03/03/2023
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY MAGAALADA KISMAAYO EE JUBBALAND
Kismaayo, Maarso 01, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in argagixisada Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.
17/09/2022
“Waxkasta oo gooni isu taaga iyo kala qaybinta Soomaaliya taageeraya waanu kasoo horjeednaa, annaga gooni isku taaga Somaliland ma ogolin “ madaxweyne Xasan Sheekh.
04/01/2022
MADAXWEYNE FARMAAJO OO TACSI U DIRAY XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA OO AABBIHII GEERIYOODEY
Muqdisho, Jannaayo 03, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyoodey Marxuum Maxamed Maxamuud Jaamac oo ahaa aabbaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Maxamed Maxamuud Jaamac uu ahaa shaqsi culimo ah oo cibaado iyo Alle ka cabsi badan lagu yaqaanney, waxa uuna si gaar ah tacsida iyo murugada geerida ula wadaagay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
"Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ubadka, qoyska iyo qaraabada, si gaar ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo aabbihii Marxuum Maxamed Maxamuud Jaamac uu ku geeriyoodey magaalada Muqdisho."
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.
03/01/2022
DEG DEG: Shirka madasha Wadatashiga Qaranka oo inuu fashilmo qarka u saaran.
Shirka ayaa qarka u saaran inuu burburo kaddib markii la ogaaday in Ra’iisul Wasaare Rooble uu wato agendayaal u gaara oo doorashada ka baxsan.
Qodobada Ra’iisul Wasaare Rooble wato.
1- In Amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Amniga doorashooyinka lagu wareejiyo.
2- In Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida ay isaga ka amar qaataan kaddib markii uu ku fashilmay 01/01/2022-ka qabashada Shirka Amniga Qaranka oo ay Saraakiishu diideen.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ku qanciyay inuu ku taageeri doono wax ka beddel lagu sameeyo heshiiskii 17-kii September gaar ahaan deeggaan doorashada balse sharuud uga dhigay fulinta qodobada uu wato ee labbada ah (2-qodob).
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qorsheynaya wax ka beddel lagu sameeyo habraacyadii doorashada ee 27-kii May oo awoodda doorashooyinka uu gacanta ugu galiyay Madaxda Dowlad Goboleedyada balse Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa diidaya.
Sidee u aragtaa fashilka Shirka ?
Xigasho> Haleel Media Inc
02/01/2022
DEG DEG: Beesha Caalamka oo digniin u dirtay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wasiirka Amniga.
Mareykanka ayaa Ra’iisul wasaare Rooble u sheegay in talaabada Wasiirka Amniga ku faragaliyay Sirdoonka Garoonka Adan Cadde International Airport ay walaac ka qabaan.
Safiiradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa khadka Teleefonka kula xiriirtay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wasiirka Amniga waxayna ka dalbatay caddeynta go'aanka Wasiirka Amniga ee la xiriira Ciidanka NISA ee ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde.
Sidoo kale waxay u sheegtay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu ku mashquulo kaliya dardargelinta hannaanka doorashooyinka dalka balse uusan ku mashquulin arrimo siyaasadeed.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo caddeynaya go'aankiisa ku aadan Hay'adda Sirdoonka Qaranka NISA ee Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde Airport ayaa yiri arrintaan waxay khusaysaa kaliya in isbeddel lagu sameeyo Ciidanka dharcadda.
Xigasho> Wargeyska Haleel Media Inc .