Shalay Maanta Ku Ilow

Shalay Maanta Ku Ilow

Share

Soomali Suni Ah SINNAAN IYO SAMATA BIXIN

07/06/2026

Xariifkaan waa 27 jir u dhashay Mareykanka, asigoo dhalinyar ayay timihii ka bideen bidaar weyna gashay, halkii uu murugoon lahaa madaxiisii banaanaa wuxuuba u badalay boor kiro ah oo ay shirkadaha ganacsiga ku xayaysiistaan ganacsigooda.

Madaxiisa ayuuna ku sawiraa astaanta shirkada uu ganacsigeeda xayaysiinaayo kadibna wuxuu kudhex wareegaa magaalada, arrintaas ayaana dad badan soo jiidatay asigoona haatan maalin walba xayaysiintaas ku qaato $320, lacagtaasoo bishii noqoneyso $9,600.

Waxa kaliya ee uu sameeyo ayaana ah in astaanta shirkada ganacsiga uu madaxiisa ku buufiyo kadibna mudo 6 saacadood ah uu kudhex wareego wadooyinka laamiga iyo suuqyada si loo badiyo dadka xayaysiinta arkaayo.

12/05/2026
12/05/2026

SHALAY MAANTA KU ILOW

21/04/2026
04/01/2026

Baaritaanka indhaha: Waa maxay lambarka maqan?

01/01/2026

Soomaaliya Maanta: Dehumanising and Shaming (2025)

Sanadkan 2025, Soomaaliya waxay ku sagootisay ceeb, kala qaybsanaan, iyo xaqiiqooyin muddo dheer la qarinayay oo maanta banaanka u soo baxay. Dunida si cad ayay u aragtay halka aan mareyno, wixii hoos ahaan noo qarsoona maanta waa fagaare iyo iftiin.

Meel kasta oo aad gasho, warbaahin, baraha bulshada, ama fagaarayaal caalami ah, waxaad arkaysaa weerar ama warar si toos ah ama dadban uga dhan ah Soomaaliya, dadkeeda iyo dalkeeda. Si ula kac ah ayaa naloo soo bandhigayaa sawir ah dal fashilmay iyo dad laga qaaday qiimihii bini aadannimo. Tani ma aha wax iska yimid ee waa ceebeyn joogto ah oo lagu beegsanayo qaran dhan.

Waxaa dalka lagu soo qaaday weerar siyaasadeed oo si qorsheysan loo diyaariyay, kana bilowday dibadda kuna dhammaaday dalkeenna Soomaaliya. Weerarkan wuxuu salka ku hayay kala qaybin, jahawareer, iyo daciifin qaranimo. Ma ahayn wax kadis ah, waa qorshe muddo dheer la soo waday.

Dehumanising waa fal aad u khatar ah. Waa wax aad u xun oo lagu sunto wadan dhan ama dad dhan. Waa marxaladda ugu dambeysa ee qof ama qaran la mariyo marka la doonayo burburkiisa. Marka dal ama dad la sunto bini aadannimadooda, waxaa fududaata in lagu sameeyo wax walba, kala qaybin, liidid, faragelin, iyo burbur, iyada oo aan damiir laga dareemin. Taasi waa waxa maanta lagu sameynayo Soomaaliya.

Dal dhan iyo dad dhan ayaa laga dhigay sheeko lagu ciyaaro, cinwaan lagu bahdilo, iyo sawir la buunbuuniyo, si ay u sahlanaato in la kala qaybiyo loona daciifiyo.

Waxa ugu murugada badan ayaa ah in Soomaalidii wali u kala qaybsan yihiin qabiil iyo maamul goboleedyo, mid walbana wata calan u gaar ah, halka calankii qaran uu noqday mid la iska illoobo. Dal iyo dibadba, kala qaybsanaantaas ayaa naga hor istaagtay in aan u istaagno hal cod, hal mowqif, iyo hal mustaqbal.

Waxa looga gudbi karo xaaladdan waa wadajir dhab ah iyo wada hadal furan oo cid walba lala yeesho, iyada oo aan la cidlayn ama la takoorin qof iyo koox toona. Tan ugu weynna waa in la abuuro wadaniyad dhab ah oo ka sarreysa qabiil, deegaan, iyo dano gaar ah, isla markaana si wadajir ah loola dagaalamo qabiilka.

Qabiil haddii uu wax tari lahaa ama wax lagu noqon lahaa, meesha aan maanta joogno ayaa tusaale qof walba ugu filan. Soddon iyo afar sano oo qabiil la isku hallaynayay waxba ma dhisin, waxna ma badbaadin, ee waxay ina keentay kala jab, liidasho, iyo qaran burbur.

Haddii aynaan maanta is toosin, aynaan garan ciddii ina kala qaybinaysa iyo cidda ka faaidaysanaysa kala jabkeenna, berri wuu ka sii xumaan doonaa.

Qaran laguma dhiso qabiil
Qaran laguma badbaadiyo aamusnaan
Qaran wuxuu ku dhisan yahay midnimo, wacyi, iyo masuuliyad wadajir ah

2025 ha noqoto sanadkii aan diidnay in nala sunto, kuna go aansannay in aan dib u soo ceshanno sharafta, aqoonsiga, iyo jiritaanka
dalkeenna Soomaaliya

26/09/2025

Intaan oo ah musharax Madaxweyne yaa ugu mudan in uu Somaliya Hoggaansho soo sheeg kii aad Somaliya madaxweyne uga dhigan laheyd.🇸🇴👇

24/09/2025

Tirada Bisadaha Aad Aragto Ayaa Go'aamisa Da'daada Maskaxeed

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Khamis Mushait?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Khamis Mushait

Opening Hours

Monday 12am - 11:59pm
Tuesday 12am - 11:59pm
Wednesday 12am - 11:59pm
Thursday 12am - 11:59pm
Friday 12am - 11:59pm
Saturday 12am - 11:59pm
Sunday 12am - 11:59pm