29/07/2026
La jawaab hal xiraalahan adoo aan Google isticmaalin.
Laacibka wuxuu usoo ciyaaray.
Napoli
PSG
Man United
Benfica
Boka Juniors.
Kusoo dhawaaw hoyga Ciyaaraha kubada cagta Welcome to **Waaya-arag** – the ultimate community for all Manchester United supporters!
This is *your* space to celebrate the rich history, iconic moments, and future dreams of our beloved Red Devils. From thrilling matchdays and unforgettable goals to team news, transfer updates, and fan discussions – we’ve got it all. Whether you’ve cheered for Manchester United since the days of Sir Alex Ferguson or are a newer fan joining the journey, here at **United We Stand Fans**, we stand to
29/07/2026
La jawaab hal xiraalahan adoo aan Google isticmaalin.
Laacibka wuxuu usoo ciyaaray.
Napoli
PSG
Man United
Benfica
Boka Juniors.
29/07/2026
🚨 WAR DEGDEG AH: REAL MADRID OO LA XARIIRTAY MAN CITY SI EEY U HELLAN RODRI, ISAGOON ANSAXIN PEREZ! 💣
Madaxweynaha ayaa beddelay go'aankiisii, wuxuuna siiyay nalka berreenaad (ogolaansho) in xiriir rasmi ah oo dhexmara labada naadi uu bilaawdo ka dib markii uu la xariiray wakiilladiisa.
Rodri wuxuu RABAA/KU RIYOONAYAA Real Madrid, wuxuuna ku rixayay muddo dheer,iyadoo haatan heshiiska uu ku jiro gacanta labada naadi mar haddii wada-hadalladu ay xigi doonaan.
Real Madrid waxay u muujisay Man City inay diyaargarow u tahay inay bixiso KA BADAN €50M si uu Rodri hadda ugu soo liiko – City ayaa laga yaabaa inay so qaaddo codsi ka sii sareeya.
Manchester City wali jawaab ma soo siinin - maadaama ay ku rajo weyn yihiin in naadiyo kale ay ku soo liikaan tartanka, laakiin Rodri wuxuu mudnaanta kowaad siinayaa Real Madrid.
HESHISKA WAA SOO WADAA. ⚪️🔥
29/07/2026
🚨 Suuqa Kala Iibsiga EPL – 29/07/2026
🔥 Chelsea ayaa la sheegay inay heshiis la gaartay weeraryahanka khibradda leh Danny Welbeck, iyadoo uu u harsan yahay oo keliya baaritaanka caafimaadka.
🔴 Arsenal waxay sii wadaa raadinta daafac cusub, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in kooxda ay bartilmaameedsanayso xiddig ka ciyaara Serie A.
🔴 Manchester United, 🔵 Manchester City, iyo 🔴 Liverpool ayaa wali si firfircoon uga shaqeynaya saxiixyo cusub, iyadoo wada-hadallo iyo xanta suuqu ay socdaan maalmaha ugu dambeeya ee toddobaadkan.
👀 Su'aal: Kooxdee ayaad u malaynaysaa inay samayn doonto saxiixa ugu weyn xagaagan?
29/07/2026
Wadammada Yurub oo ku hanjabay inay qaadacaan Koobka Adduunka
Ururka kubadda cagta Yurub ee UEFA iyo waddammada xubnaha ka ah ayaa ka shaqeynaya Qorshe ay ku qaadacayaan kaparticipate-ka Koobka Adduunka ee soo socda. Hanjabaaddan ayaa ka dhalatay ka dib markii uu soo baxay war sheegaya in maamulka FIFA, uu ka go'an yahay inuu saamiyo ama qeybo ka mid ah tartanka Koobka Adduunka ka iibiyo maalgashadayaal gaar loo leeyahay.
Hoggaamiyeyaasha kubadda cagta Yurub ayaa raba in tartanka loo dhowro sida uu yahay, iyagoo ka xun in ganacsi cusub lagu soo daro. Haddii ay waddammada waaweyn ee Yurub tixgeliyaan go'aankan oo ay ka baaqdaan, waxay saameyn baaxad leh ku yeelan doontaa tayada iyo xiisaha Koobka Adduunka.
29/07/2026
Tababarayaashan cusub maxay ka beddeli karaan xulalkooda?
🚨 Mancini – Italy 🇮🇹 Mancini waa tababare yaqaan sida loo dhiso koox isku duuban oo difaac adag leh. Haddii uu dib ugu soo laabto Talyaaniga, waxaa laga filayaa inuu dib u soo nooleeyo sumcaddii Azzurri, isla markaana kooxda u horseedo inay si joogto ah ugu tartanto koobabka waaweyn.
