Aamiin sports hoyga ciyaarha

Aamiin sports hoyga ciyaarha

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Aamiin sports hoyga ciyaarha, Sports, Aamiinholac@gmail. com, Hargeisa.

22/01/2020

Man United Oo Hormar Ka Sameysay Wadahadalada Saxiixa Bruno Fernandes Iyo Wargeyska A Bola Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay.

January 22, 2020 Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" Comments Offon Man United Oo Hormar Ka Sameysay Wadahadalada Saxiixa Bruno Fernandes Iyo Wargeyska A Bola Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay.

Advertisements

Manchester United ayaa lagu soo warramayaa iney hormar ka sameysay wadahadalada ay dib ula bilowday kooxda Sporting Lisbon kuna saabsan saxiixa Bruno Fernandes, waxaana la fahamsan yahay iney isku dayeyso bishaan iney lasoo saxiixdaan.

Fernandes ayaa muujiyay sida uu ugu baahi qabo inuu ku biiro kooxda Red Devils, balse waxaa la wariyay is faham-darada ka dhalatay qiimahiisa ayaa sababtay inuu baaqi kusii ahaado kooxdiisa.

Si kastaba wararka ka imaanaya dalka Portugal ayaa sheegaya in wadahadaladii dib loo bilaabay laga gaaray hormar fiican, waxaana la aaminsan yahay in labada kooxood ay isla meel dhigeen wax walba oo ku saabsan arintiisa.



Wararka la baahiyay waxaa lagu sheegay in Red Devils ay diyaar u tahay bixinta lacag dhan 46.7 Malyan oo Pound oo la raacin doono 8.5 Malyan oo Pound oo gunno ah.

Ole Gunnar Solskjaer wuxuu maanka ku hayaa iney kooxda u baahan tahay dib u dhis xilli uu isku diyaarinayo kulanka ay caawa la leeyahiin Burnley.

25-jirkaan tayada wanaagsan wuxuu kooxdiisa ku cadaadinayaa in laga iibiyo Man United, balse lama oga sida ay bishaan ugu dhamaan doonto.,

15/11/2019

Waxaan inoo sameynay channelkii subscribe

13/09/2019

Adigo ah Ciyaaryahan kooxdee ayaad u saxiixi laheeyd heshiis si aad ugu biirtid

kaliya soo qor magaca kooxda ku biiri lahed

Like ☑️ invate ☑️ share ☑️ mention ☑️

Share gareey.

06/09/2019

SI AAD UGU GUULAYSATO RAAC TILMAAMAHAN.

1. Marka h**e like-saar page-ka, kadibna share-garee.
2. Sheeg oo saadaali Natiijada ciyaarta.
3. Sheeg Ciyaar-yahanka Goal-ka ugu h**eysa dhalinaya.
4. Hadii dhawr qof ay Saxaan Natiijada Sadaasha Ciyaarta Qofka xaga Wakhtiga ugu h**eeya ayaa ku Guulaysan doona Abaalmarinta.
5. Qofkii guulaysta wuxuu helayaa abaalmarin dhan $35dollar
6. waxaa ku guuleysanaya abaalmarinta hal qof kaliya

Saadaashu waxay ku egtahay marka ciyaartu bilaabato.

Photos from True Cable Tv's post 21/08/2019
21/08/2019

RASMI: Franck Ribery Oo Ugu Dambayn Si Xor Ah Ugu Biiray Kooxda Fiorentina

Kooxda Fiorentina ayaa xaqiijisay in ay si Rasmi ah ula soo saxiixatay xiddigii h**e ee Kooxda Bayern Munich Franck Ribery kaas oo kooxda ugu biiray heshiis xor ah.

Franck Ribery ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 4 milyan oo euro mushaharka iyo waliba lacago guno ah.

21/08/2019

Cristiano Ronaldo ayaa qirtay in xilli ciyaareedkan uu noqon karo kiisii ugu danbeeyay ee waayihiisa ciyaareed laakiin waxa uu sidoo kale sheegay inuu sii ciyaari karo todobo sannadood kale.

Ronaldo oo waayihiisa ciyaareed bilaabay 2002 ayaa u soo dheelay kooxaha Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid iyo haatan uu joogo Juventus

Ronaldo ayaa u sheegay TV-ga Portugal ee TV1: “Kama fekero ciyaar ka fariisiga.

Waxaa macquul ah inaan sannadka danbe soo gabagabeeyo waayaheyga ciyaareed

Ma garanayo. Waxaan mar walba iraahdaa waa inaan ku riyaaqo waqti xaadirkaan.

Hibada aan heysto waa mid aad u fiican, waana sii wadi doonaa inaan ku riyaaqo

17kii sannadood ee uu ku xamaalanayay kubada cagta, Ronaldo waxa uu ku guuleystay koobab badan oo ay ku jirto lix horyaal iyo shan Champions League.

Laakiin abaalmarinadiisa shaqsiga ayaa ah kuwa cajiib ah isagoo ku guuleystay shan jeer abaalmarinta Ballon d’Or, shan jeer xiddiga sannadka ee FIFA iyo afar jeer uu qaaday kabta dahabka ee Yurub.

Xiddiga kaliya ee abaalmarintiisa shaqsiga ah barbareyn kara waa xiddiga ay mudada dheer xafiiltamayeen ee Lionel Messi.

Laakiin xiddiga Juventus ayaa aaminsan inuu sameeyay waxyaabo badan oo uu uga h**eeyo Messi.

Ronaldo ayaa hadalkiisa raaciyay: “Ma jiraan ciyaaryahano iga rikooro badan aniga?

“Uma maleynayo inuu jiro ciyaaryahan heysta rikoorada aan aniga heysto.

21/08/2019

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa wali bartilmaameed u ah kooxda Real Madrid xilli uu wali furan yahay suuqa Kala iibsiga La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa dalab cusub ka gudbinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba inta lagu jiro todobaadkan kadib markii uu xiisohoodu kor u kacay maalmihii ugu dambeeyay sida uu sheegayo saxafiga Ian McGarry

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu Paul Pogba loo keeno kooxda xilli uu xiddiga khadka dhexe Albaabka u furay in uu ku biiro Los Blancos

Man United ayaan keeni karin badalkiisa hadii uu ka tago kooxda Maadama uu xidhmay suuqa kala iibsiga premier League laakiin Los Blancos ayaan wali ka rajo dhigin saxiixa xiddiga.

Kooxda Real Madrid ayaa aaminsan in uu heshiisku dhici doono maadama uu xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda waliba ku biiro kooxdooda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Paul Pogba ayaa dhankiisa bilowgii xagaagan qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

21/08/2019

Xiddiga Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa durbaba noqday xiddiga koowaad ee Manchester United diirada u saaran bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga Ingariiska.

Kooxda Red Devils ayaa isku diyaarineysa inay 100 milyan ginni ku dagaalgasho si ay dib ugu soo laabtaan Champions League, waxaana Ole Gunnar Solskjaer uu muhiimsan siinayaa saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Dortmund

19/08/2019

GOOL! Degmada Gacan libaax 1:0

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Aamiinholac@gmail. Com
Hargeisa