15/05/2026
💙🤍 Congratulations 🎊
Maamulka, macallimiinta, ciyaartoyda iyo dhammaan bahda kooxda BCC waxay hambalyo iyo duco u dirayaan ciyaaryahankeena qaaliga ah Abdulahi Ibraahim Aadan iyo marwadiisa Seynab Sheekh Maxamed munaasabadda arooskooda. 💍✨
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu idinka dhigo lammaane ku wada noolaada jacayl, isfaham, farxad iyo kheyr joogto ah.
Guurkiinna guur kheyr qaba ha noqdo. 🤲❤️
Hambalyo Hambalyo 💐
BCC Family
09/05/2026
⚽🏆 Cayaaryahanka Ku Guuleystey Gool-dhalinta SWS Super League 2025/26 🏆⚽
Maamulka iyo taageerayaasha Kooxda BCC waxay hambalyo weyn u dirayaan xidigga kooxda:
🌟 Adam Isack Abdi (Aadan Gool) 🌟
Oo ku guuleystey abaalmarinta Gool-dhaliyaha ugu badan ee SWS Super League 2025/26 kadib bandhig ciyaareed cajiib ah iyo goolal badan oo uu kooxda ku hoggaamiyey.
Waa guul sharaf u ah kooxda BCC iyo dhammaan taageerayaasha kubadda cagta Koonfur Galbeed. Waxaan kuu rajeyneynaa horumar iyo guulo ka sii waaweyn mustaqbalka. 💙⚽
06/05/2026
TACSI TIIRAANYO LEH
Maamulka, macallimiinta, iyo dhammaan ciyaartoyda Kooxda BCC waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelka, iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abdi Somalia, oo ahaa tababarihii h**e ee Kooxda BCC.
Geerida marxuumka waa mid naxdin leh oo murugo weyn ku reebtay dhammaan bahda ciyaaraha, gaar ahaan Kooxda BCC oo uu door weyn ka soo qaatay horumarkeeda iyo dhisiddeeda.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
05/05/2026
Kulanka Maanta
FC BCC vs FC X.Busey
Southwest State Super League
28/04/2026
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoyska, ehelka, iyo dhammaan taageerayaasha kooxda BCC geeridii naxdinta lahayd ee ku timid tababarihii h**e ee kooxda BCC oo maanta lagu dilay magaalada Baydhabo.
Marxuumku wuxuu ahaa halyey kaalin weyn ka qaatay horumarinta ciyaaraha iyo kobcinta dhalinyarada, gaar ahaan kooxda BCC. Geeridiisu waa khasaare weyn oo soo gaaray bulshada iyo bahda ciyaaraha.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaan ka siiyo qoyskii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
Aamiin.
28/04/2026
🔥 MATCH DAY 🔥
⚽ BCC (Baidoa City Club)
🆚
⚽ Xidigaha Busley
📅 Date: 28-04-2026
⏰ Time: 3:30 PM
📍 Venue: Dr. Ayub Stadium
21/04/2026
Congratulations Baaysom Football Club on winning the Southwest Super League Cup!
21/04/2026
Kulanka Maanta
FC Baidoa City Club BCC vs BBG
Southwest State Super League
Baidoa city clup fans