Ururka Kubada Cagta Gobalka Hiiraan-Hirshabelle

Ururka Kubada Cagta Gobalka Hiiraan-Hirshabelle

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ururka Kubada Cagta Gobalka Hiiraan-Hirshabelle, Sports, Cajiin Street, Beledweyne.

Photos from Ururka Kubada Cagta Gobalka Hiiraan-Hirshabelle 's post 11/08/2025

🏆 Magalada Bacaad 🏆
Waxaa lagu soo xiray Tartanka Isdhexgalka Bulshada & Horumarinta Sports-ka 🎯⚽
Mahadnaq gaar ah dhammaan ka qeybgalayaasha, taageerayaasha & qaban-qaabiyeyaasha 💚🤝

Photos from Ururka Kubada Cagta Gobalka Hiiraan-Hirshabelle 's post 04/08/2025

Warbixin : Tartanka Kubadda Cagta ee Bacaad Ka Furmay

Bacaad, Hiiraan — Waxaa si rasmi ah maanta uga furmay magaalada Bacaad ee gobolka Hiiraan tartan kubadda cagta ah oo si heer sare ah loo agaasimay, kaasi oo ay daahfureen masuuliyiin sare oo ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta ee Hirshabelle iyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Hirshabelle.

Tartankan oo loogu magac daray "Tartanka Isdhexgalka Dhalinyarada Bacaad" ayaa waxaa ka qeyb galaya afar kooxood oo matalaya xaafadaha magaalada. Ujeedada ugu weyn ee tartanka ayaa ah dhiirrigelinta isdhexgalka bulshada, kobcinta kartida dhalinyarada iyo sare u qaadista isboortiga deegaanka.

Guddoomiyayaal ka tirsan xiriirka kubadda cagta iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday wasaaradda dhalinyarada ayaa madasha ka jeediyay khudbado dhiirigelin iyo hambalyo isugu jira. Waxay sheegeen in tartankan uu noqon doono mid lagu xoojiyo nabadda, midnimada bulshada, iyo kor u qaadista isdhexgalka dhalinyarada ku nool Bacaad iyo nawaaxigeeda.

“Tani waa bilow wanaagsan. Dhalinyarada waxa ay u baahan yihiin meel ay kartidooda ku muujistaan. Kubadda cagtu waxay noqotay dariiqa ugu habboon ee ay bulshada isugu timaado,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta daahfurka sameeyay.

Tartanka ayaa lagu wadaa inuu socdo muddo todobaadyo ah, waxaana la filayaa in uu soo jiito indhaha taageerayaasha ciyaaraha ee gobolka Hiiraan iyo guud ahaan maamulka Hirshabelle.

Photos from Ururka Kubada Cagta Gobalka Hiiraan-Hirshabelle 's post 04/08/2025

Warbixin Rasmi ah: Daahfurka Stadium Walaalaha M.M.M – Xaafadda Howlwadaag, Beledweyne

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa mar kale qaaday tallaabo horumarineed oo la taaban karo, kadib markii si rasmi ah loo daahfuray “Stadium Walaalaha M.M.M”, oo ah garoon kubadda cagta ah oo casri ah.

Garoonkan quruxda badan waxa si gaar ah looga hirgeliyay xaafadda Howlwadaag, waana meel muddo dheer u baahnayd goob cayaar iyo is-dhexgal bulshada ah. Maanta, riyadaas waxay u rumowday bulshada deegaanka iyadoo uu garoonkani noqon doono hoy muhiim ah oo ay dhalinyaradu ku horumariyaan ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta.

Waxaa si gaar ah loogu mahadcelinayaa ganacsatada mataanaha ah ee Fardowso iyo Cabdirisaaq, kuwaas oo si hagar la’aan ah uga qayb qaatay maalgashiga iyo hirgelinta garoonkan qiimaha badan. Dadaalkooda iyo kalsoonidooda ku aaddan horumarinta deegaanka ayaa tusaale u ah doorka ganacsatadu ku leeyihiin kobcinta bulshada.

Stadium Walaalaha M.M.M wuxuu kor u qaadi doonaa:
Tartamada kubadda cagta ee heer xaafadeed iyo heer naadiyo

Isdhexgalka bulshada iyo nabadda deegaanka.

Horumarinta dhalinyarada, isagoo siinaya fursado ay ku horumariyaan xirfadooda ciyaareed.

Furitaanka garoonkan waa mid muujinaya biseylka bulshada iyo ka go’naanta horumarinta ciyaaraha iyo wadajirka bulshada.

05/06/2025

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa bahda kubadda cagta ugu Hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa oo beri ku beegan.

“Dhamaan ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo aad joogtaan waxaan idinkugu hambalyeeyna ciida barakeysan ee ciidul Adxa”

“Maalmahan barakaysani waa ayaamo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna. Dhammaan Muslimiinta gudatey waajibaadka Xajka sannadkan waxaan Alle uga baryayaa inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan. Xajku waa tiir weyn oo kamid ah tiirarka ay ku taagan tahay diinteennu”ayuu yiri guddoomiye Cali Cabdi Maxamed.

waxaan bahda kubadda cagta u rajeynaa in ciidaan teeda kale ay ku gaaraan nabad, barwaaq, iyo guud ahaan horumarinta cayaaraha dalka.

