Dhaay official

Dhaay official

Share

ku kal soonoow rabi

Photos from Dhaay official's post 21/11/2023

21/ NOV/ 2023 Manta waa maalintii loo asteeyay maalinta macalimiinta
Hampalyo dhamaan macalimiinta soomaaliyeed

Gaar ahaan macalimiinta sida gaarka aha wax ii soo baray waxaan leeyahay ilaah cimrigiina ha dheereeyo

Abaalkiina maba gudi karnee ilaah abaalkiina janno ka dhigo

23/08/2022

Fadlan ku soo biir pegkaan

23/08/2022

Nin doobnimo ku weynaaday baa la weydiiyay dumarka tee u jeceshahay?

Waxuu ku jawaabay ti aan necbahay ba ma jirto kk

Laakin hadii gabar guurka daahday la weydiiyo Ragga kee u jeceshahay

Waxeey ku jawaabeysaa Mid lacag leh Xitaa hadeey ayada lacag leedahay 😂

14/08/2022

Alloow awlaad wanaagsan nasii anakana waalid wanaagsan naga dhig

14/08/2022

Qoyska barwaaqeysan waa kan marwalibo taqwada alle is fara

18/03/2021

Hadii aad dooneeyso inaad noqoto qof dadka kale ka soocan oo mustaqbal fiican leh waxaa jiro qodobo eey tahay inaad raacdo si aad u noqoto qof dadka kale ka duwan oo mustaqbalkiisana ifaayo:
1.Dhoolacadeey xili walbo hadii aad faraxsantahay iyo hadii aad murugeeysantahay .
2.Iska iloow wixi h**e ee aad kasoo gudubtay sababtoo ah xasuusashada wixi h**e dib u dhac ayeey kugu keeni kartaa, hada si fiican u dadaal si mustaqbalkaada u noqdo mid qurxoon.
3.Ku cibro qaado khaladaadka dadka kale eey sameeyeen si aadan ugu dhicin khaladkaas oo aad isaga ilaaliso.
4.Dhageeyso wanaada dadka kale sababtoo ah qofka kuwaaninaya waxaa laga yaabaa inuu horay u soo maray qodobka uu kaa waaninaayo ama uu ogyahay dhibka ka imaanaya.
5.Ka faa’iideeyso fursadaha kusoo mara maxaa yeelay fursad hal mar kaliya ayeey kusoo mareeysaa.
6.Dadka kale haku deysan shakhsiyadaada isdhis.
7.Noqo Qof daacad ah lana saaxiib mabaadida kuu dagsan, naftaadana ku kalsoonaaw.
8.Marwalbo xiliga aad ku jirto xaaladeeda ku noolaaw haka fikirin bari iyo waxa dhacaya.
9.Iska cafi dadka dhibka kuu geeysta, hana ku saamoobin fikirada dadka kale, hadalka dadka kalana waxaad ka dhigataa jaran jar aad ku gaareeyso hadafkaada.
10.Dadka kale ula dhaqan qaab wanaagsan oo ixtiraam ku dheehanyahay Diinteena Islaamkana waa eey na fareeysaa dhaqanka wanaagsan.

13/03/2021

Ninka garan waayo shaqayso halloo guuriyo, ninkii guursan waayo isaga oo xamaashana gabar halloo doono isagaa is garan waayee

Dumarku waa sugayaal sahmiya nolosha saygii ku habboonaa.

Gabadhii la kari waayana halloo gurmado

07/03/2021

Jaceylka waqti u gaar ah malahan

02/03/2021

Markii waqti la joogaba waxaa habboon in lamaanaha ay soo hindisaan shay cusub si xirirka looga dhigo mid nool oo si wanaagsan u socoda, dhaqamada noocan ah ee marwalba cusbooneysiinta leh xiriirka waxey ka dhigaan mid ifaya xitaa haddii lamaanaha ay sanooyin badan wada joogaan ma kala caajisayaan.

Si hadaba xiriirka looga dhigo mid aad u wanaagsan oo aan laga caajiseyn, waxaan kuusoo gudbineynaa talooyin dhowr ah oo dhadhan cusub u yeelaya xiriirka lamaanaha si ay noloshooda ugu farxaan oo ay reyn reyn u dareemaan

La qeybso sheekooyinka qosolka leh
La qeybso sheekooyinka qosolka leh ee ka dhaca goobtaada shaqada, caado ahaan sheekooyinkaas oo kale waqti badan ma qaataan laakiin waxey xoojiyaan kalsoonida lamaanaha si ka badan sida aad filayso, isagana sidaada oo kale waa inuu sameeyaa, lamaanahaaga ula dhaqan inuu yahay saaxiibka kuugu wanaagsan ee aad leedahay, haka labo labeyn inaad la qeybsato ilbiriqsiyada qosolka leh waxwalba oo ka dhaca goobtaada shaqada.

