Jodan Sancho Official

Jodan Sancho Official

Share

Hoyga wararka ciyaaraha

23/05/2023

Bᴇsᴛ ʏᴏᴜɴɢ ᴘʟᴀʏᴇʀs

25/03/2023

Shantii La Sumeeyey, Afartii Dhaawaca Ahaa, Midkii La Ganaaxay Iyo Xaaladdii Uu Ku Jiray Xulkii La Xasuuqay Ee Holland

Shan ciyaartoy ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Holland maalin ka hor ciyaartii xulka Faransiisku uu ku xasuuqay 4-0 Jimcihii, waxaanay sababtu ahayd in ay ku sumoobeen cunto ay cuneen oo ka samaysnayd digaag iyo daqiiq, taas oo keentay inay xanuunsadaan.

Cody Gakpo, Sven Botman, Matthijs de Ligt, Joey Veerman iyo Bart Verbruggen ayaa dhamantood uu tababare Ronald Koeman ka diray tababarka ciyaartoydiisa iyaga oo dib ugu laabtay guryahooda.
Ciyaartoydan ayaa la sheegay inay isku raaceen duray xummad wata iyo calool xanuun, taas oo keentay inay sii wadan kari waayaan tababarka.
Sida uu qoray wargeyska De Telegraaf ee kasoo baxa waddanka Holland, digaagga ay cuneen ciyaartoydan ayaa waxa uu ahaa mid xanuunsanaya, waxaanay taasi keentay inuu usoo gudbo fayraskii marka h**e digaagga ku dhacay oo Arbacadii ay la xanuunsadeen.

Dhinaca kale, Holland ayay dhaawacyo kaga maqnaayeen dersin ciyaartooyo ah, sida Frenkie de Jong, Steven Bergwijn, Teun Koopmeiners iyo Andries Noppert halka Denzel Dumfries uu ganaax ku seegay kulankan.
Holland ayaa waxay hadda ku jirtaa kaalinta ugu hoosaysa ee hormadeeda isreeb-reebka Euro 2024, iyadoo Faransiisku uu ku burburiyey afar gool oo ay u kala dhaliyeen Antoine Griezmann, Dayot Upamecano iyo Kylian Mbappe.

25/03/2023

PSG Oo Kansalaysa Heshiisyada Donnarumma iyo Marco Verratti – Waa Maxay Sababtu?

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa ka fiirsanaysa labada ciyaartoy ee Talyaaniga ah ee Gianluigi Donnarumma iyo Marco Verratti oo la sheegay in uu mustaqbalkooda mugdi ku jiro, waxaana soo baxaya warar sheegaya in qandaraasyadooda ay burburin doonto kooxda reer France.

PSG oo hoggaanka horyaalka Ligue 1 ku haysa toddoba dhibcood oo nadiif ah oo ay ka horreyso Marseille oo labaad ku jirta, ayaa waxay ciyaartoydeedu hadda ku maqan yihiin fasaxa kulamada caalamiga ah oo ay dalalkooda usoo ciyaaarayaan.
Kooxda reer France oo wareegga 16-ka kaga hadhay tartanka Champions League, markii ay Bayern Munich ku karbaashtay 3-0 isku-darka labadii lugood ayaa waxa u raacday guul-darro kale oo Sabtidii ay Rennes 2-0 kaga badisay, iyaga oo waliba ku ciyaaryay garoonkaa Parc des Princes.
Sida ay saxaafadda Talyaanigu sheegtay, PSG ayaa waxay saluug badan ka qabtaa goolhayaheeda koowaad ee Gianluigi Donnarumma oo ay suuurtogal tahay inay kansalaan heshiiskiisa, sida uu qoray wargeyska Tuttomercato, waxaanay raadinayaan goolhaye kale oo ay ku beddelaan.

PSG oo amaah iskaga dirtay goolhaye Keylor Navas oo horyaalka Premier League wacdaro ka dhigaya ayaa waxa la sheegay in ay saluug badan ka qabto qaab ciyaareedka goolhayaha koowaad ee xulka Talyaaniga oo ay da’diisu tahay 24.
Tuttosport waxa kale oo uu sheegay in PSG ay sidoo kale ka fiirsanayso inay iska dirto kubbad-sameeyaha Talyaniga ee Marco Verratti oo sannadkiisii 11aad ku qaadanaya Parc des Princes, laakiin hoos u dhac ciyaareed iyo dhaawacyo tiro badan lasoo darseen muddooyinkii dambe.
30 jirkan oo sameeyey qalad xun oo dilay kooxdiisa ciyaartii Bayern Munich ee wareegga 16ka Champions League ayay h**e ugu ooriyeen taageereyaasha kooxdiisu.

