Hambalyo UEFA aya ku dhawaqday in Garaoore Cumar Artan qaban Doono finalka PSG vs Aston Villa
Yasin Mohamed
Ku soo dhawoow pagekaan oo aad kala socon doonto wararka kubadda cagta
18/05/2026
𝗗𝗘𝗚 𝗗𝗘𝗚 : Pep Guardiola ayaa ka tagi doona Manchester City dhamaadka xilli ciyaareedkan. 🚨
25/10/2025
Sidee ayaad nooga filan kartaa inaan guuleysano marka ciyaartoydeennu ay ka baqayaan shinnida.
Waa magaca lagu naaneeso kooxda Brenford 🐝😆
23/09/2025
Ballon d’Or waa guul, laakiin saaxiibtinimada runta ahi waa abaalmarin aan dhammaaneyn.
Intii ay socotay khudbadda Ousmane Dembélé ee uu jeedinayay ka dib guushii taariikhiga ahayd ee Ballon d’Or, kaamirooyinka ayaa qabtay muuqaal si qoto dheer u taabtay qalbiyada dad badan:
wiil dhalinyaro ah oo ilmeynaya.
Wiilkaasi waa Moustapha Diatta – saaxiibkii carruurnimada ee Ousmane, kaas oo ay isla soo wada mareen dhammaan heerarka da’yarta Faransiiska.
Inkasta oo Moustapha uusan waligiis noqonin ciyaaryahan xirfadle, hal shay ayaa mar kasta la hubaa: wuxuu si buuxda u rumaysnaa saaxiibkiis.
Taasi waa sababta xalay uu Ousmane u hibeeyay abaalmarintaas qiimaha badan isaga oo hadalkiisa ku daray:
“Moustapha, waxaan isla joogney tan iyo 4 ama 5 jir. Had iyo jeer wuu ila joogay, wuu i taageeray, wuxuuna ii sheegay inaan maalin uun noqon doono kan ugu fiican adduunka. Anagana had iyo jeer waan wada jiri doonnaa.”
Waxaa muuqata in guusha dhabta ahi aysan ahayn oo keliya abaalmarin la qaato, balse ay tahay in saaxiibtinimada runta ahi ay la socoto ilaa dhammaadka. ❤️🤝🏿✨
15/09/2025
Ciyaaryahankii h**e ee Fiorentina Roberto Baggio ayaa ku riixaya kursiga curyaanka saaxiibkiisii h**e Stefano Borgonovo ka hor ciyaar samafal aheyd oo dhex martay kooxaha Fiorentina iyo AC Milan 2008dii.
🗣️Roberto Baggio ayaa yiri: "Saaxiib ahaan tani waa waxa ugu yar ee aan u qaban karo walaal, qofna ma garanayo berri, Stefano wuxuu shalay ciyaarayay kubbadda cagta laakiin maanta xaalkiisa waa sidan, isagoo saaran kursiga curyaamiinta anigu weli waan xoog badanahay hadda waan riixi karaa, laakiin berrito waxaan u baahanaan qof kale qof sidoo kale igu riixo. Noloshu waa wax aan la saadaalin karin, taas waa sababta aan u noqono kuwo ku fiican.
04/09/2025
Djed Spence ayaa lagu wadaa inuu noqdo ciyaaryahankii ugu h**eeyay ee Muslim ah oo u ciyaara Xulka England. Ku dhawaad 3.9 milyan oo muslimiin ah ayaa ku nool England iyo Wales lkn bulshada Muslimiinta waxa aay ka yihiin 6.5 boqolkiiba.
27/08/2025
🚨 Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay Eberechi Eze inuu taleefoon kula soo xiriiray Khamiistii ka hor inta uusan dhameystirin heshiiska uu Spurs ugu biiri lahaa isagoo weydiiyay hal mar oo ugu dambeysay hadii ay jirto fursad ay Arsenal ugu biiri karo.
Arteta ayaana codsigan la wadaagay guddiga sare ee Arsenal ka dibna ku dhaqaaqay saxiixa Eze .
(Xigasho: The Athletic FC)
26/08/2025
Tottenham oo rabtay Nørgaard – Arsenal ayaa si lama filaan ah u ula wareegtay Nørgaard.
Bartilmaameedka Spurs Eze – Arsenal ayaa si degdeg ah ula wareegtay.
Tottenham ayaa isha ku haysa Hincapié – Arsenal ayaa hada heshiiska shaqsiga ah la gaartay
Tottenham oo ku guuleysatay Europa League
🗣️Arsenal: "Maya waxaas oo kale koob uma naqaano
Arsenal wax walba wey ka koobiyeysaa Spurs… marka laga reebo koobab ku guuleysiga.
Klicka här för att få din sponsrade notering.
Plats
Typ
Webbplats
Adress
Jönköping