CIID WANAAGSAN.

24/05/2025

اِنّا لِلّهِ وَاِنّا اِلَيْهِ رَاجِعُون
Allah u naxariista cawa waxaa bahda sports Gobalka hiiraan ka baxay halyey weyn oo ku dhawaad 30 sano ku jiray bahda ciyaaraha ,

Abdi fitaah adan qeyley oo lagaranaayo ( waaweyne )
Waxaa uu ahaa Garsoore siweyn looga garaanayo,
Sidol kale waxa uu soo noqday macallin ama coach,,

Waaweyne Allah u naxariistee waxa uu ahaa shaqsi siweyn isku xilqaamay oo soo abaabulay Tartama badan oo uu isaga isku xilqaamay,

Allah ha u naxiistee cawa Bahda Ciyaaraha Gobalaka waxaa ka baxay Halyey weyn

Aan u duceyno saxiibayaal

Photos from Ururka Kubada Cagta Gobalka Hiiraan-Hirshabelle 's post 21/05/2025

Garoowe: Tababar CAF License D ah oo Loo Furay Macallimiinta Kubadda Cagta Puntland

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (SFF) ayaa si rasmi ah uga daah-furay magaalada Garoowe tababar heer sare ah oo loogu talagalay macallimiinta kooxaha kubadda cagta ee Puntland, kaas oo qeyb ka ah horumarinta xirfadaha tababarayaasha dalka.

Munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa waxaa Goobjoog ahaa Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Puntland, ahna Xubin ka tirsan Guddiga Fulinta ee SFF, Mudane Maxamed Cali Ciire, iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Marwo Hodan Saciid.

Tababarkan CAF License D ah ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta si ay u tababaraan ciyaartoy tayo sare leh, isla markaana u horumariyaan nidaamka tababarka kooxaha heerarka kala duwan ee Puntland.

Macallimiin ka kala socda kooxaha Ka dhisan Puntland ayaa ka qeyb qaadanaya tababarkan oo socon doona muddo shan maalmood ah.

Inta lagu guda jiro tababarka, waxaa diiradda la saari doonaa aragtiyo casri ah iyo farsamooyin tababareed oo la jaan qaadaya heerarka tababarka ee caalamka.

Tababarkan wuxuu ka mid yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo kubadda cagta Soomaaliyeed, iyadoo la dhisayo awoodda macallimiinta si loo gaaro horumar waara.

Photos from Ururka Kubada Cagta Gobalka Hiiraan-Hirshabelle 's post 21/05/2025

Waxa manta la same yay qorya turka tartanka kubada cagta ah oo lo qabtay 22naadi ka dhisan Afarta xaafad dagmada baladwayn tartanka waxa so qaban qabi yay dhalanyarada jecel hormarka sports dagmada Baladweyne u jedka tartanka aya ah isdhaxgalka bulshada iyo hormarinta kubada cagta

Photos from Ururka Kubada Cagta Gobalka Hiiraan-Hirshabelle 's post 19/05/2025

shirweynaha ururka kubadda cagta hirshabeelle oo maanta lagu qabtay magaalada jowhar.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta Magaalada Jowhar ku qabatay shirweynaha kongareeska Ururka Kubadda Cagta Hirshabeelle.

Shirka waxaa ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabeelle Mudane Ilyaas Yuusuf dheere, Gudoomiyaha Ururka kubadda cagta Hirshabeelle Mudane yuusuf xaamud jaras, qaar kamid ah gudiga fulinta Ururka kubadda cagta Hirshabeelle, kooxaha ka dhisan gobolka Shabeellaha dhexe iyo odiyaasha ciyaaraha gobolka.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshayaasha hortabinta u leh uruurka, hanaanka lagu hormarin karo maamulka ururka iyo kor u qaadida xirfadda ciyaaryahanadda iyo horumarka guud ee kubadda cagta Hirshabeelle.

Photos from Ururka Kubada Cagta Gobalka Hiiraan-Hirshabelle 's post 19/05/2025

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa maanta Daahfuray garoon cusub oo loogu talagalay in lagu ciyaaro kubadda cagta xeebta (Beach Soccer).

Munaasabadda Daahfurka ayaa ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xiriirka.

Guddoomiyaha waxaa wehelinayay Guddoomiye ku-xigeennada Xiriirka, Mudane Axmed Faarax Taqal iyo Yuusuf Xuseen Muumin, iyo sidoo kale Xubin ka tirsan Guddiga Fulinta, Mudane Yaxye Maxamed Abuukar.

Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa si gaar ah ugu ammaanay dadaalka iyo juhdiga uu muujiyay Guddoomiyaha Beach Soccer-ka, Mudane Abshir Cabdi Abshir, iyo xoghayihiisa Mahad Maxamed Xaaji, kuwaas oo hormuud u ah horumarinta ciyaarta kubadda cagta xeebta ee dalka.

Daahfurkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah horumarinta kaabayaasha ciyaaraha dalka, gaar ahaan qeybta Beach Soccer-ka, taas oo fursad siin doonta dhalinyarada jecel cayaarahan in ay kusoo bandhigaan kartidooda.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Beledweyne?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Cajiin Street
Beledweyne
2526