11/02/2024
“Waxan aad uga xunahay maamul ahaan guul daradi iyo ceebti ku dhacday maanta Kooxda
W/H/M/Ceergabo”
——————————————————————————
Ciyaartoyda kooxdu way dadaalen intay tamartoodu ahaydna way ciyaren wayna mahadsan yihiin.
guuldarada kooxda manta kudhacday khaladkeena waxa leh anago ah maamulka kooxda.
————————————————————————-
ugu danbayn wanu saxayna khaladadki aanu galnay reer sanagna waxanu leenahay & wasaradi maaliyada ceergabo naga rali ahada🙏
anago inti h**e ka adag banu so noqon insha aallh marnaba ha niyad jabina.
—————————————————————————
23/01/2024
Isku aadka Horyaalka Horyalada Somaliland 2024 & marsadi berbera🌊
27/12/2023
Horyaalka Horyalada somaliland iyo Marsadi berbera🌊
—————————————————————————-
Kooxda W/H/M Ceergaabo o ah kooxda sadexaad o si toosa uga qayb gali doonta kooxaha G.sanaag champion ka berbera sanadka.
—————————————————————————-
Guud ahaan kooxaha ka socda G.sanaag waxanu urajaynayna sanadka inay guul kaso hooyan koobka champion ka sanadkana u noqdo sanadki sanaag
————————————————————————-
Gaar ahaan kooxd wasaarada maaliyadu waxay sanadka aad ugu han wayn tahay dadaal kastana umaraysa siday koobka Degmo ceergabo uguso hoyn lahayd insha allh.
Ugu danbayn shacabka G.sanaag odhan waxanu ku dhiirinayna inay taagero laxaad wayn muujiyan taageruhu wa ciyartoy 12naad o lays dheeryahay.
Wa billahi tawfiiq
13/12/2023
ALXAMDULILAAH❤️
Kooxda wasaaradda Maaliyadda Ceerigaabo Ayaa kamid noqonaysa sanadka kooxaha U,anba bixi doona Horyaalka Horyaaladda somaliland Ee Sanadkan. 2023 ilaa 2024.
Kooxda wasaaradda maamulkeeda iyo Ciyaartoyduba waxay sanadka sameeyeen dadaal Aad uweyn walaw hamigoodu ahaa koobka hadanna qaradka Eebe Swt ayaa sidaa udhacay.
Waxaa kooxdu umahad celinayaa Gudoomiyaha Xidhiidhka kubada cagta somaliland iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha. Isla jeerkaana kooxdu waxay umahad celinaysaa wasaaradda dhalinta ciyaaraha Gobolka sanaag iyo xidhiidhka Gobolka sanaag oo door mihim ah ka qaatay qabsoomida Horyaalkii dhamaaday.
sidoo kale waxay kooxdu soo dhaweynaysaa hambalyona udiraysaa Wasiirka cusub Ee wasaaradda dhalinta iyo ciyaaraha heer qaran.
Waxay kooxdu si mug iyo miisaan leh Mahad celin ugu haysaa Wasaaradda horrumarinta Maaliyadda oo kaalin Mug leh ka qaadata Dhiiri galinta Dhalinyadda
Sidoo kale Kooxdu waxay maamuusaysaa maamulka kooxda oo si hagar la,aan ah u hibeeyey hamigoodii iyo dadaalkoodii ay sida buuxda ula garab taagaayeen dhalinyaradda.
Waad mahad santihiin
Gudoomiyaha kooxda Mohamed Ahmed Ali
Macalinka kooxda Kooxda Liban Cartan Xuseen
Macalin ku xigeenka kooxda Nouh Cumar Cabdule
Xooghayaha kooxda Maxamed Xuseen Nuur.
ALLAA MAHADLEH
23/11/2023
Macalinka cusub Ee kooxda Maaliyadda Liban Cartan Xuseen, ayaa kooxda ku Hogaamiyey sadexdii ciyaarood Ee igu danbeeyey 9 points iyo 7 Goal Sadexdii ciyaarood Ee ugu danbeeyey
Maaliyadda 2 Vs Gaashaan 1
Maaliyadda 4 Vs Duulista 0
Maaliyadda 1 Vs Jaamacadda 0
10/11/2023
Alx ❤️ Waxaynu marnay wajiyadii kubada cagta waxaynuna soo hoyney 3point
Waxaa Goalsha uxaqiijiyey laacib Younis Bixin ✅
28/10/2023
Goal dhalinta Horyaalka Koobaad Ee Gobolka sanaag
8 much 7 Goal ninkan Cimaamadiisa Halkaa lagoo dhigo
30/09/2023
Munaasibad Casho sharaf iyo Soo dhaweyn isugu jirta ayaa ka dhacday Andulus Hotel Ee magaaladda Ceerigaabo, waxaana munaasibaada loo qabtay 3 ciyaartoy Oo ka qalinjabiyey jaamacaddaha dalka iyo labo ciyaartoy oo kooxda kusoo biiray
27/09/2023
Congratulations congratulations million times congratulation my brothers. Tomorrow is the day you would have completed your bachelor's degree. We wish you a good future
22/09/2023
Ku soo dhawaadda Kooxda W.H.M Ceerigaabo zxbayaal Bixin JR iyo Cabdisalaan Cazharra