Madaja Sports24

Madaja Sports24

Share

Welcome to Madaja Sports24, Watch all Soccer Highlights Jubaland Football, Daily News, Videos, Info

02/06/2026

Wajir County ayaa 3–1 ku garaacday KDF.

02/06/2026

Waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday tartankii Azaad Sports Fantasy, waxaana la soo saaray natiijooyinka k**a dambaysta ah ee tartanka.

Ka qaybgalayaashu waxaa lagu kala sarreysiiyey dhibcaha ay uruursadeen muddadii uu tartanku socday, iyadoo la raacay xeerarka iyo habraacyada tartanka.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynaynaa dhammaan ka qaybgalayaashii tartanka, gaar ahaan kuwii ku guulaystay kaalmaha sare.

Fiiro Gaar Ah:
Dadka ku jira Top 3-da kaalmo ee ugu sarreeya waxaa laga codsanayaa inay la xiriiraan lambarkan:

0615636273

Si loo dhammeystiro habraacyada la xiriira abaalmarinnada iyo xaqiijinta xogtooda.

Mahadsanidiin dhammaan ka qaybgalayaashii iyo taageerayaashii Azaad Sports Fantasy.

01/06/2026

Kooxda kubadda cagta Kisima ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib ugu laabatay magaceedii h**e ee Kisima, sida lagu sheegay qoraal ay ku baahisay boggeeda Facebook.

Kooxda ayaa sheegtay in muddo laba bilood ah magacaasi uu ku jiray gacanta Wasaaradda Kalluumeysiga Jubbaland, taasoo sababtay in kooxda ay weyso qaar ka mid ah xuquuqdeedii iyo aqoonsigeedii rasmiga ahaa.

Maamulka kooxda ayaa xusay inay hadda dib ula wareegeen magacoodii, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlaha ciyaareed iyo matalaadda taageerayaashooda iyagoo ku shaqeynaya magaca Kisima.

Faahfaahinta arrintan ayaa lagu xusay bayaanka rasmiga ah ee kooxda ku daabacday boggeeda Facebook.

Photos from Madaja Sports24's post 31/05/2026

Kooxda Kubadda Cagta Dekedaha Kismaayo Oo Maanta Samaysay Laba Saxiix Oo Cusub.

Kismaayo – Kooxda kubadda cagta Dekedaha Kismaayo ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigtay laba ciyaaryahan oo cusub, kuwaas oo qayb ka noqon doona qorshaha kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.

Saxiixyadan cusub ayaa imanaya xilli ay maalmo kooban ka harsan yihiin furitaanka Horyaalka Heerka Koowaad ee Jubbaland, iyadoo kooxda Dekedaha Kismaayo ay dadaal ugu jirto xoojinta safkeeda si ay uga mid noqoto kooxaha u tartamaya hanashada horyaalka.

Photos from Madaja Sports24's post 30/05/2026

Waan ka xumahay aniga iyo taageerayaasha Arsenal guuldarradii na soo gaartay caawa. Nasiibka ayaa naga hiiliyey.

30/05/2026

Maadaama aan ahay taageere Liverpool F.C. ah, caawa waxaan taageerayaa Arsenal F.C.. Waxaan rajaynayaa inay finalka ku guuleysan doonto.

30/05/2026

War degdeg ah: Liverpool F.C. ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in tababarehooda Arne Slot uu ka tagay kooxda isla markiiba Wararka maanta la daabacay waxay sheegayaan in go’aanka uu yimid kadib qiimeyn lagu sameeyay xilli ciyaareedkii 2025–26, iyadoo Liverpool ay ku dhamaysatay kaalinta shanaad inkastoo Slot uu horyaalka Premier League ku guuleystay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in tababaraha h**e ee AFC Bournemouth, Andoni Iraola, uu ka mid yahay musharraxiinta ugu cadcad ee beddeli kara Slot.

29/05/2026

Kulankii kubbadda cagta ee galabta dhexmaray kooxaha Macallimiinta iyo Wariyeyaasha ayaa kusoo idlaaday guul ay gaareen Wariyeyaasha kadib ciyaar xiiso badan oo ku dhammaatay 5️⃣-4️⃣.

Labada dhinac ayaa soo bandhigay ciyaar adag iyo tartan heer sare ah, hase yeeshee Wariyeyaasha ayaa ugu dambeyn xaqiijiyay guusha.

29/05/2026

Saadaasha kulanka final-ka horyaalka Yurub ee habeen dambe dhex mari doona Arsenal iyo PSG ayaa siyaabo kala duwan u saadaaliyeen bahda sports-ka.

Adiguna saadaashaada qeybta comment-ka noogu reeb.

27/05/2026

Kulan ciyaareed kubadda cagta ah oo saaxiibtinimo ayaa dhexmaray Umburutooriyo iyo Calanley.
Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 4️⃣–3️⃣, waxaana guusha ku raacday Calanley.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Johor Bahru?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Jalan Persiaran Sinaran Ilmu Bandar Seri Alam
Johor Bahru
81750