13/03/2026
Cambaareyn ka dhan ah Anfac media iyo wixii galabta ka sameysey garoonka tayo stadium
Annaga oo ah xafada wadajir ka qeyb galeysay tartanka kubadda cagta ee uu baahiyay telefishinka, anfac waxaan si adag u cambaareyneynaa caddaalad darrada iyo eexda lagu sameeyay intii uu socday tartanku.
Waxaa nasiib darro ah in mid ka mid ah kooxihii ciyaarayay loo muujiyay eex cad, taas oo sababtay in kooxdeena laga saaro tartanka si aan cadaalad ahayn. Tani waxay dhaawaceysaa kalsoonida ciyaartoyda, taageerayaasha, iyo guud ahaan hufnaanta tartanka.
Kubadda cagta waa inay ku dhisnaataa cadaalad, hufnaan iyo tartan siman, balse wixii dhacay waxay muujinayaan in qiyamkaas aan la ilaalin.
Sidaas darteed, waxaan ka codsaneynaa maamulka tartanka iyo telefishinka baahiyay inay si degdeg ah u baaritaan ugu sameeyaan arrintan, isla markaana la hubiyo in mustaqbalka aysan mar kale dhicin eex noocan oo kale ah.
Sidoo kale waxaan ka wadajir ahaan go,aan ku gaarney inaan dib dambe tartan Anfac media wadato Aanan ka qeyb galin
Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelineynaa taageerayaasheenna sida ay noo garab istaageen, waxaana rajeyneynaa in cadaalad dhab ah la helo.
β Maamulka iyo ciyaartoyda Kooxda waad umahdsantihiin sida aad umatasheen degmada wadajirπͺ
03/12/2025
27/11/2025
19/01/2025
17/01/2025
12/01/2025
11/01/2025
11/01/2025
09/01/2025