Jodan sancho official🇨🇦

24/03/2023

BARCELONA OO XAQIIJISAY DhAAWACA SOO GAADHAY FRENKEI DE JONG

Barcelona ayaa xaqiijisay in Frenkie de Jong uu muddo ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay.

25-sano jirkaan ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaartii ay Barcelona 2-1 kaga badisay Real Madrid todobaadkii h**e, laakiin ma aadin waajibaadka xulka qarankiisa kulamada isreebreebka Euro 2024 ee France iyo Gibraltar sababo la xiriira xanuun. muruqa.

Markii h**e, waxaa loo maleynayay in ciyaaryahanka khadka dhexe la nasinayo, iyadoo Barcelona filaysay in uu taam u noqdo kulanka El Clasico ee kadib fasaxa xulalka.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Xavi ayaa haatan filaysa in ay waydo xiddiga khadka dhexe ugu yaraan dhawrka todobaad ee soo socda kadib dhaawacii soo gaadhay.

“Tijaabooyin la sameeyay maanta waxay muujiyeen in Frenkie de Jong uu qabo dhaawac muruqa midig ah waxana uu maqnaan doona inta uu soo kabsanayo”ayay kooxdu warbixin ku soo saartay.

jodan sancho official

24/03/2023

Bayern Munich Oo Sharaxday Sababta Ay Shaqada Uga Caydhiyeen Julian Nagelsmann

Oliver Kahn oo ah maamulaha guud ee kooxda Bayern Munich ayaa sharaxaad ka bixiyay sababihii shaqada looga caydhiyay tababare Julian Nagelsmann.

Bayern Munich ayaa shaacisay in ay Julian Nagelsmann ka cadhisay shaqada kooxda kadib markii ay ku qanci waayeen natiijooyinka kooxda horyaalka Bundesliga.

Oliver Kahn ayaa ku yiri bayaan uu daabacay website-ka rasmiga ah ee Bayern Munich: “Markii aan Julian Nagelsmann keenay Bayern Munich xagaagii 2021, waxaan ku qanacsanayn in aan iskala shaqayn karno mustaqbalka fog ee kooxda, ujeedkeenuna waxa uu ahaa sidaas ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”.

Waxa uu intaa ku daray, “Julian waxa uu nala wadaagayaa ciyaarista kubad qurux badan laakiin waxa aan haatan ciyaarnaa kubad xun inkasta oo aan ku guulaysanay horyaalka xili ciyaareedkii h**e”.

Waxa uu intaa ku daray, “Kadib Koobkii Adduunka, waxaan u ciyaarnay si xun waxana aan soo bandhignay qaab ciyaareed aan soo jiidasho lahayn sidoo kale goolal badan ayaa nalaga dhaliyay”.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Tani waa sababta aan hadda u go’aaminay in aan talaabadan kale qaadno, waxa aan doonayaa in aan u mahadceliyo Julian iyo kooxdiisa tababarka, qof walbana waxaan u rajeynayaa guul mustaqbalka”.

23/03/2023

Ramadan Mubarak to you and your family. May Allah grant your prayers and replace your worries with happiness and prosperity.

🎧JODAN SANCHO OFFICIAL🇨🇦

21/03/2023

𝗟𝗶𝘃𝗲𝗿𝗽𝗼𝗼𝗹 𝗢𝗼 𝗟𝗼𝗼 𝗗𝗶𝗶𝗱𝗮𝘆𝗼 𝗜𝗻𝗮𝘆 𝗞𝗮 𝗤𝗮𝘆𝗯-𝗚𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗖𝗵𝗮𝗺𝗽𝗶𝗼𝗻𝘀 𝗹𝗲𝗮𝗴𝘂𝗲 𝗫𝗮𝘁𝗮𝗮 𝗛𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗔𝘆 𝗞𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗔𝗙𝗥𝗔𝗔𝗗 𝗧𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗼

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa geli karta xaalad loo diido inay ka qayb-gasho tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe, xataa haddii ay ku dhamaystaan booska kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, iyaga oo waqtigan ku jira lixaad.

