Hoyga Ciyaaraha

Hoyga Ciyaaraha

Partager

waxaad ka heli kartaa wax walba KU saabsan ciyaaraha

06/03/2021

Xiddiga reer Germany ee Toni Kroos ayaa shaaciyey kooxda uu doonayo inuu kaga fadhiisto kubadda cagta, qorshahana uguma jirto inuu dib ugu laabto kooxdiisii h**e.
waxa uu Kroos shaaciyey kooxda uu doonayo inuu ciyaaraha kaga fadhiisto, waxaanu yidhi: “Mar walba waxaan sheegaa, in uu mowqifkaygu yahay inaan halkan (Real Madrid) kaga fadhiisto ciyaaraha.”

05/03/2021

Waxaa shaaca laga qaaday liiska xiddigaha u sharaxan abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiican horyaalka Premier League ee bishii February.
Bruno Fernandes – (Manchester United)

Joachim Andersen – (Fulham)

Harvey Barnes – (Leicester City)

João Cancelo – (Manchester City)

İlkay Gündoğan – (Manchester City)

Jesse Lingard – (West Ham).

05/03/2021

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England, Arsenal ayaa xiiseyneysa inay la saxiixato daafaca reer France iyo kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konaté.
Ibrahima Konaté ayaa qandaraaska uu ku joogo kooxda RB Leipzig wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan, waxaana xusid mudan in Liverpool ay ka mid tahay kooxaha xiisaynaya adeega daafaca da’ada yar ee reer France

05/03/2021

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Mariano Díaz kaas oo kooxda u ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay kadib dhaawacii
Karim Benzema.
Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu Mariano Díaz soo gaadhay dhaawac muruqa ah oo Sarcanta ah kadib baadhitaan lagu sameeyay xiddiga maanta oo Jimco ah.
📝

04/03/2021

WaQti Dheer
ka dib
I am back

10/04/2020

Xiddig Ay Liverpool Muddo Dheer Raadinaysay Oo Shaaciyey Inuu Ka Tegayo Naadigiisa

° Xiddiga reer Germany ee Mario Gotze ayaa shaaciyey inuu ka tegi doono kooxda Borussia Dortmund marka uu dhamaado heshiis afar sannadood ahaa oo uu u saxeexay sannadkii 2016 xilli uu kasoo laabtay Bayern Munich.

27 jirkan afka h**e ayaa waxa uu xaqiijiyey in waayihiisa Dortmund uu intaas kusoo goynayo, xagaaganna uu ku biiri doono naadi kale oo uu si dadban u ishaaray inay tahay Liverpool oo muddo dheer raadinaysay.

10/04/2020


Kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee doonaya inay la saxiixdaan xiddiga qadka dhexe reer France ee N’Golo Kanté.
Sky Sport ayaa dhinaca kale xaqiijisay in Chelsea aysan iibin doonin N’Golo Kanté haddii aysan ku helin dalab ku haboon oo ka tarjumaya awoodiisa ciyaareed ee qadka dhexe.
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in dhaawacyada badan uu la kulmay N’Golo Kanté xilli ciyaareedkan, ay keentay in maamulka Chelsea ay ku fikiraan inay ka iibiyaan laacibkoodan dhowrka kooxood ee doonaya adeegiisa

10/04/2020


Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa beeniyey warar toddobaadyadii ugu dambeeyey la isla dhex-marayay oo sheegayay inuu ka tegayo kooxdiisa Barcelona oo uu kusii jeedo horyaalka Serie A ee waddanka Talyaaniga.
✓✓ Marar badan ayaan sheegay. Fikirkaygu waa inaan sii wado joogista halkan illaa inta ay kooxda iyo dadku i doonayaan, dhinacayga wax dhibaato ahi ka iman mayso.”
Arrinta kale ee uu laacibkani ka jawaabay ayaa waxay tahay inuu bixiyey lacag dhan $1.6 milyan oo saaxiibkii Ronaldinho lagaga soo damiintay jeelka si loogu beddelo xabsi guri.
“Waa war been ah. Waana wararkii saxaafadda ee ku saabsanaa Newell’s Old Boys oo kale. Labaduba waa been.”

10/04/2020


Maamulka kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan naadiga Leicester City, si ay u soo qaataan marka uu furmo suuqa xagaaga ee soo socda.
Chelsea ayaa isha ku heysa xiddiga garabka bidix ee kooxda Leicester City Ben Chilwell, si ay kaga dhigato badelka laacibka reer Brazil ee Emerson Palmieri, kaasoo lala xiriirinayo inuu ka tagayo garoonka Stamford Bridge.

09/04/2020

oo sheegay
Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sheegay ciyaartoyga kaliya ee uu awoodi waayay inuu toos wajiga u siiyo markii uu qolka labiska kooxda yimid mudada dheer ee uu haatan usoo ciyaarayay Barcelona.
Messi ayaa sheegay in ciyaartoygaasi uu ahaa Theirry Henry oo sanadkii 2007 Barcelona kaga soo biiray dhinaca Arsenal
✓✓ Leo oo u warramayay wargeyska ree France ee L’Equipe ayaa yidhi
“Maalintii ugu horreysay ee uu yimid qolka labiska, kumaan dhicin inaan isaga indhaha ku eego, waxaan ogaa dhammaan waxaas uu kusoo gaadhay England
Fadlan °° pageka Saar siina greey

Vous voulez que votre entreprise soit Gym la plus cotée à Canach ?

Cliquez ici pour réclamer votre Listage Commercial.

Emplacement

Site Web

Adresse


Canach