🇫🇷 Zidane – France Zidane wuxuu caan ku yahay maareynta ciyaartoyda waaweyn iyo guuleysiga kulamada culus. Haddii uu qabto France, taageerayaashu waxay filayaan kubbad deggan, koox mideysan, iyo inay mar kale noqdaan musharraxa koowaad ee koob kasta.
🇩🇪 Klopp – Germany Klopp wuxuu la yimaadaa tamar, cadaadis sare (high pressing), iyo kubbad weerar ah. Germany waxay ka filaysaa inuu dib u soo celiyo ruuxdii guusha, isla markaana ka dhigo xul awood u leh inay ku tartanto Koobka Adduunka iyo Euro.
🔥 Su'aasha ugu weyn: Saddexdan tababare kee ayaad u aragtaa inuu saameynta ugu weyn ku yeelan doono xulkiisa?
26/07/2026
Mentalatiga Rogers iyo Santos
Waxaan la yaabay markaan aqriyay hadalladoodii ugu horreeyay ka dib markii ay ku kala biireen Chelsea iyo Man United.
Rogers wuxuu yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan ku biiro kooxda ugu weyn London.”
Santos wuxuu asna sheegay: “Waxaan ku faraxsanahay inaan ku biiro kooxda ugu weyn dunida.”
Rogers Maankiisu wuxuu ku kooban yahay heer magaalo (Local mentality). Wuxuu kooxdiisa u arkaa tan ugu fiican xaafada ama magaalada oo kaliya.
Santos Maankiisu wuxuu ka baxsan yahay xuduudaha magaalada, wuxuuna hiigsanayaa heer duni (Global mentality).
Haddaba marka aad eegto habka ay u kala fikiraan, waxa kuusoo baxaya farqiga u dhexeeya labada kooxood. Ninkii ku biira Manchester United wuxuu maankiisu isla markiiba garanayaa inuu joogo halka ugu sarreysa ee dunida, halka ninka Chelsea ku biiraa uu wali ka baxsan la’yahay tartanka dhex marayay kooxaha London!
26/07/2026
🚨 WAR DEGDEG AH: Waxaa lagu soo waramayaa inay PSG aad u veresatay ka dib markii Real Madrid ay ka afduubatay saxiixa Yan Diomandé.
Kooxda horyaalka Faransiiska ayaa rumeysneyd inay heshiiska maamuleysay ka dib markii ay shuruudaha shakhsiga ah la gaareen ciyaaryahanka toddobaadyo ka hor.
Jawaab ahaan, PSG ayaa hadda ku soo biirtay tartanka loogu jiro Rodri si ay u adkayso qorshayaasha Real Madrid, isla markaana ay kor u qaaddo qiimaha heshiis kasta.
26/07/2026
Kulankii Ugu Horreeyay ee Adkaa ee Taha Ali
Ciyaaryahanka baalka ee reer Sweden, Taha Ali, ayaa la kulmay kulankiisii ugu horreeyay oo adag kadib markii uu ka soo wareegay kooxda Malmö FF kuna biiray kooxda ka dhisan Giriigga ee PAOK.
Taha Ali ayaa safka ku soo bilaawday kulankiisii ugu horreeyay ee rasmiga ahaa ee isreebreebka Europa League oo ay kooxdiisa PAOK la ciyaareysay Dynamo Kyiv.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaarta ayaa u socotay oo kaliya 14 daqiiqo markii uu garoonka ka baxay, sababo la xiriira dhaawac gacanta ka soo gaaray. Waxaana booskiisa lagu beddelay ciyaaryahanka reer Brazil ee Taison.
Ugu dambayntii, PAOK ayaa kulanka ku badisay 3-2. Tababaraha kooxda ayaa sheegay inay sugayaan baaritaanno caafimaad si loo xaqiijiyo heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca Taha Ali iyo inta uu garoomada ka maqnaan doono.
25/07/2026
Goolkii cajiibka ahaa ee Zirkzee!
25/07/2026
🚨 XAMAASADDA AFCON 2025 OO SII SOCOTA.
Maxkamadda Garsoorka Ciyaaraha ee (CAS) ayaa si rasmi ah u mudaysay 8-da Oktoobar in ay dhagaysato dacwadda si ay u go'aamiso horyaalka dhabta ah!
Ka dib markii CAF ay koobka u siisay Morocco iyada oo sheegtay in Senegal ay ka baxday ciyaartii ugu dambaysay (Final-ka), Senegal ayaa dacwadda u gudbisay maxkamadda ugu sarreysa ee ciyaaraha world-ka. Dhammaan dhinacyada ayaa ugu dambayn la dhagaysan doonaa deyrtan (Dayrtan soo socota). 🏆
maxay kula tahay in maxkamadda CAS ay ka go'aamin doonto arrintan?
Yaa runtii mudan in uu koobka la hoydo? Aragtidaada hoos ku qor! 👇