Ali samaan pege

Ali samaan pege

Share

Ku nool Kenya ,,, kasoo jeedaa soomaaliya. ,,kudhashy mogadisho soomaaliya,,asxaabta sharafta. Le like waa dhankiina

Photos from DANAB MEDIA's post 29/01/2026
13/10/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

Muqdisho, Oktoobar 12, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalinta 12 Oktoobar ay ahmiyad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 71 sanno ka hor halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

DHAMMAAD.

Mohamed Dugoow,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
[email protected]

Photos from SNA RADIO's post 07/09/2025
Photos from Ali samaan pege's post 02/09/2025

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical Institute) ee magaalada Belgrade.

Wafdiga Wasiirka waxaa halkaas ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee dalka Serbia, kuwaas oo warbixin ka siiyay shaqada machadka ee horumarinta tiknoolajiyadda difaaca, oo ay ku jiraan nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qalabka hubka, iyo gaadiidka dagaalka.

Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo sahaminta fursadaha iskaashi ee ay la yeelanayso saaxiibada caalamka.

02/09/2025

Allaha U Naxariisto hooyo Faadumo Cismaan Diini oo ku Geeriyootay Isbitaalka Afgooye.

Maamo Faadumo ayaa horay looga qabtay sawir caan baxay oo ay kula jirto gabar talyaani ah oo dhul mareen ah oo lagu magacaabo Virginia Luling, isla markaana baratay cilmiga la yiraahdo
Anthropology (the Science of the humans), Virginia iyadu waxay geeriyootay sanadki 2013.

18/05/2025

With Kiin Aragsan – I just got recognised as one of their top fans! 🎉

Photos from Villa kismayo Tv's post 18/05/2025
Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Nairobi West?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Nairobi West