Horyaalka Premier League ayaa waxa siddeed dhibcood ku hoggaaminaysa Arsenal, waxaana labaad fadhida Arsenal halka Manchester United ay xajisanayso kaalinta saddexaad ee miiska kala-sarraynta.
Tottenham ayaa iska lumisay fursad ay saddexaad ku tegi lahaayeen toddobaadkan markii ay barbarraha la galeen Southampton, hase yeeshee Newcastle oo waqti dheer afraad ku jirtay ayaa iyadana uu hunguri weyn ka hayaa inay ka mid noqoto afarta kooxood ee sare.
Kooxda kubadda cagta Liverpool oo laba ciyaarood baaqi u yihiin ayaa toddoba dhibcood ka hoosaysa kooxda kaalinta afraad fadhida ee Tottenham, waxaana haddii ay kulamadaas soo badiyaan, sidoo kalena sii wadan bandhig fiican ay awoodi doonaan inay yimaaddaan afarta sare.

Laakiin Jurgen Klopp iyo kooxdiisa uguma filnaan doonto inay yimaaddaan kasoo qayb-galaan Champions League haddii ay ku dhamaystaan kaalinta afraad, sababtoo ah waxyaabo kale oo dhici karaya.
Chelsea oo kaalinta tobnaad ku jirta isla markaana 11 dhibcood ka dambaysa kooxda kaalinta afraad ku jirta, waxa haddii ay ku guuleysato tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan ay si toos ah uga soo qayb-geli doontaa xilli ciyaareedka dambe sida uu dhigayo sharciga UEFA.
Sharciga ayaa sidoo kale dhigaya, in kooxda ku guuleysata tartanka Europa League ay kasoo qayb-gasho Champions League iyadoo waddanku yeelan karayo ugu badnaan shan kooxood oo kasoo xaadiraya UEFA Champions League.
Haddii Chelsea ay ku guuleysato Champions League iyada oo horyaalka kaga dhamaysatay meel ka baxsan afarata sare, waxay si toos ah u heli doontaa boo

21/03/2023

𝗥𝗲𝗮𝗹 𝗺𝗮𝗱𝗿𝗶𝗱 𝗢𝗼 𝗞𝘂 𝗪𝗮𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝘀𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗻𝗰𝗵𝗲𝘀𝘁𝗲𝗿 𝘂𝗻𝗶𝘁𝗲𝗱 𝗤𝗶𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗔𝘆 𝗞𝘂 𝗶𝗶𝗯𝗶𝗻𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗘𝗱𝘂𝗮𝗿𝗱𝗼 𝗖𝗮𝗺𝗮𝘃𝗶𝗻𝗴𝗮

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa u jawaabtay Manchester United oo la sheegay inay ka doonayso xiddiga reer France ee Eduardo Camavinga, waxaanay ku wargeliyeen qiimaha rasmiga ah ee ay ku iibinayaan xiddigan.

Real Madrid ayaa u sheegtay Manchester United in aanay ka hor joogsanayn inay la saxeexdaan Eduardo Camaving laakiin ay tahay inay bixiyaan lacagta lagu burburin karayo heshiiskiisa oo gaadhaysa €1 bilyan oo Euro, taas oo cidda bixisa aanay ka ceshan doonin inay la wareegaan laacibkan.
Toddobaadkii h**e ayay wargeysyada Spain qaarkood qoreen in tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag uu doonayo inuu la saxeexdo Camavinga oo heshiis lix sannadood ah u saxeexay Real Madrid sannadkii 2021 oo ay €27 milyan oo Euro kaga soo iibsadeen Rennes.

20 jirkan oo lama taabtaan ka noqdo kooxda tababare Ancelotti xilli ciyaareedkan oo uu khdka dhexe iyo difaaca bidixba uga dheelayay ayaa waxay qaab-ciyaareedkiisa ka helay Erik ten Hag oo doonaya inuu la saxeexo, laakiin Real Madrid ayaa meel adag ka istaagtay oo qiimihiisa ku xidhay €1 bilyan oo Euro.
Dhinaca kale, Real Madrid ayaa la sheegay inay heshiis cusub ku abaal-marinayso laacibkan sida uu qoray wargeyska The Athletic waxana si weyn sare loogu qaadayaa mushaharkiisa, iyadoo qandaraaskiisa lagu dari doono qodob la mid ah midkii lagu daray heshiisyadii cusbaa ee Eder Militao, Rodrygo Goes, Fede Valverde iyo Vinicius Junior oo ah in €1 bilyan oo Euro lagu burburin karayo heshiisyadooda.

