega agaasimaha ciyaaraha kooxda reer Talyaaniga ee Roma Monchi maalmaha soo socda.
Monchi ayaa u dhaqaaqay kooxda Roma xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, kadib markii uu si aad ah ugu soo guuleestay shaqada agaasime uu ka hayay kooxda reer Spain ee Seville.
Monchi ayaa tan iyo markii uu yimid kooxda Roma wuxuu ka caawiyay inuu u sameeyo in ka badan saxiixyada 10 xidig oo kii ugu dambeeyay uu ahaa Steven Nzonzi.
Wargeyska “Telegraph” ee dalka England ayaa sheegay in Monchi sidoo kale la filayo in uu helo jagada agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Chelsea, isla markaana saxiixiisa uu u dhici doono sida ugu dhasida badan, ka dib markii uu ogolaaday shuruudaha heshiiska sida warbixinta ku xusan.
Sidoo kale agaasimaha ciyaaraha kooxda reer Talyaaniga ee Roma Monchi ayaa saxiixiisa lala xiriirinayaa kooxda Manchester United.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in London?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


London Road
London
SW178