Inaa Lilaahi wa inaa ileyhi Raajicuun
Waxaan goordhow hoygiisii dhabta ah gaynay Walaalkey saaxiibkey Saylac Cabdirisaaq Maxamed oo galabtay geeriyooday.
Geerida saylac ku timid waxay ahyd mid nawada taabatay,wuxuu ahaa nin aad u Akhlaaq fiican cibaado badan, saaxiiibadiis aad u tixgaliya.Wuxuu ahaa shaqsi xariirin badan waliba isagoo aad u xanuunsanaa ayuu asxaabtiisa waqti kasta.
Wax badan oo wanaag ah ayaan ku xasuusan doonaa waliba shaqsiyadiisii ixtiraamka badnayd mudadii uu katirsanaa kooxda wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda hibada ciyaareed leh ee mar la araga ah.
Eebe samir iyo iimaan haka siiyo Waalidkiis ,walaalihiis iyo Dhamaan Dhalinyarada ciyaaraha Gobalka Mudug.
Galkaio City Club
football club
14/05/2022
KOOXDA KUBADDA CAGTA EE DOWLADA HOOSE EE GALKACYO AYAA MANTA OO SABTI AH DIB U BILAABAYSA TABABARKII KOOXDA SI AY UGU DIYAAR GAROWDO HORYAALKA GOBOLKA MUDUG
01/05/2022
Munaasabada ciidul fidriga waxaan ugu hambalyeen dhamaan ummada islaamka gaar ahaan ummada soomaaliyeed meelwalb ay joogaan, waxaan kaloo munasaabada ugu hambalyeen maamulka, ciyaartoyda iyo taageerayasha kooxda Dowlada hoose waxaan eebe ka rajeeneynaa inuu sanadkaan sanadkiisa kale nabad iyo caafimad nagu gaarsiiyo dhamaanteen acmaasheenii bisha soone eebe naga aqbalo. Aamiin.
04/04/2022
Kooxda kubadda cagta dowlada hoose waxay u hambalyaynayaa abukaate bukhari cato oo ku guulaystay gudoomiyaha ururka qareenada puntland.
Hambalyo hambalyo
04/04/2022
RAMADAN KARIM
Mahadcelin iyo hambalyo 🙏
Kooxda Dowlada hoose Fc waxaa ay u maahad celinaysaa maamulka Sportska G/mudug ugu horeyn gudoomiye Shafici Abdi Gare iyo ururka kubbadda cagta Puntland uu nagala joogay xoghaye Yahye Xirsi iyagoo galab walba heegan ku ahaa garoonka waxay door weyn ka qaateen in tartanka AUN Ilyaas ku soo dhamaado jawi qurux badan.
Kooxda GCC waxay Kaloo u mahadcelinaysa garsoorka gobolka oo sameeyay dulqaad iyo dadaal maalin walba ahaa , waxayna ku guulaysteen ujeedkii tartanka ee ahaa in ay kusoo idleeyaan jawi quruxbadan dadaal dheer kadib.
Sidoo kale kooxdu waxay u mahadcelinaysaa dhammaan warbaahinta ka Faaloota cayaaraha kuwaas oo soo gudbinayay muuqaalo iyo sawiro qurux badan oo ka turjumayay horumarka Sportska G/Mudug.
Kooxda GCC waxay u hambalyaynaysaa kooxda koobka ku gulaysatay
Waxay kooxdu la qayb sanaysaa farxada umadda islamka ee dhalashada bisha barakaysan
Wabilaahi towfiiq.
22/03/2022
Xoghaya Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiqani Cabdiraxman Faarax , Maamulka Kooxda Dawladda Hoose ayaa Casho-sharaf u sameeyay Kooxda Magaca Degmada Gaalkacyo ku matalaysay tartanka ( ilyaas Cup ) oo ka socda Garoonka Kubadda Cagta Cawale stadium .
Masuulinta oo Ciyaartoyda kooxda ku amanaya sidii anshaxa lahayd ee kooxdu ay u ciyaartay dhamman kulamadi ay ciyaarta ayaa ballan qaaday in isbadal iyo dib u habayn xoogleh kooxda Magaca Degmada ku ciyaaraysa ay ku samaynayaan si tartamada dambe kooxdu u guulaysato .
12/03/2022
Galkaio City Club
11/03/2022
07/03/2022
Force Galkaio City Club
06/03/2022
Waxaan galabta ciyaarna kulan keeni kowaad ee tartanka ilyaas Cup oo aan la ciyaaraynay dhigeena Somtel ciyaar qurux badan .
Waxaan la kulanay mid kamid ah saddexda waji ee garoon loo soogalo , ciyaartoyda kooxdu waxay soo bandhigeen ciyaar-wanaag waxan rajaynaynaa in kulamada dambe aan guulaysan doono | Alxamdulilah
06/03/2022
10/10 ciyaar yahankii ugu fiicnaa garoonka
06/03/2022
Kooxda kubada cagta Dawlada hoose Ee Dagmada Galkacyo.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Gaalkacyo