21/03/2023

ARSENAL OO WAR MURUGO LEH LOOGA SHEEGAY MID KA MID AH XIDDIGIHII KA DHAAWACMAY

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa loo sheegay in inta ka hadhay xilli ciyaareedka uu ka maqnaan doono mid ka mid ah labadii difaac ee ka dhaawacmay Khamiistii intii ay socotay ciyaartii ay kaga hadheen tartanka Europa League ee ay Sporting Lisbon rikoodheyaasha ku garaacday.

Arsenal ayaa isku darsatay guul-darro iyo dhaawacyo kulankii Emirates Stadium ay kusoo dhoweysay kooxda reer Portugal, waxaana qaybtii h**e dhaawacyo kaga baxay William Saliba iyo Takehiro Tomiyasu.
Mikel Arteta ayaa ka dhur-sugayay sawirro iyo baadhitaanno kala duwan oo lagu samaynayay labadan ciyaartoy oo ka maqnaa kulankii Crystal Palace ee Axaddii, waxaana hadda la xaqiijiyey in difaaca reer Japan ee Takehiro Tomiyasu uu garoomada ka maqnan doono inta ka hadhay xilli ciyaareedka.
Takehiro Tomiyasu ayaa laga saaray liiska xulka qaranka Japan ee kulamada usbuucan iyo toddobaadka dambe oo h**e loogu daray, waxaanay kooxdiisa iyo xulkiisuba sidaas kaga quusteen adeegga laacibkan inta xilli ciyaareedkan ka hadhsan.

Khabiirka dhaawacyada ee Benn Dinnery ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku xaqiijiyey in Tomiyasu ay uga dhamaatay xilli ciyareedka, waxaana uu intaa raaciyey inuu u baahan yahay in qalliin lgu sameeyo.
Arsenal ayaa waxay hadda ka dhug-sugaysaa warbixinta William Saliba oo isaga la rumaysan yahay in xaaladdiisu ka fududdahay midda Takehiro Tomiyasu, iyadoo tababare Didier Deschamps uu ka saaray liiska xulka qaranka Faransiiska.

BE THE FIRST TO COMMENT

Leave a Reply

#ᴊᴏᴅᴀɴ sᴀɴᴄʜᴏ ᴏғғɪᴄɪᴀʟ

21/03/2023

Barcelona Oo Suuqa Dhigtay Xiddigeedii Wacdaraha Ka Dhigay Koobkii Adduunka Ee Qatar

🕐March 21,2023 🚹jodan sancho official

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa suuqa dhigtay xiddiga reer Morocco ee Abde Ezzalzouli oo ka mid ahaa ciyaartoydii wacdaraha ka dhigay Koobkii Adduunka, isla markaan amaah ugu maqan naadiga reer Spain ee Osasuna.

Kooxo badan ayaa la sheegay inay doonayaan inay la saxeexdaan Abde Ezzalzouli oo hal gool u dhaliyey laba kalena caawiye uga noqday Osasuna, waxaana naadiyada waaweyn ee indhaha ku haya ka mid ah Chelsea, Tottenham iyo Atletico Madrid.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, mustaqbalka Abde Ezzalzouli ee Barcelona ayaan sugnayn, waxaanay kooxdiisu ka fiirsanaysaa inay iibiso sababo dhaqaale awgeed.

Warka ayaa intaa ku daray, in Barcelona ay mar h**eba go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso xiddigeedan marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, maadaama ay caddahay in aanu boos ka helayn khadka dhexe ee ay ku urursan yihiin ciyaartoyda tirada badan.

Mudo Deportivo waxa uu sheegay, in Barcelona ay ku iibinayso Abde Ezzalzouli qiime u dhaxeeya €25-30 milyan oo Gini, taas oo kooxda bixisa ay la wareegi doonto, inkasta oo la rumaysan yahay in Barca ay ku dari doonto qodob siinaya fursad ay lacago kale kaga hesho laacibkan haddii ay sii iibiso kooxda hadda kala wareegta.

21 jirkan oo kali ah ma aha ciyaartoyda ay Barcelona doonayso inay iibiso xagaaga, waxaase sidoo kale ay suuqa dhigaysaa Ansu Fati iyo kuwo kale si ay ugu meel sameeyaan lacag gaadhaysa 200 milyan oo Euro oo laga doonayo inay ka dhimaan mushaharka ciyaartoydooda.

BE THE FIRST TO COMMENT
Leave a Reply

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Westlands?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Westlands
620266

Opening Hours

Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 06:00