27/12/2020
💝💝💝💝
Samiir Nasri
27/12/2020
💝💝💝💝
09/11/2020
Mudantii haweenkaay
marwadii la sheegee
dadku wada majiirtaay
dumar lama mid dhigayee
muxubada kal gacalkaa
laanyahay magooshee
midhihiyo caleentiyo
manka lagu talaalee
ubax lagu mariimee
qurux lagu manaystaay
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayee
muxibada kalgacalka
hadba soo mir kacayaa
Midhaha hadalku leeyey
ereygiisa ma huraan
waana loo mashxaradaa
midaa taaladeedaa
igu mayracaysaa
marti waa la sooraa
magan waa la bixiyaa
haw udhuran masuuge
maahmaahda sheegtayoo
dhibtan ha igu madinine
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylka
hadba soo mir kacayaa
Masalooyin dhawroo
mahadhooyideedaan
kuu marinayaaye
maqal waanadaydanoo
miisaan warkeygoo
caynkii xalaytoon
waaba midhiq ii odhan
madaxaanba duubtee
naftu way ku maagtayoo
kaa maar mi waydayee
mudo aan yaraynbaan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenada
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylkaa
FADLAN NAGU SOO BIR
HADAAD KA HESHAY PAGEKA
09/11/2020
Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii degan dhulkii hooyo
Nin dhergiyo nin dhowr qaday
Aan dheef hayn
Dhedig iyo laboodba
Hawli k**a dhamaatee
Qof walibaa wixii dhibay
Dhafoorkay ku taalaa
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Anba kuguma dhaafeen
Haday taadu dheelido eh
Maxaa dhacay dhankaagay
Ka jiiftaa dhaliishuye
Ma dhiirado nimaan garab
Wax lagula dhisaynine
Nafta dhool hilaaciyo
Dhibic baa u muuqdee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Jacaylkeediii dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacaye
Dhulkoo doog dhir iyo ubax
Dhamaan hadheeyeen
Dhawristeeda oo qudha
Ayaan dhawr ku qadayaa
Wali dhaban mid kula mida
K**a dhalanin adduunkee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Thanks
21/07/2020
Inaan hadlo maan sugaynin
Baxnaanana maan horjoogsan
Hubsiinana maan illaawin
Hoggeediyo xaajadayda
Dareenka haloosigiisa
Hugiisa inaan ka qaado
Hayaanka fogaaday baa leh
Markaan cidla hiil ka waayey
Naftayda halaanhalkeeda
Waxaan huri waayey sheego
Haantii lulatay dhegayso
Hoobaanta agtaada taalla
Hadiinadu baadi weeye
Hashii korisaa u ciillan
Jacaylkuu kal buu degaa
Kasheeda kaluu duraa
Wuxuu isu soo dabraa
Duul aan isku hayn ahayn
Quluubta darmuu dhigtaa
Labadan darajuu baxshaa:
Mid baa dugsi lagu unkaa
Raaxiyo farax lagu degaa
Ladnaan lagu diirsadaa
Awlaad lagu doogsadaa;
Mid baa dirri lagu dhacaa
Hankiyo nafta laga dumaa;
Dookhana calaf baa hagee
Hadaad guur dadabgashaba
Dulqaad iyo samir lahaw
Ninkeed dubatana ha noqon
Ayaan lagu odhan duryama
Ayaan lagu odhan dunsada
Ayaan lagu odhan dabshida
Ayaan lagu odhan dayaca
Ayaan lagu odhan dagdaga
Ahaw danaheed ku filan
Ahaw duca qaba asturan....Laabsaalax..
23/01/2019
Qofad qudhada ho tidho
Hubal qalbigaa siisey
Hadu calaf kaa qaado
Qanaacada niyaadiyo
Qalbigaaga ka reeboo
Qosoluun ka sabooti
05/01/2019
Aduun baa wax dhadine
Ama dibaaqa jilaal
Xilliyada is dhalan rogay
Dhibta kaa ilaashaa
Dhacarta iyo abaaraha
Kaa dhowray hadimoo
Dhita subag lo'adiyo
Ku cabsiiyay dhaydoo
Yey dhicin intaan lahaa
Gudan wayey teydoo
Dheel dheeli awgaa
Igu dhaafay maalmuhu
Igu dheerida ma dhul
Gaaxday baad tahay
Mana soo dhawaatide
Ma mid aad u dhalataa
02/01/2019
Raga socodku
Waa udoor haduu
Mowdku daaye
01/01/2019
qalbigaygu waa taam
qiiro maaha noloshuna
quluubtaydu waa sugan
qaxarakana k**a ba helo
qiimahaygu waa samo
qafkaan aad u jecelahay
uma quudho leeleel
quudhsi daaba hadalkii
qorshe weeye noloshuye
sir aan qariya baan jirin
taladiisa ma qawado
qaybtiisu waa mudan
waxaan uba qalmayn ruux
uma quudho aniguba
qabwaynaantu waa kibir
qaadirkaan ka magan galay
qawkaygu waanabad
qastigaygu waa guul
qasab maaha wahelkuna
qaf i jecel madaayaco
qof i jarayna maba sugo
Like and Shere
01/01/2019
😁LAAL JACAYLKA😂📞
Anaa xubigiyo jacaylka
Anaa xididada u siibay
Anaa xiisihiisa laalay
Anaa xayaatida ka booday
Anaa xiiqiisa diiday
Anaa xeerinaynin jeerna
Anaa xawliga ku dhaafay
Anaa xaalaynba waayaay
Anaa xidhiidhkisa doonayn
Anaa xadhkaha u go,yaay
Anaa xero laba dagaynin
Anaa xawdh adag ku jiiday
Anaa xoorkisa daadshay
Anaa xawdaba ka qaaday
Anaa xadantada ilaabay
Anaan xuufay ku doonayan
Anaan xaladaa jeclaysan
Anaa kababa xanaaqa
❤Like and Shere❤