Carafaad Football club

Carafaad Football club

Share

Asc Mudane/marwo
ku soo dhawaaw page xafada carafaad waxaa kala socon kartaa wax walpo oo ku saaban wax walpo oo sports ah

Photos from Carafaad Football club's post 15/08/2026

๐ŸŽ‰ HAMBALYO IYO BOGAADIN ๐ŸŽ‰

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa ciyaaryahankeena Muxidiin Jamaal Cumar (Xashka) oo ku guuleystay Somalia National League. ๐Ÿ†๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Guushan waa mid sharaf iyo farxad weyn u ah ciyaaryahanka, qoyskiisa, asxaabtiisa, taageerayaashiisa iyo guud ahaan bahda kubadda cagta Soomaaliyeed. Waxay muujineysaa dadaalka, kartida, dulqaadka iyo shaqada adag ee uu ciyaaryahanku geliyay horumarka kubaddiisa cagta.

Muxidiin Jamaal Cumar (Xashka), waxaan kuu rajeyneynaa guulo badan oo ka waaweyn tan, horumar joogto ah iyo mustaqbal ifaya oo kubadda cagta ah. Guushan ha noqoto bilowga guulo badan oo aad mustaqbalka gaarto.

Hambalyo Xashka! ๐Ÿ†๐Ÿ‘
Hambalyo guusha Somalia National League! ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดโšฝ
Guul iyo horumar joogto ah ayaan kuu rajeyneynaa.

Bahda Carafaad Football Club waxay ku faaneysaa guushaada. โค๏ธ๐Ÿ’ช

Photos from Carafaad Football club's post 13/08/2026

Kulankii Shalay iyo Degmada matabaan natiijadii ay ku dhamtay Ciyarta

Barbbaarta 0-2 Carafaad

Carafaad Football club๐Ÿ’ช

11/08/2026

Carafaad Boys โšฝ๐Ÿ–ค

Carafaad Football club

10/08/2026

WELCOME BALADWEYNE ๐Ÿ™๏ธโšฝ๏ธ๐Ÿ’™

Maamulka, Macallimiinta, iyo Ciyaartoyda Carafaad Football Club waxa si weyn lugu dhaweye magaalada Baladweyne.

Kooxda Carafaad Football Club waxay maanta soo gaartay magaalada Baladweyne, iyadoo qeyb ka ah safar ciyaareed ay ku mareyso gobollada dalka, gaar ahaan Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, si ay u ciyaarto kulamo saaxiibtinimo iyo is-dhexgal ciyaareed.

Waxaan u mahadcelineynaa kooxada weyn fc Radeer shacabka Baladweyne, maamulka ciyaaraha iyo dhammaan bahda kubadda cagta ee sida diirran noogu soo dhaweeyay magaalada.

Baladweyne, soo dhaweyn diiran ayaan idiinka mahadcelineynaa. โค๏ธ๐Ÿค

Carafaad Football Club โ€“ Safar, Isboorti & Walaaltinimo. โšฝ๏ธ๐Ÿ’™

07/08/2026

๐ŸŽ‰ HAMBALYO DHALASHO ๐Ÿ‘ถ๐Ÿ’™

Maamulka Carafaad Football Club, macallimiinta, ciyaartoyda iyo dhammaan taageerayaasha kooxda waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ciyaaryahan Sharmake Toom, oo magaalada Galkacyo ugu dhashay wiil.

Waxaan Alle uga baryeynaa wiilka yar inuu noqdo mid caafimaad qaba, cimri dheer, cibaado suuban iyo mustaqbal wanaagsan ku barbaara, waalidkiisana uu u noqdo farxad, sharaf iyo kheyr.

Hambalyo Sharmake Toom iyo dhammaan qoyska! โค๏ธ๐ŸŽ‰
Alle ha ka dhigo ubad kheyr qaba oo anfaca waalidkiis iyo ummaddiisa. Aamiin. ๐Ÿคฒ

Bahda Carafaad Football Club โšฝ๐Ÿ’™

01/08/2026

๐ŸŒŸ WELCOME TO GALKACYO ๐ŸŒŸ

Bahda Xafadda Carafaad ayaa maanta kulan soo dhaweyn iyo Maamuus u sameyen Legend h**e Abdi Osman Mohamed Abdi (Dagcoora) iyo Fannaanka weyn Samiiir Dacaad.

Kulankan ayaa loogu talagalay in si diirran loogu soo dhaweeyo martida sharafta leh, loona muujiyo jacaylka, walaaltinimada iyo soo dhaweynta ay Bahda Carafaad u hayso.

