Somali Community in Mozambique

Somali Community in Mozambique

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali Community in Mozambique, Mogadishu.

19/03/2026

Gudomiyaha jaliyadda Somalida Mozambique aya hambalyo u diray dhammaan ummada somaliyeed meel walba oo ee dunida ka joogaan gaar ahaan jaaliyadda ku nool dalka Mozambique

Ciidul caafiya
Ciid wanagsan
Ku ciida

Kullu caam wa antum bilkheyr

Photos from Somali Community in Mozambique's post 27/12/2025

MAHADCELIN,
الحمد لله
Marka horee allah ayaa mahadleh subxanahu wa tacaala in oo fududeeyay diritanka wlaalki dhibtu soo gartay
waxaan sidoo kale mahad, qaddarin iyo duco aan la koobi karin u dirayaa dhammaan walaalaha Soomaaliyeed ee muujiyey damiir nool, qalbi naxariis leh iyo somalinimo dhab ah, xilligii uu dhaawacmay wiilkeennii musaafirka ahaa ee uu haleelay shilkii naxdinta lahaa

Maalintaas adag marka uu wiilku ahaa keligiis, dalkuna uu ahaa mid qalaad, qalbiyadiinna ayaa u noqday hoy, gacmihiinna waxay u noqdeen garab. Oohintiisii waxaad u beddesheen duco, cabsidiisiina waxaad uga dhigteyn rajo, kalinimadii siina waxaad uga dhigteyn walaaltinimo dhab ah. Falka aad muujiseen ma ahayn kaliya gargaar; wuxuu ahaa farriin nool oo muujinaysa in qof Soomaaliyeed uusan waligiis kali ku noqon meel kasta oo uu dunida ka joogo.

Waxaad dib u soo nooleyseen ruuxdii somalinimada
in walaalkaaga aad u istaagto adigoon weydiin qabiil, magac ama dano kale; in aad murugada la qaybsato, farxaddana la wadaagto. Tani waa dhaxalka aan leenahay, waana waxa inaga dhigaya bulsho sharaf leh, meel kasta oo aan joogno.

Qoraalkan sidoo kale waa baraarujin qalbiyeed in aynaan waligeen illoobin in midnimadeennu tahay badbaadadeenna, in kala fogaansho iyo danaysi ay dhaawac u geystaan sumacadeena Maanta wuxuu ahaa wiil musaafir ah, berri wuxuu noqon karaa midkeenna anaga
Sidaa darteed, ha noqoto jaaliyaddeennu mid mar walba u furan gargaar, naxariis iyo walaaltinimo dhab ah.

Ugu dambayn, waxaan mahad gaar ah u dirayaa qof walba oo gacan, hadal, duco, dhaqaale ama waqti ku bixiyey gargaarkan. Ilaahay ha idinka abaalmariyo, hana idiinka dhigo kuwo qalbiyadoodu mar walba u furnaadaan walaalahooda.

Ilaahay ha caafiyo wiilkeennii dhaawacmay, hana u fududeeyo axwaa shiisa . Hana naga dhigo kuwo mar walba ku mideysan wanaag, naxariis iyo somalinimo aan marnaba dhiman
Gulesta walalayal somalinimadu ha waarto

Mahadsanidiin dhammaantiin,

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Mozambique

Ali Osman Rage

27/12/2025

Ogeysis ogeysis ogeysis,

Jaliyadda somalida Mozambique Waxa ee ku wargelineysa muwaadinkasta oo somalia ah oo ku nool dalkan Mozambique islamarkaana sugayay bassaport-ka somaliga in uu la xiriro numberkan

866533888, Mocalim Cukashe

Mahadsanidiin,

09/11/2025

Muddada la qorsheyay bixinta baasaborka somaliga oo ugu dambeyso malinta birrito 10/11/2025

Xubanaha ka socda waaxda socdaalka ee dowladda somalia oo malmahan ku sugnaa dalkan Mozambique gaar ahaan magalada nampula aya sheegay in malinta birrito ah ee u shaqeyn doonan bulshada somalida ee sadexdi malin aynu so dhaafnay aan ka faaiideysan qaadashada baasaborka somaliga

