wisil city clup

wisil city clup

Share

Sxp ku soo dhawow teamka haddi aad tahay daawade teamka iyo hada tahay ka ciyaare teamka👍 mahadsanid

24/08/2025

With Maamulka Ciyaaraha Degmada Wisil – I just got recognized as one of their top fans! 🎉

24/08/2025

couch cabdi nasiib ayaa markan u hambalyeynaya qeyb kamid ah teamkiisa wisil city clup
Mohamed Farah 🗣:
Hambalyo Hambalyo dhamman ardeyda soomaaliyeed ee ku baasay exmka qaranka sigaara dhamman ardeyda scholka wisil qaasata cayaartoyda sports-ka dagmada oo qaarkood ka mid noqdeen ardeyda ku boostay exmka qaranka waxan si hoose ugu hambalyaynayaa taemka aan macalinkooda ahy ee wisil city clup ee 4 ka mid noqdeen qalin-jabiyeyaal

Sadiiq xirsi sahal
Ahmed Hassan mahamed
Abdirahman Abshir Jamac
Sadaq Abdi Nuur
Iyo sdkle lacibka ugu fican ee dagmada sxbkey+wiilkay mohamed Ali mohamed

Sxbyaal waxan idin rajaynayaa mustaqbal wanagsan oo qurux bdn

05/08/2025

Xaafadda Horseed oo Soo Bandhigtay Macalinkeeda Cusub!

Maamulka iyo taageerayaasha Xaafada Horseed ayaa si rasmi ah u shaaciyey magaca macalinka cusub ee hoggaamin doona kooxda inta lagu jiro tartanka xaafadaha Degmada Wisil ee 2025.

Macalinkaan cusub ayaa la filayaa inuu keeno isbeddel iyo horumar muuqda, isagoo leh waayo-aragnimo, karti iyo himilo sare oo ku aaddan horumarinta ciyaartooyda Horseed.

Maamulka Ciyaaraha Degmada Wisil

Photos from wisil city clup 's post 05/08/2025

GUDDOOMIYAHA CIYAARAHA WISIL OO MAGACAABEY GUDDIGA TARTANKA CIYAARAHA XAAFADAHA WISIL

Guddoomiyaha ciyaaraha degmada Wisil ayaa si rasmi ah u magacaabay Guddiga Tartanka Ciyaaraha Xaafadaha, taasoo qeyb ka ah u diyaar garowga tartanka la filaayo inuu si rasmi ah uga furmo degmada.

Magacaabistan ayaa ka dhigan tallaabo hor leh oo lagu xoojinayo qorshaha horumarinta ciyaaraha, iyo dhiirigelinta kartida dhalinyarada ee xaafadaha kala duwan.

Guddigan cusub ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo howlaha qabanqaabada tartanka, sida kala saarista jadwalka ciyaaraha, xulashada garsoorayaasha, iyo hagidda dhamaan howlwadeenada tartanka si uu ugu dhaco si habsami leh oo nidaamsan.

Maamulka ciyaaraha degmada Wisil wuxuu uga mahadcelinayaa dhammaan guddiga cusub diyaar garowgooda iyo doorkooda muhiimka ah ee horumarinta ciyaaraha
Maamulka Ciyaaraha Degmada Wisil

04/08/2025

Sorry football ⚽️🥺

03/08/2025

hal iyo labo wax ka dheh🔥🤞
Saadaq Matanow ⁷teamka🔥🫡

02/08/2025

OGEYSIIS MUHIIM AH – TARTANKA XAAFAADAHA DEGMADA WISIL

Maamulka ciyaaraha dagmada wisil waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa qabashada tartanka xaafadaha Degmada Wisil, kaa oo lagu wado inuu si rasmi ah u furmo maalinta Jimcaha ah, 8da Agoosto 2025.

Tartankani wuxuu noqon doonaa mid xiiso leh oo lagu dhiirrigelinayo:

Is-dhexgalka bulshada

Nadiifinta deegaanka

Wacyigelinta dhalinyarada

Iyo kor u qaadidda iskaashiga xaafadaha

Waxaan ku boorrineynaa dhamaan xaafadaha Degmada Wisil in ay si buuxda uga qaybqaataan tartankan, si loo helo deegaan nadiif ah, nabad ah, isla markaana kobciya wadajirka bulshada.

Faahfaahin dheeraad ah iyo habka isdiiwaangelinta waxaa lagu shaacin doonaa maalmaha soo socda inshaa Allaah.

Maamulka Ciyaaraha Degmada Wisil

26/07/2024

: Xaafada Wadajir ayaa shaacisay Macalinkeeda Cusub ee Xili Ciyaareedkan waxa ayna U magacaabeen Muno Cali Ducaale .

Coach: Muno Cali Ducaali Waa Shaqsiki Ugu Horeeya Oo Dumar ah Oo Tijaabiya In La Maamuli Karo Xafada WADAJIR Sanadkaan

Couch Waa Sanadkeedi Ugu h**eesay Ay Macalin Noqoto,Koobka WADAJIR ma U qaadi Doontaa
Waxa la sugaa Waa xafada Hodan iyo wadajir iyo couchkoda🫵🤚

26/07/2024

Wali Waxaa Socda Diyaar garowgii ugu danbeeyey ee Koobka Xaafadaha Degmada Wisil.

Kani Waa Macalinka Xaafada Horseed ee leylin doona Xili Ciyaareedkan. Couch: Abdinasib Mohamed Farah .

Macalinakni Waa macalinkii sanadkii h**e geeyey Xaafada horseed Final_ka tartanka kubada Cagta Xaafadaha Degmada wisil.

Maxaa Sanadkan laga filan karaa ???
Abdinasib Mohamed Farah welcome couch.shankar🫵🫂

25/07/2024

Wisil waxaa ka bilaaban raba cupka xafadaha ee dagmada wisil in.a 27/7/2024



06/03/2024

Kooxda Kubada Cagta ee jeeenyo Ayaa ku guuleysatey Rujaal Cup.
wisil city clup

📸

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Gaalkacyo