Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda Hertha Berlin Kala heshiisay saxiixa daafaca da’yarka ah ee Omar Rekik kaas oo Gunners Iman doona Marka uu furmo suuqa kala iibsiga January.
Arsenal ayaa doonaysay saxiixa xiddiga 18 jirka ah intii uu furnaa suuqii Xagaagu laakiin labada kooxood ayaa heshiis ka gaadhi waayay Taas oo saamayn ku yeelatay heshiiskii uu William Saliba uga tagayay kooxda xagaagii.
Salib oo 19 jir noqday bishii March ayaa Arsenal ku soo biiray sanadkii 2019 laakiin waxa uu xilli ciyaareedkii h**e amaah ku qaatay kooxda Saint-Etienne waxana la filayay in uu mar kale ku laabto kooxdaas intii uu furnaa suuqii xagaaga si uu xilli ciyaareedkan amaah ugu qaato kooxdiisii h**e laakiin heshiiska ayaa bur-buray.
Dhanka kale Arsenal ayaa dhamaystiri doonta saxiixa xiddiga Rekik marka uu furmu suuqa January laakiin waxa la filayaa in uu kooxdiisa ku sii joogo heshiis amaah ah.
Xiddiga Omar Rekik ayaa haatanba u saftay xulka qarankiisa Tunisia Waxana lala xidhiidhinayay kooxaha Feyenoord, Manchester City, PSV & Marseille.
Vani boy ina simba
Sports
05/09/2020
Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Nairobi West?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Nairobi West