21/09/2025
Hambalyo Hambalyo xulka kubada Cagta Degmada Buurtinle oo ku guulaystay tartanka Degmooyinka Gobolka Nugaal sanadka 2025.
Sidoo kale Hambalyo weeraryahanka kooxda Alxikma Abdiwuduud Maxamed Aadan Duudka oo ku guulaystay Gooldhalinta tartanka.
22/08/2025
Waxaan galabta ciyaaraynaa kulankeenii 4aad ee koobka GONDOGOOYE CUP.
Kulanka Galabta :
Alxikma FC vs Puntland Fast Fc
Waqtiga : 3:30 Galabnimo
Garoonka : Mirre Awaare.
22/08/2025
Sawirada kulankii Alxikma 4 Vs 4 Golaha Wakiilada.
01/08/2023
DEGDEG: Yacquub Cismaan Maxamuud ayaa loo Magacabaaya Macallinka Xulka G/Nugaal kadib Wareegto kasoo baxday Maamulka Ciyaaraha G/Nugaal.
Yacquub ayaa Lagu Xasuustaa inuu ahaa Weeraryaha kii h**e ee Xulka G/Nugaal iyo Xulka PL.
Dhamaan maamulka kooxda iyo ciyaryahana tagerashaba waxaan lenahay hamblyo shaqada lagu idmaday allaha kula garab galo
Tageero iyo hiilba garabkaaga nahay
Xulka gobolka nugaal🐎
07/07/2023
Akadeemiyada Kooxda kubadda Al Xigma Football Club (AFC) "Heerka 2aad" ayaa galabta kulan saaxiibtinimo kula ciyaaray garoonka kubadda cagta Mire Awaare Stadium, dhigooda Xalane FC oo ka dhisan Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Kulanka oo ahaa kulan saaxiibtinimo ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Nugaal Mudane Siciid Xasan Cabdi, Guddoomiyaha guud ee Kooxda Al Xigma heerar keeda kala duwan Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud (Maax Timo Cadde), ciyaaryahanada kooxda ee heerka kowaad iyo marti sharaf kale.
Ugu damayntii kulanka labada kooxood ayaa ku soo dhammaaday barbaro 0:0 ah.
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta Kooxda kubadda cagta Al Xigma Football Club ⚽️ (AFC).
15/06/2023
Full time
Al-xikma team 3 S.B.C Football club 3
kulankii kowaad kooxda galabta
in shlh wadada guusha ayan rajeen kulamada danbe teamku inuu kuso labto
dhaman tagerayasna kooxda ad ban ugu mahdcelin garab istaagooda 🙏💯
shaqo waa bilaw ilaa dhaamadka sidu khayrku kujiro guul iyo gobonimo 💪
28/01/2023
Ugu h**eyn ilahay mahad iskaleh si nabad ah kuso dhameyay tartarkii koobka degmooyinka gobolka nugaal
Waxaa halkan hambalyo ugu dirayna oo sanadka champions noqotay
Marka xigtana dhaman ciyaryahana kooxda oo ad uga so dhexmuuqday koobka iyagana waxan lenahay h**ey usocda intas kabadan wan idin rajjeynayna dhamantin
Si khaas ah ku gulasytayashi billahada tartanka🥇
👉Best goalkeeper
👉Best deffender
👉Best midfielder
👉Best player
Hormar intas ka ballaran dhalinayaro🙏💯
05/11/2022
TACSI
DHAMMAN GUDOOMIYAHA, MAAMULKA, MACALIMINTA IYO CIYAARTOYDA KOOXDA KUBADA CAGTA ALXIKMA HEERAR KEDA KALA DUWAN WAXAA AY KA TACSIYEEYNAYAN GEERIDA ADEER #(BEERDOON).
waxaa ka tacsiyaynaynaa geerida adeer Beerdoon oo saaka Hargaysa ku geeriyooday
dhamman familki uuka baxay samir iyo iman alle haka siyo
sigaara waxaa uga tacsiyaynaynaa familyga iyo Mama Ciise in ilahay qalbiga uqaboojiyo samirna ka siyo geerida adeer Beerdoon.
ALLE HA UNAXARIITO ALBABADA JANADANA HA UFURO QABRIGANA ALLE HA UNUURIYO ADEER
انا لله وانا إليه راجعون اللهم اغفر له وارحمه واسكنه فسيح
DHAMMAAD.
Xafiiska kooxda kubada Cagta Alxikma
20/08/2022
Maamulka, macallimiinta iyo guud ahaan ciyaartoyda kooxda EX ALXIKMA.
waxaan halkaan raali galin buuxda ka siinaynaa Xiriirka kubada cagta puntland, gudoonka sprotska Gobolka nugaal, Garsooka iyo guud ahaan bahda sports ka Puntland.
14/07/2022
Kulankii galabta waxaa dhawac soo garay ciyaryahanka khadka dhexe kooxda, ️⃣8️⃣
Waxaan urajeneyna dhamanteen anagoo isku duuban cafimad degdeg ah, alle inuusiiyo in shlh 🤲🤲
09/07/2022
Maamulka, Macalimiinta, Ciyaartoyda Iyo Taageerayaasha Naadiga Al-xikma team Waxay Farxada Ciidul Adhxa Darteed Ugu Hambalyaynayaan Dhamaan Umada Muslimka Ah Gaar Ahaan Umada Soomaaliyeed Waxaan Idin Leenahay Ciid Wanaagsan .