Abdifatah Ahmed Osman

Abdifatah Ahmed Osman

Share

Sport's Events

17/01/2023

Musonda wuxuu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka Zambia waxaana la guddoonsiiyay 5 kartoon oo beed/ukun ah... 😥

Africa waa Africa uun saaxiibayaal.

16/01/2023

Messi oo qaar jayniis ah jaanis ku helay.😁

🚨 YAAB! Kooxda PSG ayaa go’aan ku gaadhay in ay xaraashto funaanadaha ay xidhaan ciyaartooydeedu intii ay socotay kulankii Angers.
Garankii uu xidhay Messi waxa uu ka iibiyey macaamiil jayniis ah oo uu kaga iibiyey lacag waali ah oo dhan 43,623 euros! 😳🤑

15/01/2023

SPANISH SUPERCOPA CHAMPIONS 🏆

Waa Koobkii ugu horeeyay ee ay qaadan tan iyo 2020-21 Copa del Rey.👏

15/01/2023

GAVI ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee EL CLÁSICO! ✨

Sidoo kale waxaa uu noqday ciyaaryahankii ugu da'da yaraa taariikhda Supercopa de España ee gool ka dhaliya finalka.⚡️

11/01/2023

Lionel Scaloni: "Waxaan qabaa in Messi uu u gudbi karo Koobka Adduunka ee soo socda, mar walba albaabku waa u furan yahay." 💙

11/01/2023

Chelsea ayaa ku dhawaaqday inay heshiis amaah ah kula soo wareegtay João Félix oo ay kaga soo qaateen Atlético Madrid ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Ikhtiyaarka Iibku ma jiro.)

Joao Felix ayaa sidoo kale qandaraaska u kordhiyey kooxdiisa Atletico Madrid ilaa 2027.

11/01/2023

Hadii aad ku darto lacagta lagu soo iibinayo Christopher Nkunku, Chelsea waxa ay hadda kharash garaysay in ka badan 400 milyan ginni tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka.😳💰

11/01/2023

Marcus Rashford ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Manchester United ah ee gool dhaliya 8 kulan oo isku xigta garoonkooda tan iyo Wayne Rooney 2010.🤯

Tani waa Heer kale oo Madadaalo ah.

10/01/2023

Pep Guardiola oo ka hadlay Gareth Bale: 😁

"Alla muxuu ahaa ciyaaryahan. Xirfad heersarre leh, wuxuu ku guuleystay waxyaabo badan, wuxuu matalay Wales isagoo u saftay in ka badan 100 kulan, hadda wuxuu noqon doonaa ciyaaryahan Golf ah oo cajiib ah."

10/01/2023

Andrea Pirlo ayaa soo gudbiyay musharaxnimadiisa si uu u noqdo macallinka cusub ee xulka qaranka Belgium, sida laga soo xigtay HLN.🇧🇪

10/01/2023

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba ayaa ku soo laabtay tababarka markii ugu horeysay tan iyo bishii October, ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac.

09/01/2023

Saxeexii Cristiano Ronaldo ee kooxda Al Nassr kadib, waxaa cirka isku shareeray markaliya kanaalada baraha bulshada ee Al-Nassr.🚀😳

Jaantuuskan hoose wuxuu muujinayaa kahor iyo kadiba halka ay marayeen Followerska kanaaladani.

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa