Carafaad Football club

Call Directions

Carafaad Football club Asc Mudane/marwo
ku soo dhawaaw page xafada carafaad waxaa kala socon kartaa wax walpo oo ku saaban wax walpo oo sports ah

🎉 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🎉Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa ciyaaryahankeena Muxidiin Jamaal Cumar (Xashka) oo ku g...
15/08/2026

🎉 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🎉

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa ciyaaryahankeena Muxidiin Jamaal Cumar (Xashka) oo ku guuleystay Somalia National League. 🏆🇸🇴

Guushan waa mid sharaf iyo farxad weyn u ah ciyaaryahanka, qoyskiisa, asxaabtiisa, taageerayaashiisa iyo guud ahaan bahda kubadda cagta Soomaaliyeed. Waxay muujineysaa dadaalka, kartida, dulqaadka iyo shaqada adag ee uu ciyaaryahanku geliyay horumarka kubaddiisa cagta.

Muxidiin Jamaal Cumar (Xashka), waxaan kuu rajeyneynaa guulo badan oo ka waaweyn tan, horumar joogto ah iyo mustaqbal ifaya oo kubadda cagta ah. Guushan ha noqoto bilowga guulo badan oo aad mustaqbalka gaarto.

Hambalyo Xashka! 🏆👏
Hambalyo guusha Somalia National League! 🇸🇴⚽
Guul iyo horumar joogto ah ayaan kuu rajeyneynaa.

Bahda Carafaad Football Club waxay ku faaneysaa guushaada. ❤️💪

Kulankii Shalay iyo Degmada matabaan natiijadii ay ku dhamtay Ciyarta Barbbaarta 0-2 Carafaad Carafaad Football club💪
13/08/2026

Kulankii Shalay iyo Degmada matabaan natiijadii ay ku dhamtay Ciyarta

Barbbaarta 0-2 Carafaad

Carafaad Football club💪

11/08/2026

Carafaad Boys ⚽🖤

Carafaad Football club

10/08/2026

WELCOME BALADWEYNE 🏙️⚽️💙

Maamulka, Macallimiinta, iyo Ciyaartoyda Carafaad Football Club waxa si weyn lugu dhaweye magaalada Baladweyne.

Kooxda Carafaad Football Club waxay maanta soo gaartay magaalada Baladweyne, iyadoo qeyb ka ah safar ciyaareed ay ku mareyso gobollada dalka, gaar ahaan Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, si ay u ciyaarto kulamo saaxiibtinimo iyo is-dhexgal ciyaareed.

Waxaan u mahadcelineynaa kooxada weyn fc Radeer shacabka Baladweyne, maamulka ciyaaraha iyo dhammaan bahda kubadda cagta ee sida diirran noogu soo dhaweeyay magaalada.

Baladweyne, soo dhaweyn diiran ayaan idiinka mahadcelineynaa. ❤️🤝

Carafaad Football Club – Safar, Isboorti & Walaaltinimo. ⚽️💙

🎉 HAMBALYO DHALASHO 👶💙Maamulka Carafaad Football Club, macallimiinta, ciyaartoyda iyo dhammaan taageerayaasha kooxda wax...
07/08/2026

🎉 HAMBALYO DHALASHO 👶💙

Maamulka Carafaad Football Club, macallimiinta, ciyaartoyda iyo dhammaan taageerayaasha kooxda waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ciyaaryahan Sharmake Toom, oo magaalada Galkacyo ugu dhashay wiil.

Waxaan Alle uga baryeynaa wiilka yar inuu noqdo mid caafimaad qaba, cimri dheer, cibaado suuban iyo mustaqbal wanaagsan ku barbaara, waalidkiisana uu u noqdo farxad, sharaf iyo kheyr.

Hambalyo Sharmake Toom iyo dhammaan qoyska! ❤️🎉
Alle ha ka dhigo ubad kheyr qaba oo anfaca waalidkiis iyo ummaddiisa. Aamiin. 🤲

Bahda Carafaad Football Club ⚽💙

01/08/2026

🌟 WELCOME TO GALKACYO 🌟

Bahda Xafadda Carafaad ayaa maanta kulan soo dhaweyn iyo Maamuus u sameyen Legend h**e Abdi Osman Mohamed Abdi (Dagcoora) iyo Fannaanka weyn Samiiir Dacaad.

Kulankan ayaa loogu talagalay in si diirran loogu soo dhaweeyo martida sharafta leh, loona muujiyo jacaylka, walaaltinimada iyo soo dhaweynta ay Bahda Carafaad u hayso.

🤝 Abdi Osman Mohamed Abdi (Dagcoora)
🎤 Fannaan Samiiir Dacaad

Waxaan idin leenahay:

❤️ KU SOO DHAWAADA MAGAALADA GALKACYO!
❤️KU SOO DHAWAADA XAFADDA CARAFAAD!

Bahda Xafadda Carafaad waxay idiin rajaynaysaa soo dhaweyn wanaagsan, waqti qurux badan iyo kulamo xusuus mudan.

Galkacyo waa gurigiinna, Carafaadna waa hoygiinna. ❤️🤝

🏆 KULAN SOO DHAWEEYN AH ⚽️Waxaa maanta la qabanayaa Kulan Soo Dhaweyn ah oo si gaar ah loogu sameynayo Legend-ka Xafadda...
01/08/2026

🏆 KULAN SOO DHAWEEYN AH ⚽️

Waxaa maanta la qabanayaa Kulan Soo Dhaweyn ah oo si gaar ah loogu sameynayo Legend-ka Xafadda Carafaad, Abdi Osmaan Mohamed Abdi ( Dagcoora), kaas oo dalka dib ugu soo laabtay.

Kulankan ayaa ah mid lagu muujinayo soo dhaweyn, walaaltinimo iyo xusuusta quruxda badan ee kubadda cagta, waxaana kasoo qeyb geli doona Legends-ka iyo halyeeyadii Xafadda Carafaad.

📍 Goobta: GU Stadium
📅 Maanta
⏰ 10:00 PM

Ku soo dhawoow Apdi Dagcoora ! ❤️⚽️
Carafaad waxay mar walba xusuus gaar ah u haysaa halyeeyadeeda. 🖤💙

Bismillaahi Raxmaani RaxiimKooxda ayaa maanta si rasmi ah u billowday tababarkeedii iyadoo si buuxda isugu diyaarinaysa ...
25/07/2026

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Kooxda ayaa maanta si rasmi ah u billowday tababarkeedii iyadoo si buuxda isugu diyaarinaysa safarro ciyaareed oo ay ku tegi doonto gobollada dalka, gaar ahaan Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Tababarkan wuxuu qayb ka yahay qorshaha horumarinta kooxda, kor u qaadista tayada ciyaartoyda, xoojinta wadajirka kooxda iyo diyaarinta kulamo saaxiibtinimo

Maamulka, macallimiinta iyo ciyaartoyda kooxda waxay muujiyeen dadaal, karti iyo niyad sare, iyagoo ka go’an inay soo bandhigaan ciyaaro tayo leh oo sharaf u soo hoya kooxda iyo taageerayaasheeda.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan taageerayaasha Carafaad Football Club inay garab istaagaan kooxdooda, una muujiyaan dhiirrigelin iyo taageero inta lagu jiro diyaar-garowga iyo safarrada soo socda.

Hal-ku-dheg:
“Midnimo, Dadaal iyo Guul.”

Carafaad Football Club
We Are Ready! 💙⚽

BismillaahAnagoo ah Maamulka, Macallimiinta, Ciyaartoyda iyo Taageerayaasha Carafaad Football Club, waxaan hambalyo iyo ...
21/07/2026

Bismillaah

Anagoo ah Maamulka, Macallimiinta, Ciyaartoyda iyo Taageerayaasha Carafaad Football Club, waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u direynaa ciyaaryahankeena qaaliga ah Mohamed Deeq Ibraahim iyo marwadiisa Drs. Aisha Cali Xasan, munaasabadda farxadda leh ee meherkooda oo ka dhacay Magaalada Galkacyo.

Waxaan idin leenahay Hambalyo Aroos Wacan! Alle ha idiinka dhigo guurkiinna mid barakeysan, jacayl, is-ixtiraam, naxariis iyo is-afgarad ku dhisan. Ilaahay ha idinka yeelo lammaane ku wada noolaada farxad, caafimaad, xasillooni iyo barwaaqo.

Waxaan Eebbe uga baryeynaa inuu idin waafajiyo nolol wanaagsan oo kheyr badan leh, kana dhigo reerkiinna mid lagu daydo, idinkana siiyo ubad suubban oo anfaca diintooda, dalkooda iyo waalidkood.

Mar kale, bahda Carafaad Football Club waxay si kal iyo laab ah idiinku hambalyeynayaan munaasabaddan qiimaha badan, iyagoo idiin rajeynaya nolol cusub oo guul, farxad iyo barako ku dheehan tahay.

بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خير.

Hambalyo Aroos Wacan!

ALXMDULILAH 🤲 FINALLY 💪Carafaad Football club💙
02/07/2026

ALXMDULILAH 🤲

FINALLY 💪

Carafaad Football club💙

Address

Gaalkacyo

Telephone

+252618659062

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Carafaad Football club posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category