๐Ÿค Abdi Osman Mohamed Abdi (Dagcoora)
๐ŸŽค Fannaan Samiiir Dacaad

Waxaan idin leenahay:

โค๏ธ KU SOO DHAWAADA MAGAALADA GALKACYO!
โค๏ธKU SOO DHAWAADA XAFADDA CARAFAAD!

Bahda Xafadda Carafaad waxay idiin rajaynaysaa soo dhaweyn wanaagsan, waqti qurux badan iyo kulamo xusuus mudan.

Galkacyo waa gurigiinna, Carafaadna waa hoygiinna. โค๏ธ๐Ÿค

01/08/2026

๐Ÿ† KULAN SOO DHAWEEYN AH โšฝ๏ธ

Waxaa maanta la qabanayaa Kulan Soo Dhaweyn ah oo si gaar ah loogu sameynayo Legend-ka Xafadda Carafaad, Abdi Osmaan Mohamed Abdi ( Dagcoora), kaas oo dalka dib ugu soo laabtay.

Kulankan ayaa ah mid lagu muujinayo soo dhaweyn, walaaltinimo iyo xusuusta quruxda badan ee kubadda cagta, waxaana kasoo qeyb geli doona Legends-ka iyo halyeeyadii Xafadda Carafaad.

๐Ÿ“ Goobta: GU Stadium
๐Ÿ“… Maanta
โฐ 10:00 PM

Ku soo dhawoow Apdi Dagcoora ! โค๏ธโšฝ๏ธ
Carafaad waxay mar walba xusuus gaar ah u haysaa halyeeyadeeda. ๐Ÿ–ค๐Ÿ’™

Photos from Carafaad Football club's post 25/07/2026

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Kooxda ayaa maanta si rasmi ah u billowday tababarkeedii iyadoo si buuxda isugu diyaarinaysa safarro ciyaareed oo ay ku tegi doonto gobollada dalka, gaar ahaan Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Tababarkan wuxuu qayb ka yahay qorshaha horumarinta kooxda, kor u qaadista tayada ciyaartoyda, xoojinta wadajirka kooxda iyo diyaarinta kulamo saaxiibtinimo

Maamulka, macallimiinta iyo ciyaartoyda kooxda waxay muujiyeen dadaal, karti iyo niyad sare, iyagoo ka goโ€™an inay soo bandhigaan ciyaaro tayo leh oo sharaf u soo hoya kooxda iyo taageerayaasheeda.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan taageerayaasha Carafaad Football Club inay garab istaagaan kooxdooda, una muujiyaan dhiirrigelin iyo taageero inta lagu jiro diyaar-garowga iyo safarrada soo socda.

Hal-ku-dheg:
โ€œMidnimo, Dadaal iyo Guul.โ€

Carafaad Football Club
We Are Ready! ๐Ÿ’™โšฝ

21/07/2026

Bismillaah

Anagoo ah Maamulka, Macallimiinta, Ciyaartoyda iyo Taageerayaasha Carafaad Football Club, waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u direynaa ciyaaryahankeena qaaliga ah Mohamed Deeq Ibraahim iyo marwadiisa Drs. Aisha Cali Xasan, munaasabadda farxadda leh ee meherkooda oo ka dhacay Magaalada Galkacyo.

Waxaan idin leenahay Hambalyo Aroos Wacan! Alle ha idiinka dhigo guurkiinna mid barakeysan, jacayl, is-ixtiraam, naxariis iyo is-afgarad ku dhisan. Ilaahay ha idinka yeelo lammaane ku wada noolaada farxad, caafimaad, xasillooni iyo barwaaqo.

Waxaan Eebbe uga baryeynaa inuu idin waafajiyo nolol wanaagsan oo kheyr badan leh, kana dhigo reerkiinna mid lagu daydo, idinkana siiyo ubad suubban oo anfaca diintooda, dalkooda iyo waalidkood.

Mar kale, bahda Carafaad Football Club waxay si kal iyo laab ah idiinku hambalyeynayaan munaasabaddan qiimaha badan, iyagoo idiin rajeynaya nolol cusub oo guul, farxad iyo barako ku dheehan tahay.

ุจุงุฑูƒ ุงู„ู„ู‡ ู„ูƒู…ุง ูˆุจุงุฑูƒ ุนู„ูŠูƒู…ุง ูˆุฌู…ุน ุจูŠู†ูƒู…ุง ููŠ ุฎูŠุฑ.

Hambalyo Aroos Wacan!

02/07/2026

ALXMDULILAH ๐Ÿคฒ

FINALLY ๐Ÿ’ช

Carafaad Football club๐Ÿ’™

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Gaalkacyo