09/04/2026
Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa hambalyo u diray garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha loo xushay inay dhexdhexaadiyaan tartanka Koobka Adduunka (World Cup).
Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa ku ammaanay garsooraha dadaalkiisa, kartidiisa iyo horumarka uu ka gaaray garsoorka caalamiga ah, isagoo xusay in tani ay tahay sharaf weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya guud ahaan. Sidoo kale, wuxuu u rajeeyay guul iyo in uu si hufan u gutto waajibaadka culus ee loo igmaday.
31/03/2026
Gacma dahab goolhaye aleeleey waxa uu qoray caawa taariikh hambalyo xulka qaranka soomaaliya 🇸🇴
31/03/2026
Hambalyo xulkeena qaranka ocean Stars 🇸🇴oo ugu dambeyn u gudbay wareega xiga ee African Cup of nations
31/03/2026
DEG – DEG
Hambalyo!
Xulka Soomaaliya ayaa 4–2 kaga soo gudbay xulka Mauritius kaddib markii ciyaartu ku dhammaatay goolal la’aan, laguna kala baxay gool ku‑laadyo.
Kooxda Qaranka Soomaaliya waxay sidaas ugu gudbeen wareegga xiga ee isreeb‑reebka Koobka Qaramada Africa 2027.
31/03/2026
Is kululeyn cayaarta ka hor
31/03/2026
Shaxda rasmiga ah ee ocean Stars 🇸🇴
30/03/2026
Xidigaha Ocean Stars 🇸🇴 Ayaa Cawa Tababarkoodii Ugu Danbeeyay sameeyay ka hor Kulanka 2aad ee Beri Aan la cayaareno Dalka MAURITIUS 🇲🇺.