Aljaziira Team

Aljaziira Team

Share

Waxaan idin kugu soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay ee Aljaziira Team

Photos from Aljaziira Team's post 21/05/2025

Al-Jaziira oo markale guul ka gaartay Gantaalaha ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Baladweyne

Waxaa mar labaad maanta garoonka hawlwadag ee magaalada Baladweyne ku kulmay kooxaha Al-Jaziira iyo Gantaalaha, iyadoo ciyaartan ay ahayd mid xamaasad gaar ah leh. Al-Jaziira ayaa mar kale kusoo bandhigtay ciyaar qurux badan iyo bandhig heer sare ah, taasoo u suurta gelisay in ay guul ka gaarto Gantaalaha.

Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 1-0 ay guusha ku raacday Al-Jaziira, iyadoo goolka lagu kala badiyay uu yimid qeybta dambe ee ciyaarta. Al-Jaziira ayaa ciyaartoydeeda iyo taageerayaasheeduba wada muujiyeen farxad iyo raynrayn kadib markii ay guushaas gaareen.

Kooxda Al-Jaziira ayaa markan xaqiijisay awooddeeda tartanka, waxayna si toos ah ugu gudubtay wareegyada xiga iyadoo ay taageerayaashu si weyn u ammaaneen ciyaartoyda dadaalka badan muujiyay.

08/05/2025

Biritoola waxaa la ciyaari doonaa tartanka k**a dambeyta ah ee u dhexeeya Al Jaziira iyo Dhagax Jibis.

Finalka waxaa lagu soo gabagabeyn doonaa Biritoola, tartan ay kasoo qeyb galeen 30nadi

Ciyaartu waxay ka dhici doontaa garoonka Isbunyada ee magaalada Baladweyne, xaafadda Kooshin, sacadda 4:00 galabnimo.

Photos from Aljaziira Team's post 03/05/2025

Final♥️🙏

03/05/2025

Aljaziira oo si qurux badan ugu gudubtay Finalka!

Maanta waxaa garoonka Karonka Koshin ee ku yaalla xaafadda Lanta Ispunyada ka dhacay kulan xiiso iyo xamaasad leh oo dhexmaray kooxaha Aljaziira iyo Risasta.
Ciyaarta oo aad loo wada sugayey ayaa ku dhammaatay 2_0 oo ay guusha ku raacday kooxda Aljaziira.

Goolasha quruxda badan ee ay dhalisay Aljaziira ayaa si cad u muujiyay kartida iyo diyaargarowgooda. Inkastoo Risasta ay si geesinimo leh u dagaallantay, haddana Aljaziira ayaa ahayd kooxda muuqata dhammaan qeybaha ciyaarta.

Guushan muhiimka ah ayaa ka dhigtay Aljaziira inay si rasmi ah ugu gudubto finalka tartanka, iyaga oo u hanqal taagaya hanashada koobka.

Garoonka: Karonka Koshin, Xaafadda Lanta Ispunyada
Natiijada: Aljaziira 2_0 Risasta
Tartanka: Isreeb-reebka Finalka

Waa la wada sugayaa kulanka k**a dambaysta ah ee ay Aljaziira ugu dagaallami doonto hanashada horyaalka!

Photos from Aljaziira Team's post 10/04/2025

Ciyaar Xamaasad Leh oo Barbaro kusoo idlaatay Aljaziira Vs Kantalaha

Baladweyne – Ciyaar xiiso iyo xamaasad leh ayaa galabta ka dhacday garoonka Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, taasoo qeyb ka ah tartanka ka socda magaalada. Kooxaha Aljaziira iyo Kantalaha ayaa foodda is daray ciyaar ay labada dhinacba muujiyeen dadaal, xirfad iyo dagaal dhanka kubadda ah.

Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay barbaro 1-1 ah, iyadoo labada kooxood ay muujiyeen heer ciyaareed sarreeya, taasoo dhalisay in taageerayaashu si weyn u xiiseeyaan ciyaarta ilaa daqiiqaddii ugu dambeysay.

Goolasha waxaa la dhaliyay qeybtii h**e iyo qeybtii dambe, iyadoo kooxda Aljaziira ay hoggaanka qabatay qeybta h**e, halka Kantalaha ay barbaraha keentay qeybta labaad.

Tartanka ayaa ah mid si weyn loogu diyaar garoobay, wuxuuna qeyb weyn ka qaadanayaa kobcinta isdhexgalka bulshada iyo dhiirrigelinta ciyaaraha dhalinyarada ee gobolka.

17/12/2024

FULL TIME

15/12/2024

MACH DAY

Photos from Aljaziira Team's post 12/12/2024

New clour
#2024

12/12/2024

Full time✅

Photos from Aljaziira Team's post 12/12/2024

Full time aljaziira team ayaa uso baxday wareega xiga tartanka xafda bundawayn

28/07/2024

MACH DAY🔥⚽

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Beledweyne?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Beledweyne