Ganacsato Somali ah oo ku sugan gobbalada dalkan Mozambique aya codsaday in waqtiga loogu darro madama aysan degeneyn magalada nampula islamarkaana in ee yimaadan ee u baahantahay labbo ilaa sadex maalin

Madaxda jaliyadda iyo xubnaha ka socda waaxda socdaalka somalia aya isku afgartay in maalmo loogu darro si ee dadka somalida uga faaiideystaan adeegga baasaborka somaliga

Adeegga bixinta baasaborka somaliga waxa uu billabanayaa 9hra barqanimo ilaa 17:30 xilliga salaadda maqrib

Kafaaiideysi wacan Mahadsanidiin

06/11/2025

Bixinta baasaborka somaliga ah oo ka billabanaya magalada nampula ee dalka Mozambique malinta jimcaha 07/11/2025

Xubno ka socda safaradda somalia ee konfur Africa gaar ahaan waaxda laanta socdaalka ee somalia aya manta oo khamiis ah soo gaaray magalada nampula si ee u fuliyeen codsigi kaso yeeray dadka somalida ee ku nool dalkan Mozambique

Shaqada bixinta baasaborka aya socon doonto muddo ku eg labba maalin iyado dhammaan dadka somalida ee ku nool gudaha magaladan iyo goballada ku dhaw lagu wargelinayo in ee ka faaiideystaan fursataan

Dumarka iyo darawalada kexeya gaadiidka aya Ahmiyad gaar ah la siin doona inta ee socoto adeegga bixinta baasaborka

Shuradaha qofka looga bahanyahay

1- hadi aad bassaport leheyd in aad keentid ama copy-gisa
2-labba sawir oo ah kuwa la saarro bassaport (tesaro)
3-lacagta adeegga lagugu qabanayo
4-8bil iyo wixi ka yar aya la cusbooneysiin karaa

Shaqada waxa lagu qabanaya xafiiska jaliyadda ee magalada nampula

Photos from Somali Community in Mozambique's post 21/10/2025

Jaliyadda somalida ee dalka Mozambique oo ka jawaabtay codsigi Gudomiyaha gobalkan nampula ee dalkan Mozambique,,

Gudomiyaha gobalkan nampula Eduardo Abdula aya dhawaan ugu baaqay jaaliyaddaha ajaanibta ah ee ku nool dalkan Mozambique in ee gurmad deg-deg ah la gaaraan dadka kaso barakay collaadaha ka jira gobalka Cabo Delgado

Madaxda jaliyadda somalida ee dalkan Mozambique aya shir deg deg ah isugu yimid si ee kaga jawaabaan codsiga Gudomiyaha gobalkan nampula waxa eyna go'aan ku gaareen in ee u gurmadaan dadka aan martida u nahay oo ee so barakiciyeen kooxaha arga-gixisada ee ka dagaallama gobalka Cabo Delgado ee woqoyiga Mozambique

Gurmadka aya isugu jirray raashinka nuucyadiisa kala duwan sida Bariis galey shiidan(soor)saliid sonkor iyo bacaha roobka laga gallo

Agaasimaha ganacsiga iyo warshadaha ee gobalkan nampula Jeraemias Sumaila muapaz aya kaga mahadceliyay jaliyadda somalida isaga oo sheegay in deeqdan ee tahay tii ugu ballaarneed oo ee kaso gaarta jaaliyaddaha ajaanib ah ee dalkan ku nool

Tan iyo sanadki 2017 gobalka Cabo Delgado ee woqoyiga dalkan Mozambique aya waxa ka jiro dagaal u dhexeeya dowladda dalkan iyo kooxo arga-gixisa ah taas oo dhalisay in ee ku naf waayaan 4,500 iyado ee ku barakaceen inkabadan 1million oo qof sido kale waxa ku bur buray goobo ganacsi oo lagu qiyaasay 4965

19/08/2025
Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadishu