31/03/2026
Alxamdullilaah waxaa si nabad ah noogu soo dhammaaday koobkii aan ugu magac darnay walaalkeen Maxamed Cabdirisaaq Yaasiin Naaif Rabbi ha u naxariistee.
Waxaan si gaar ah ugu mahad celinaynaa dhammaan cid walbo ka qeyb qaadatay abaabula Koobka iyo hirgalintiisaba oo ay ugu horeeyaan maamulka Teamka iyo Maamulka Sportska Gobalka Bari.
Waxaan u wada hambalyeynaynaa Dhammaan Teams ka qeyb galay koobka kuwaas oo muujiyay Biseyl iyo isu tanaasul waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa Teamkii ku guuleysta Koobka.
Allaah baa mahad leh.
21/03/2026
Elman SC iyo safarkeenii Degmadda taariikhiga ah ee iskushuban.
Waxaan si mug weyn ugu mahad celinaynaa Teamka Farjano ee Degmadda iskushuban oo si maamuus leh noogu soo dhaweeyay Degmadda.
Ft: ELMAN SC 2 vs FARJANO 1
02/03/2026
Waxaan Cup-kii labaad ee Isdhexgalka Dhalinyarada โ Kooxda Raxiim ee Xaafadda Elman, Bosaso, ku maamuusnay oo ugu magac darnay saaxiibkeen iyo walaalkeen Maxamed Cabdirisaaq Yaasiin (Naaif) Rabbi ha u naxariistee. koobkaan oo soconaya bisha Ramadaan.
Furitaanka koobka ayaa waxa ka soo qeyb galay Maamulka kooxda heerarkeeda kala duwan.
Dhammaan ummada nagu xiran iyo taageerayaasha kooxda waxaan ka codsanaynaa in ay faataxada u maraan marxuumkaas iskana cafiyaan.
Ramadaan Mubaarak.
22/02/2026
Waxaa si Rasmi ah noogu furmay Koobkeenii Ramadaan Cup oo aan sida sanadlaha ah u qaban jirnay, Sanadkaan Koobka waxaan ku xusnay oo ugu magac darnay walaalkeen iyo Saaxiibkeen Maxamed Cabdirisaaq Yaasiin (Naaif) Rabbi ha u naxariistee.
Maskaxda ugu weyn ee sanadkaan qaban qaabinaysay koobka ayuu ahaa walaalkeen oo kaalinta ugu weyn kulahaa in sanado badan inoo qabsoomo koobkaan.
Waxaan tacsi u diraynaa dhammaan Qoyska,Qaraabada,Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.
Waxaan qiraynaa in uu noo aha tiir weyn oo naga baxay k**a daalayno in aan mar walba is xasuusino oo u ducayno walaalkeen In ilaahay Jannooyinkiisa tan ugu sareysa ku cusumo.
ุฅูุง ููู ูุฅูุง ุฅููู ุฑุงุฌุนูู
17/02/2026
TACSI MURUGO LEH โ------
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Ilaahay ha u naxariisto Walal Mohamed Abdirizakk Yaziin, hana u furo albaabada naxariistiisa. Dhammaanteen wuu naga baxay waxaana Eebbe ka baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan bahda ciyaaraha ee uu ka tirsanaa. ๐คฒ
Kooxda Elman SC waxan murugada la qaybsanaysaa qoyska, ehelka, asxaabta, iyo dhammaan ciyaartoyda kooxda, kadib geeridii naxdinta lahayd ee ku timid walalkin ๐ก๐ฎ๐ถ๐ณ oo ku geeriyooday magaalada ๐๐ผ๐๐๐ฎ๐๐ผ ManTa oo ay Tarikhdo tahy 17/2/2026.
Marxumka kooxda ๐๐น๐บ๐ฎ๐ป ๐ฆ๐ฐ la soo maray heerar kala duwan oo ciyaareed, laga bilaabo heerka hoose ilaa uu ka noqdo ciyaaryahan heerka A ah. Bilow ilaa dhammaad, wuxuu ahaa xubin muhiim ah oo ka mid ah kooxda, kuna sifoobay dadaal, anshax, iyo kalgacayl uu u qabay ciyaarta iyo saaxiibadiis. Wuxuu ahaa ciyaaryahan aan la ilaawi karin, oo kooxda Elman SC ay mar walba xusuusan doonto.
Waxaan leenahay:
Ilaahay ha u nuuro qabrigiisa, hana ka dhigo hoy ka wanaagsan kii uu adduunka ku lahaa Aamin. ๐คฒ
23/11/2025
Abdalla Osman Danial
Ahmed Daud Cabdi
Cabdla Indho Taag
Meel walba iyo mar walba kuwa ugu wanaagsan.
Daafacyo ay adagtahay in shabaqa ay difaacayaan loo gudbo โ๐
โโ๏ธ
12/10/2025
" Rag tashaday cir waa toli karaa taako labadeede "
One Family Elman SC
21/06/2025
Hambalyo Guddoonka Cusub ee Ururka Kubada cagta Puntland.
Si gaar ah waxaan ugu hambalyeynaynaa Guddoomiye Maxamed Ismaaciil Cunaaye waxaan leenahay xilka Rabbi ha kugu asturo.
waxaan ku rajaynaynaa in sida aan kuugu han weynahay ka Dhalinyaro ahaan aad noogu adeegi doontid.
Gobalka Bari matalaad dhab ah ayuu helay โ
Hambalyo markale
01/05/2025
Jiilasha Dahabiga ah ee Magaca Teamka mustaqbalka dhaw kor gayn doona.
Ka team ahaan Elman SC waxaa naga goโan in aan soo saarno xidigo dhan walba ka dhisan oo saaxada Kubada cagta Puntland ku soo kordhin doona wax badan.
Guul iyo Gobanimo โ
29/03/2025
Guul iyo Gobanimo, dadaal dheer kadib waa ilaahay mahadiis.
2 Years 2 Finale awood cad ๐ช