Labo jeer ha fakarin marka xaalku uu khuseeyo farxadda Lamaaanahaaga.
Ha labo labeyn marka arrintu ay khusayso farxadda lamaanahaaga, waxaa waajib ah inuu dareenku yahay mid wadaag ah oo dadaalku aanuu hal-dhinac ku koobneyn, maxaa yeelay arrintaasi waxey xoojineysaa xiriirka lamaanahaan.

In lamaanahaaga aad waqti wada qaadataan kalgaceylka ayaa ku kordha xiriirkuna wuu ku adkaadaa.
Inaad waqti wanaagsan la qaadato lamaanahaaga, xitaa haddii ay daqiiqado tahay kadibna aad koob shaaha wada cabtaan idinkoo wada sheekeysanaya, arrintaasi wey isku kiin soo jiidaysaa xiriirkana wey sii adkeynaysaa, xiriirka lamaanahaaga ha ka dhigin darajada laabo, kadib saaxiibada daneyn xoog leh ha siin, si ka badan xiriirka, naftaada iyo noloshooda gaarka ah waqti ku fulan sii waxyaabaha muhiimadda gaarka ah u leh noloshooda khaaska ah.

Lamaanahaagu waa qeyb muhiim ah oo qoyskaaga ka mid ah waxaa habboon inaad ixtiraamto xeerka qoyska.
Waxaa habboon in lamaanahaagu uu qeyb muhiim ah ka noqdo qoyskaaga, ka shaqee isku xirka qoyskaaga , abaabul kulamo qoys ama in dalxiis la wada aado oo waqtiyo farxad leh la wada qaato.

Inaad barato saaxiibada, qaraabada lamaanahaaga waxey ka qeybqaadataa inaad si mug leh u fahamto.
Inaad barato qaraabada, saaxiibada lamaanahaaga oo aad xiriirso oo aad booqashada is dhaafsataan waxey kaa garabsiisaa inaad is fahamtaan dhinaca kale, xaalad wanaagsan oo kalgaceyl lehna wey abuurtaa.

Inaad lamaanahaaga u mahadceliso waxey xoojisaa xiriirka.
Ammaanta iyo mujaamaladu aad u soo jeediso lamaanahaaga, waxey dareensiisaa muhiimadda uu u leeyahay noloshaada, waxa uu dareemaa qadarin inaad u hayso, inaad had iyo jeer isku mahadcelisaan xiriirka ayay xoojisaa, waxeyna ka dhigtaa mid romantic ah.

Labiska cusub xiriirka diiranaan ayuu kusoo kordhiyaa
In la cusbooneysiiyo muuqaalka oo dhar cusub la xirto xiriirka diiranaan ayuu kusoo kordhiyaa, waxeyna muujineysaa daneynta aad lamaanahaaga u hayso, waqti ayaad ku wada qaadan kartaan goobta sportska lagu ciyaaro, si wadajir ah ayaad dhar u soo wada iibsan kartaan, waxaa muhiim ah inaad naftaada ku dadaasho oo aad soo jiidato lamaanahaaga, arrintaas oo iftiin kusii kordhineysa xiriirka.

28/02/2021

Nolol naxariis badaniyoo nimco weeye guurku”

Lamaanaha calafka isku yeeshey xiiseyntoodu kuma xerno da’aad/kala sareyn hadbo waa kasbashiyoo dadaal qoto-dheer.

Tusaale: qofnimadaadu hadaad soo qaado mir oo aad ku abuurto dhulka waxa aad filaneysaa mirta geedkaasi in ay ku soo baxdo, si kale hadaan u micneeyo inta badan waqtigaagu in aad ku bixisaa lamanahaagu waxa ay ka dhigan tahay in lagu tabi goorta aad maqan tahay.

Sidoo kale nolosha lamaanaha waa u aas aas in ay isku xiisaan, waayo waxa aad eheedeyn labo ka kala yimid reero kuwaa oo ku midoobey nolol, wada jirkiinuna waxa uu ka qiimo badan yahay bulsho ku libisan dahab kuna hoydaan guri dheeman ka sameysan.

Miro dhalka xiisihiinu sida aad ugu fa’iideysaan waxa ka daran tusaalaha wanaagsan aad bulshadu u horkaceysaan.

Hubaashii ninka ay dadku ka wada cabsadaan xaga iyo xaaskiisu hadaan u weecano waa mid u jilcan sidoo kale gabadha dadku u arkaan in ay tahay mid kibir badan xaga iyo seygeeda waa mid hadiyo jeer ku dhaqanto waxa uu u horkaco.

Xiisihiinu waxa uu doorweyn ka qaadanaayaa ubadkiinu in uu ku barbaaro ka warqabid sidoo kale in uu niiga dhaxlo dhaqan wanaagsan uu beri ku sameynsan karo nolol.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Jeddah?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Jeddah
22233